Advertisement

Wararka

Wasiirka caafimaadka Puntland oo xilal cusub u magacaabay wasaarada caafimaadka qay bteeda G/bari.

U dir saaxiib Daabaco Add Comment

Wasiirka Caafimaadka Puntland Cali C/laahi warsame

Xaflad lagu magacaabayay xilal cusub oo ay yeelanayso wasaarada caafimaadka qaybteeda G/bari ayaa maalinimadii shalay waxaa ay ka dhacday xarunta machadka caafimaadka Puntland  ee magaalada Boosaaso. Xafladan oo ay kasoo qayb galeen Maamulka Wasaarada caafimaadka ayaa waxaa goob joog ka ahaa wasiirka caafimaadka,agaasimaha wasaarada iyo masuuliyiin kale duwan oo ka kala  socota bahda caafimaadka iyo wasaaradaba, Wasiirka caafimaadka Puntland Cali C/laahi Warsame oo ka hadlay goobta xafladu ka dhacaysay ayaa sheegay in ay tahay ujeedada keentay magacaabida Isu duwaha caafimadka Gobolka bari iyo masuuliyiinta la shaqaynaysa kadib markii ay arkeen baahida dhinaca adeega caafimaadka ee uu gobolku u baahan yahay,iyadoona aanay horay gobolka uga jirin isu duwe caafimaad oo wasaarada u qaabilsan gobolka Cali C/laahi Warsame wasiirka caafimaadka Puntland waxaa uu sheegay in ay magacaabidan qayb ka tahay isbedelada dhinaca shaqada caafimaadka ee doonayaan in ay ka hirgaliyaan Puntland,iyadona sida uu sheegay ay ka dhabaynayaan balan qaadyo ay sameeyeen oo ahaa in ay dardar galinayaan shaqada wasaarada caafimaadka. 

Masuuliyiinta Cusub ee loo magacaabay howsha wasaarada ee gobolka ayaa ahaa 6 xubnood,iyadoona uu ugu horeeyo isu duwaha wasaarada caafimaadka G/bari,xubanaha la magacaabay ayaa waxaa ay kala ahaayeen. 

1:Dr Saadiq Maxamed Axmed  : Isu duwaha Caafimaadka G/bari
2: Siciid      Maxamed Waraabe: ku xigeenka isu duwaha caafimaadka
3: Johro Muuse Cilmi              : madaxa caafimaadka Aasaasiga G/bari
4: Maxamed Axmed Xuseen(Timajilic): Madaxaa Maaliyada caafimadka G/bari
5:Maxamed Cartan Yuusuf                 :Madaxa HIMS-ta
6:Dr C/laahi Siciid Awmuuse              : Maamulaha Cisbitaalka guud ee magaalada Boosaaso 

Masuuliyiinta cusub ee loo magacaabay xilalka ayaa dhamaantood ka sheegay xaflada in ay ku faraxsan yihiin xilka loo magacaabay ,waxaana Wasiirka caafimaadka oo la dar daarmayay masuuliyiintaasi uu sheegay in ay 6 bilood kadib eegi doonaan wax qabadkooda,iyadoona cidii gudata xilkeeda ay sii hayndoonto jagadaasi,waxaana laga qaaday xilka sida uu wasiirka caafimaadka Puntland Cali C/laahi Warasme sheegay cidii gudan waysa xilkeeda. 

Maxamed Axmed Xuseen(Timajilic): Madaxaa Maaliyada caafimadka G/bari

Dr Saadiq Maxamed Axmed : Isu duwaha Caafimaadka G/bari

Johro Muuse Cilmi Madaxa caafimaadka Aasaasiga G/bari

 

Siciid Maxamed Waraabe: ku xigeenka isu duwaha caafimaadka G/bari