Somalia
Gen. Maxamad Nuur Galaal ayaa Gaaray Degmada Guriceel

Gen. Galaal
GURICEEL, Soomaaliya — Gen. Galaal ayaa kullamo xasaasi ah kula leh Degmada Guriceel oo uu deegaan ahaan ka soo jeedo saraakiil ka tirsan Ahlusunna Waljameeca, waxaana socdaalkiisa oo kaga yimid magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku wehliya khuburo caalami ah oo ka tirsan UN-ka.
Warar madax banana oo aan ka helnay Degmada Guriceel ayaa shegaya Gen: Galaal Ahlusunna waljameeca u dajinayo qorshaha dagaalada ay kula jiraan ururka Al-shabaab, kadib hal sano oo aysan guulo ka gaarin dagaalada gobolada dhexe ay ka wado Ahlusunna waljameeca
Gen: Galaal oo la rumaysan yahay in uu ka qeyb qaadan dagaaladii ehliga ahaa ee ka dhacay Soomaaliya ayaa la ogyan sababta dhabta ah ee Galaal u yimid Degmada Guriceel.
Ururka Ahlusunna waljameeca oo ah urur Diimeed ayaa awooda uu ku dhisan yahay waxay tahay mid beleed, beelaha ugu badan ururkaasina waa Beesha Ceyr oo uu ka soo jeedo Gen: Maxamad Nuur Galaal Si kasta Galaal wax uu ku soo kordhin doono tagida Degmada Guriceel lama ogaan karo.

