Maxaa Cusub
Xafladii qalin jebinta Ardayda KasmoNet Collage Of Computers ee Laascaanood+Sawiro
Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa lagu qabtay hoolka shirarka ee dugsiga sare ee laascaanood(Muuse Yuusuf Secondary) Xafladan ayaa ahayd mid shahaadooyin lagu siinayey arday ka qalin jabisay maxadka barashadda computerka ee KasrmoNet Collage Of Computers ee magaalada Laascaanood.
Xafladan ayaa waxaa ka soo qayb galay Bulshada Noocyadeeda kala duwan,
Ardayda shahaadooyinka qaadanayey ayaa tiradooodu gaadhaysey 86 arday oo iskugu jira wiilal iyo gabdho,
Xafladan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Culimo awdiin,Macalimiin,waalidiinta ardayda shahaadooyinka qaadanayey iyo qurbo joog u dhalatay gobolka sool,
Xaflada ayaa ku bilaabmatay jawi aad u heer sareeya waxaana ugu horayna sida sharciga islaamku dhigayo lagu furay aayadaha quraanka kariimka, sidoo kalena laga soo jeediyey wacdiyo iyo xadiisyo dhamaantood ka wada hadlaya barashada cilmiga, iyo xumaanta juhliga iyo weliba faraqa u dhexeeya qof cilmi leh iyo mid aan waxba aqoon,
Marti sharaftii ka hadashay xafladan waxaa kamid ahaa Sheikh Axmed Maxamuud Saleebaan oo ah sheikh wayn oo si wayn looga qadariyo magaalada laascaanood sheikhu wuxuu ku dheeraaday barashada cilmiga iyo dhibaatada uu leeyahay juhliigu.
Waxaa kaloo isna xafladii qalin jebinta ka hadlay Eng C/samed Axmed Dabayl oo ah Baraha Maxadka KasmoNet Collage of Computer’s Macalin c.samed wuxuu war bixin ka bixiyey qaabka maxadka uu macalinka ka yahay wax lagaga barto iyo sida uu u jeclaan lahaa in kuwo lamid ah Kan uu dhigo Waa KasmoNet laga furo magaalada laascaanood isagoo sheegay in bulsha waynta ku dhaqan gobolka sool ee danaysa barashada compuerku ay badantahay
Ayna fiicnaan lahayd inay jiraan iskuulo kale oo kiisa lamid.
Maxamuud caamir waa Qurbo joog(Diaspora) u dhashay gobolka Sool in mudi ahna ku sugnaa gudaha somaliya wuxuu ina caamir sheegay in waxbarashadu aysan ahayn wax sahlan qofwalbana aqoonta uu barto uu ku meel tagayo aqoontuna ay tahay waxa kaliya ee qofka raaca meelkasta uu tago inta uu noolyahay, isagoo tusaale u soo qaatay soomaali badan oo cilmigooda ku jooga meelo badan oo caalamka kamid ah isagoo sheegay In qaar kamid ah ay caalamka ka yihiin dad si wayn looga qadariyo
Dad badan ayaa qudbado ka soo jeediyey xafladaasi mana soo koobi karno hadaladoodii
Xafladuna waxay ku soo gaba gabowday jawi heer sare ah
Sarkaal Ka tirsan Ciidamada Police’ka ee g/sool c/salaam caydiid cumar iyo Sheikh Yuusuf Haybe oo kamid ahaa kasoo qayb galayaashii xaflada ayaa yaguna ku dheeraaday qiimaha waxbarashadu leedahay yagoo labaduba sheegay in aysan aqoontu aanay lahayn wax xaduud ah yagoo ardayda qalin jabinayana ku booriyey nin macalinkoodu uu siiyey fure laakiin aanay dhamayn wax barashadii
Sarkaal C.salaan ayaa tusaale u soo qaatay in gabdhaha reer sudan ay nimanka ay guursanayaan raga ay shuruud ku xidhaan taas oo ah shahaado ma wadataa,diinta ma taqaan
Isku soo wada duuboo xafladii qalin jabintu waxay kusoo gaba gabowday jawi heer sare ah
Sarmaanyo@gmail.com Sarmaanyonews@hotmail.com
Laascaanood
Somalia








