Advertisement

Wararka

Madaxweynaha Puntland oo ka warbixiyay safarkii uu dibada ugu maqnaa.

U dir saaxiib Daabaco Add Comment

faroole iyo masuuliyiin so dhoweynaya

Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole oo maanta duhurnimadii soo gaaray Magaalada Boosaaso ayaa ka warbixiyay safarkiisii uu dibada ugu maqnaa,iyadoona inta badan sida uu madaxweynuhu sheegay uu safarkiisu diirada saarayay arimaha Burcad badeeda oo wadamadii uu tagayay si weyn wax looga weydiiyay.

Madaxweyne C/faroole waxaa uu sheegay in ay mudo dheer dalka dibada ugu maqnaayeen iyadoona sababta ugu weyna ay ahayd danta shacabka iyo dowlada Puntland.

28 bishii March ayaa Madaxweyne C/raxmaan Faroole waxaa uu safar uga ambabaxay magaalada Boosaaso isaga oo ku wajahnaa xarunta midowga Afrika ee Ardisababa,waxaana xiligaa wixii ka dambeeyay uu madaxweynuhu shirar gooni gooni ah uu xaalada Soomaaliya kala lahaa dowlada iyo ururo caalami ah oo uu kula kulmaya wadamada Kenya iyo Ethopia.

Faroole iyo masuuliyiintii soo dhoweynaysay

Madaxweyne Faroole oo si kooban safarkiisii dibada uga warbixiyay ayaa waxaa uu kadib amaanay ciidamada Amaanka Puntland oo sida madaxweynuhu sheegay qabtay howl weyn oo dhinaca Amaanka ah,iyadoona falalka tahriibtay iyo Burcad badeeda si weyn ula dagaalamay.

“intii aanu joognay dibada waxaa su aalo badan nalaga weydiiyay arimaha Burcad badeeda oo dad wax magarato ah ay naga gudbiyeen qoraalo been abuur ah oo nalagula xiriirinayo Burcad badeeda,waxaana howlgalada ciidamada Amaanku qaadeen aanu ku amaanaynaa sida ay kooxahaasi ula dagaalamayaan”waxaa hadalkaasi yiri xili uu safarkii ka warbixinayay Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole.

Faroole waxaa uu sheegay in ay tahay Amaanka iyo la dagaalanka Burcad badeeda arimaha ugu horeeya ee ay dowladoodu si weyn diirada u saarayso,iyadoona mudadii ay jirtay dowladiisa sheegay in ay si weyn maxkamadaha iyo xabsiyada ay ku mashquuleen arimaha Burcad badeeda.

C/raxmaan Faroole

Madaxweyne C/raxmaan Faroole oo mudo 35 maalin kadib dib uga  soo laabtay safar uu dibada uga maqnaa Puntland ayaa ku booriyay shacabka reer Puntland  in ay ka feejignaadaan oo ay ka dhaqeeyaan Amaanka.

faroole iyo masuuliyiintii so dhoweynaysay