Advertisement

Somalia

Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay Xoghayaha Guud ee Jamciyada Quruumaha ka dhexaysa, Ban Ki-Moon iyo Ra’iisul wasaaraha Turkey-ga Rajib Dayib Ordugan

U dir saaxiib Daabaco Add Comment

 

Wararka aanu ka helayno dalka Liibiya ayaa sheegaya in Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Sheekh  Shariif Sheekh Axmed uu kulamo kala gooni gooni ah la yeeshay Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay  Ban ki Moon, ergayga gaarka ah ee Soomaaliya u qaabilsan Qamaramada Midoobay Axmed Olad Abdalla iyo Ra’iisul wasaaraha Turkey-ga  Rajib Dayib Ordugan.

Madaxweynaha Soomaaliya Mas’uuliyiinta Qaramada Midoobay ugu horayntii kala hadalay arrimo badan oo ku saabsan xaaladda dalku marayo iyo dadaalka ay dowladdu ugu jirto Dib-u-heshiisiinta iyo soo celinta ammaanka dalka Soomaaliya.

Cali Axmed Jaamac Jingili Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya oo la hadlaayay  saxaafadda ayaa  sheegay in madaxweynaha iyo Mas’uuliyiinta Qaramada Midoobay  ka socoto ay isla soo qaadeen arrimo badan, waxayna Qaramada Midoobay soo dhaweysay heshiiskii Dowladdu la gashay Ahlu Sunna Wal Jameeca iyo howlaha sugida ammaanka ku saabsan ee dowladdu maalamahan dambe wado.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale Magaalada  Sirta kula kulmay Ra’iisul wasaaraha Turkey-ga  Rajib Dayib Ordugan oo ay ka wada hadleen xiriirka ka dhaxeeya labada dal ee Turkiga iyo Soomaaliya.

Rajib Dayib Ordugan ayaa sheegay in ay si wayn u donayaan in arrimaha murugsan ee Soomaaliya laga gaaro xal waara, wuxuuna sheegay inay taageero siin doonaan dowladda  Soomaaliya, taas oo isugu jirta dhinacyo badan.

Madaxweynaha ayaa wada kulamada uu la leeyahay Madaxda Jaamacadda Carabta ee ka qeybgalaysa madasha shirka Jaamacadda carabta, iyadoo Madaxweeynaha uu madaxdaasi kula soo qaadaya sidii ay taageero u siin lahaayeen Ummadda Soomaaliyeed.

Shiikh shariif iyo raysul wasaaraha turkiga