Wararka
Madaxweynaha dowladda KMG oo kullamo gaar gaar ah Magaalada Addis ababa kula qaatay Madaxweynaha maamulka isku Magacaabay Puntland iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya
Addis ababa Xarunta Dalka Itoobiya ayaa sheegaya madaxweynaha Dowladda KMG ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed Magaaladaasi kullamo gooni gooni ah la qaatay Madaxweynaha maamulka isku Magacaabay Puntland C/raxmaan Faroole iyo Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Meles Zanawi.
Hotelka Sheekh Shariif ka dagan yahay Magaalada Addis ababa oo xalay soo gaaray ayaa kulan kula qaatay Madaxweynaha maamulka isku Magacaabay Puntland Faroole waxayna labada mas’uul ka wada hadleen xarirka maamulka isku Magacaabay Puntland iyo dowladda KMG ee soomaaliya
Labadan mas’uul ayaa sidoo kale ka wada hadleen arrimaha ka hortagida kooxaha Burcad badeeda Soomaalida oo muddooyinka bilaabeen in ay qafaashaan Doomaha iyo maraakiibta ganacsatada Soomaalida u raran.
Dhanka kale Madaxweynaha Dowladda KMG ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed waxa uu kullamo la qaatay Ra’iisul wasaaraha Dalka itoobiya Meles Zanawi waxayna ka wada hadleen arrimaha labada dal.
Sheekh shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay inuu sidoo kale la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibada Dowladda Itoobiya Siyuu Musfim, isagoona kala hadlay xaaladaha dalka Soomaaliya iyo Itoobiya.
Kulamadan kala gooni goonida maanta Sheekh Shariif Sheekh Axmed la yeeshay mas’uuliyiintaasi ka kala tirsan Itoobiya iyo maamulka isku Magacaabay Puntland ayaa ku soo beegmaya xili xalay wafdiga shariifka gaareen magaalada
SRNEWS
Sarmaanyo@gmail.com


