Advertisement

Wararka

Banaan Baxa lagaga soo horjeedo P/land oo ka dhacay Buuhoodle

U dir saaxiib Daabaco Add Comment

Waxaa xaruunta gobolka cayn ee buuhoodle ka dhacay mudaharaad wayn oo lagaga soo horjeedo maamul goboleedka p/land, mudaharaadkan waxaa soo qaban qaabiyey bulshada kun dhaqan caasimada gobolka cayn,

Dibad baxan ayaa waxaa lagu taageerayaa Hogaanka SSC, waxaana sidoo kale looga soo horjeedaa Maamulka Faroole hogaaminayo, iyadoo dadkani si cadho leh wax uga sheegayaan masuuliyiinta ka socotay Xukuumada Faroole ee shalay soo gaadhay Magaalada Buuhoodle.

Mudaharaadkan ayaa ku soo beegmaya xili uu ku suganyahay magaalada buuhoodle wasiirka kaluumaysiga ee maamul goboleedkap/land.

Mudaharaadayaasha reer cayn ayaa soo bandhigay taageerada buuxda ee ay u hayaan hogaanka badbaado ssc ee dhawaan lagu soo yagleelay caasimada dalka kenya ee Nairobi
Sarmaanyo@gmail.com