Sarmaanyo.com » Technology

Isbarbardhig askarta US iyo Afghanistan
Ka sokow qalabka culus ee ay adeegsanayaan iyo kharashka tababbarka iyo mushaarka oo intuba saameynaya moraalka, askarta Mareykanka ayaa la barbardhigay askarta Afghanistan xaggga qalabka.

Halka askari ee Mareykanka ah wuxuu ku qalabaeysan yahay $2,118.

Askariga Afghanistan isagu wuxuu ku qalabeysan yahay $1,976.

Taa macnaheeda wuxuu yahay askariga Afghanka ahi inuusan haysan qalabka askariga Mareykanka ah ee asaga la asaagga ah qaarkii, fara-gashiga calaacalaha xafida.

Waxaa intaa wehliya in qalabka ay labaduba haystaan, uu kan Afghanka qaarkii ka raqiisan yahay kan Mareykanka sida kabaha ay illan yihiin.

Arrintaa waxaa si fiican u muujinaya sawirka kore

Shirkada Telesom oo khasaare ka soo gaadhay dagaalkii widhwidh iyo Towerkii Horu-fadhi oo Ciladi Gaadhay +Sawiro
Dagaalkii widhwidh oo khasaare u gaystey shirkadda telesom Widhwidh iyo khadka isgaadhsiinta degmadaas oo qadar saacado ah hawada ka maqnaa.

Dagaalkii ka dhacay degmada widhwidh ayaa khasaare u haystey shirkada telesom laanteeda widhwidh,

xaruunta telesom ee widhwidh ayaa khasaare soo gaadhay iyadoo ay rasaas waawayni haleeshay towerkii telesom ee widhwidh ku yaalay,

rasaas badan ayaa haleeshay gurto badan oo ku yaal degmadaas, sida aad sawirka hoose ku arki kartaan telesom aqalka ay ka daganayd degadaas ayaa rasaas wayni haleeshay taasina waxay sababtay ka maqnaashaha hawda ee adeega shirkadaasi.

dhanka kale waxaa yana dabayl xoogani ay waxyeelo u gaysatay tower telesom ku lahay horu-fadhi,

iyadoo maalintii shalay uu hawada ka baxday adeega taleefanda ee shirkadda Isgaadhsiinta ee TELESOM Buuhoodle sababo la xidhidha cilad dhanka farsamada ah, arintaasi oo sababtay in dad shacab ahi ay dhagax tuuraan xafiisyada shirkaddu ku leedahay magaaladda Buuhoodle ee gobolka Cayn, ayaa maanta waxaa arintaasi jawaab ka bixiyey maamulka Shirkadda Isgaadhsiinta ee Teleosm Buuhoodle.

Maqnaanshaha anteenadda ayaa sababtay kadib markii dabaylo xoogan oo dhacayey 24-kii saac ee u danbeeyey ay leexiyeen baalaha shirkada u soo qabta signalka oo ku yaala duleedka deegaanka Adhi-boob oo qiyaastii 10km u jirta degmada Horufadhi ee gobolka Cayn.

Hadaba si arimahani dadweynaha loogu soo bandhigo ayaa wafti balaadhan oo uu hogaaminayo maamulka shirkadda TeleSom ayaa saaka ka ambabaxay magaaladda Buuhoodle, kuwaasoo u kicitimay gGoobta ciladu ka dhacday.

Waftigan oo isugu jiray cuqaal, aqoonyahano, waxgarad, warbaahin, maamulka gobolka, ganacsato iyo culimo ayaa gaadhey goobtaasi,halkaasi oo maamulka iyo injineeradda shirkaddu dadweynaha ugu soo bandhigeen ciladda oo ahayd towerka ama baalaha oo qalooc baaxad weyn dabayshu u gaysatey.

Intaasi kadib ayaa waxaa goobta shir jaraa’id si wada jir ah ugu wada qabtay maamulka shirkadda iyo waftigiii la socdey.

Ugu horayna waxaa halkaasi ka hadlay maamulaha shiradda Isgaadhsiinta TELESOM, qaybteeda gobolka Cayn Caaqil Cabdisamed Cali Xasan oo sheegay in cilladu aysan ka dhicin meel kale, islamarkaana ay ciladaasi ku timid qadar rabi. Maamulaha ayaa ka hadlay dad xalay rabshadeeyey xafiisyadda shirkadda kuwaasi oo uu sheegay in ay ahaayeen macaamiisha shirkadda oo si khaldan wax loogu sheegay.

Sidoo kale, waxaa halkaasi ka hadlay Caaqil Cabdillaahi Xasan Qanbi oo ka mid ah ahaa Cuqaashi waftiga la socotay. Caaqilka ayaa uga tacsiyeeyey Shirkadda Telesom dhibaatooyinka uga yimid macaamiisha iyadoo ay dhacday cilad dhanka towerka ah; Caaqilka ayaa sheegay in ay idhahooda ku arkeen ciladda dhacday.

Waxaa hadalka isaga danbeeyey Cuqaal Iyo Odayaashii waftiga ka mid ahaa oo dhamaantood wax laga xumaado ku tilmaamay shaqaaqadda salfudaydka ku dhacay ee macaamiisha shirkadu ugu kaceen sida hubsiimo la’aanta ah.

Sh. Axmed Xaaji Saleebaan oo ka mid ahaa culimadii goobta gaadhey ayaa isna goobta ka hadlay.

Waxaa waftiga ka mid ahaa Guddoomiyaha Gobolka Cayn Xariir Maxamuud Axmed oo halkaasina hadal kooban kasoo jeediyey.

Gabagabadii, waxaa shirka ka hadlay Eng. Cismaan Daroor oo ka mid ahaa injineerada shirkadda ee iyagu gacanta ku hayey ciladda soo wajahday shirkadda.

Si kastaba ha ahaatee, dhamaan dadkii tegey goobta ciladu ka dhacday ee shirkadda TELESOM ayaa gebi ahaanba u garaabay shirkadda iyagoo uga tacsiyeeyey khaladaadka ay shirkadda kula kaceen macaamiisheedda oo ay sheegeen in ay si xusn wax u fahmeen.

Xafladii qalin jebinta Ardayda KasmoNet Collage Of Computers ee Laascaanood+Sawiro
Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa lagu qabtay hoolka shirarka ee dugsiga sare ee laascaanood(Muuse Yuusuf  Secondary) Xafladan ayaa ahayd mid  shahaadooyin lagu siinayey arday ka qalin jabisay maxadka barashadda computerka ee KasrmoNet Collage Of  Computers ee magaalada Laascaanood.

Xafladan ayaa waxaa ka soo qayb galay  Bulshada Noocyadeeda kala duwan,

Ardayda shahaadooyinka qaadanayey ayaa tiradooodu gaadhaysey 86 arday oo iskugu jira wiilal iyo gabdho,

Xafladan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Culimo awdiin,Macalimiin,waalidiinta ardayda shahaadooyinka qaadanayey iyo qurbo joog u dhalatay gobolka sool,

Xaflada ayaa ku bilaabmatay jawi aad u heer sareeya waxaana ugu horayna sida sharciga islaamku  dhigayo lagu furay aayadaha quraanka kariimka, sidoo kalena laga soo jeediyey wacdiyo iyo xadiisyo dhamaantood ka wada hadlaya barashada cilmiga, iyo xumaanta juhliga iyo weliba faraqa u dhexeeya qof cilmi leh iyo mid aan waxba aqoon,

Marti sharaftii ka hadashay xafladan waxaa kamid ahaa   Sheikh Axmed Maxamuud Saleebaan oo ah sheikh wayn  oo si wayn looga qadariyo magaalada laascaanood sheikhu wuxuu ku dheeraaday barashada cilmiga iyo dhibaatada uu leeyahay juhliigu.

Waxaa kaloo isna xafladii qalin jebinta ka hadlay Eng C/samed Axmed Dabayl oo ah Baraha Maxadka KasmoNet Collage of Computer’s Macalin c.samed wuxuu war bixin ka bixiyey qaabka maxadka uu macalinka ka yahay wax lagaga barto iyo sida uu u jeclaan lahaa in kuwo lamid ah Kan uu dhigo Waa KasmoNet  laga furo magaalada laascaanood isagoo sheegay in bulsha waynta ku dhaqan gobolka sool ee danaysa barashada compuerku ay badantahay

Ayna fiicnaan lahayd inay jiraan iskuulo kale oo kiisa lamid.

Maxamuud caamir waa Qurbo joog(Diaspora) u dhashay gobolka Sool in mudi ahna ku sugnaa gudaha somaliya wuxuu ina caamir sheegay in waxbarashadu aysan ahayn wax sahlan qofwalbana aqoonta uu barto uu ku meel tagayo aqoontuna ay tahay waxa kaliya ee qofka raaca meelkasta uu tago inta uu noolyahay, isagoo tusaale u soo qaatay soomaali badan oo cilmigooda ku jooga meelo badan oo caalamka kamid ah isagoo sheegay In qaar kamid ah ay caalamka ka yihiin dad si wayn looga qadariyo

Dad badan ayaa qudbado ka soo jeediyey xafladaasi mana soo koobi karno hadaladoodii

Xafladuna waxay ku soo gaba gabowday jawi heer sare ah

Sarkaal Ka tirsan Ciidamada Police’ka ee g/sool c/salaam caydiid cumar iyo Sheikh Yuusuf Haybe  oo kamid ahaa kasoo qayb galayaashii xaflada ayaa yaguna ku dheeraaday qiimaha waxbarashadu leedahay yagoo labaduba sheegay in aysan aqoontu aanay lahayn wax xaduud ah yagoo ardayda qalin jabinayana ku booriyey nin macalinkoodu uu siiyey fure laakiin aanay dhamayn wax barashadii

Sarkaal C.salaan ayaa tusaale u soo qaatay in gabdhaha reer sudan ay nimanka ay guursanayaan  raga ay  shuruud ku xidhaan taas oo ah shahaado ma wadataa,diinta ma taqaan

Isku soo wada duuboo xafladii qalin jabintu waxay kusoo  gaba gabowday jawi heer sare ah

Sheikh Axmed Maxamuud

Kasoo qayb galayaashii xafladda

Maxamuud Caamir Qurba Jooge reer sool ah

Eng C/samed Axmed Dabayl maamulaha KasmoNet Collage

Ardayad Ka qalin jabisey KasmoNet Collage Of computers

Sarmaanyo@gmail.com Sarmaanyonews@hotmail.com

Laascaanood

Somalia

Dowlada Maraykanka oo dhisaysa xarumo Nuclear koronto laga dhaliyo.
Tamarta Nuclear-ka

Dowlada Maraykanka ayaa shaaca ka qaaday dhismaha labo xarun oo waaweyn oo tamarta Nuclear-ka kororntada looga dhaliyo kuwaas oo sida ay saraakiil sarsare oo ka tirsan aqalka cad ee Maraykanka laga dhisayo gobolka Goargia ee wadanka Maraykanka.

Dhismaha xarumahan ayaa ku kacaya lacag 8 Million oo doolar gaarysa,waxaana sida uu madaxweynaha Maraykanka Brack Obama shaaciyay uu noqonayaa dhismahan tamarta Nuclearka looga samaynayo Korontada wadankaasi Maraykanka kii ugu horeeyay oo mudo 30 sano ah kadib ay dib uga dhisaan wadankaasi.

Obama waxaa uu adkeeyay kalsoonida tayada shirkada cusub ee Tamarta Nuclear-ka isagoona sheegay in ay tahay mid nadiif ah oo ka qayb qaadanaysa Technoledgy-da ay dowladoodu ka samaynayso koronto dhalinta.

Dowlada Maraykanka tan iyo wixii ka dambeeyay sanadii 1979 oo ahayd wakhtigii ay cilada soo wajahday xaruntii ugu weynayd ee tamarta Neclear-ka Maraykanka ee gobolka Pensalvenia,waxaana uu dhismahan uu noqonayaa kii ugu horeeyay oo in mudo ah kadib loo soo celiyo wadanka Maraykanka.

dhismahan cusub ee koronto ka dhalinta Nuclear-ka ayaa ah mid lamid ah kan ay dowlada Iiraan ku an dacoonayso in ay Nuclear-ka ay haysato ka samaynayso.

China oo albaabada isugu dhufatay qaar ka tirsan goobaha Burcad Internet-ka ee wadankaasi.
Internet Pirates

Dowlada China ayaa maalmihii ugu dabeeyay gudaha wadankeeda waxaa ay albaabada isugu dhufunaysay iskuulada Burcada Inertnat-ka sida ay warbaahinta wadankaasi ay soo tabinaysay xili wadankaasi ay shirkada badan oo caalamka ah ay ka qaylinayaan kororka Burcada Internet-ka ee wadankeeda.

Saraakiishii howl galka fuliyay ayaa sheegay in ay qabteen sadex qof oo caan ah kuwaas oo aad ugu xeel dhaaraa Burcad nimada Computer-ka,waxaana ay sheegeen in ay ragaasi  ka tirsan yihiin barta Burcada Internaet-ka ee Black Hook.

Qabqabashada iyo xiritaanka Iskuulada Burcada Internet-ka ayaa imaanaysa xili ay shirkada Google oo kamid ah baraha ugu waaweyn dhinaca Internetka ay sheegtay in ay China isaga baxayso kadib markii la jabsaday qaybaha baartiaanka taariikhda ee bartaas.

Dowlada China gabi ahaan waa ay iska fogaysay in ay xiriir la leedahay Burcadnimada lagula dhaqaaqay Google,iyadoona uu ahaa xiriirka labada dhinac waayadii ugu dambeeyay mid sii xumaanay.

Shirakada Google oo laga leeyahay wadanka Maraykanka ayaa qayb weyn ka noqotay xiriirkii sii xumaanayay dhowaanahan ee u dhexeeyay Maraykanka iyo Chine oo isku khilaafay booqashadii Dalai lama ee Washington iyo hubkii ay dowlada Obama ka iibisay Taiwan oo ay China u aqoon santahay qayb ka tirsan wadankeeda.

Microsoft oo Saxaysa Cillad 17-jir ah
Dhismaha Microsoft

Shirkadda Microsoft ee farsamaysa nidaamka computer-radu ku shaqeeyaan ee Windows ayaa markii ugu horreysay waxaa lagu wadaa in ay saxdo cillad 17-jir ah oo soo jiitamaysay illaa iyo xilligii DOS-ka.

Cilladdaan ayaa ahayd mid ka qarsoon hawlwadeennada Microsoft, waxaana barnaamijyada shirkaddu wateen tan iyo waqtigii Windows 3.1 oo ku beegan bilowgii sagaashamaadkii.

Waxaa cilladaan lagu arkay dhammaan operating systems-ka Microsoft ee cilladaan laga baaray, laga soo bilaabo Windows 3.1 illaa iyo versions-kii ugu dambeeyey ee Windows Vista iyo Windows7, waxaana bishaan aan ku jirno ee Febaraayo ayaa shirkaddu –markii ugu horreysey– sii daynaysaa barnaamij lagu saxayo cilladdaas (patch), kasoo qayb ka ah barnaamijyada loo yaqaan kabayga (patches) oo shirkaddu si bille ah u sii dayso.

Cilladdaan da’da ah ayaa waxaa ogaaday Tavis Ormandy oo ah khabiir dhinaca ammaanka computer-rada u qaabilsan shirkadda Google bartamihii bishii la soo dhaafay ee Jannaayo 2010, waxayna la xiriirta fursad u fududaynaysa in barnaamijyada Windowska ee cusbi ay kicin karaan barnaamijyo aad u da’wayn oo waqtigoodii laga soo gudbay.

Tavis Ormandy ayaa ogaaday in goldalooladaani ay ku jirto Windows-yada XP, Server 2003, Server 2008, Vista iyo Windows 7.

Kabayga lagu saxayo khaladkaan  ayaa lagu dari doonaa UPDATE-ka ay sii dayn doonto shirkadda Microsoft isla bishaan aan ku jirno ee Febraayo, cilladaha kale oo kabaygooda lagu soo dari doono update-ka ayaa waxaa ka mid ah 5 goldaloolo oo u saamaxaya mooryaanta Internetku in ay dhacaan oo ku kiciyaan barnaamijkii ay doonaan computer-rada ku shaqeeya Windows-ka.

Cilladdaan ayaan ahayn tii ugu waynayd ee laga helo barnaamijyada Microsoft, waxaana bishii Oktoobar 2009 ay shirkaddu dishay 34 goldaloolo oo 8 ka mid ahi ahaayeen kuwo aad u halis badan.

Shirkadda Microsof ayaa bishii horey ee Jannaayo 2010 waxay sii daysay kabay saxaya goldaloolo khatar ah oo lagu arkay Internet Explorer, cilladdaasoo loo maleeyey inay ka dambaysay weerarkii lagu kacay xarunta Google China dhammaadkii sanadkii hore.

Weeraradii Google looga soo qaaday dalka China ayaa waxaa kuwo la mid ah bilaabay mooryaanta Internet-ka ayagoo ka faa’iidaysanaya waddooyinkii ay mareen hackers-ka Shiinayska ah ee Google weeraray.

Khabiir dhanka computer-rada ah ayaa bishaan Febraayo helay goldaloolo kale oo aad u halis badan, taasoo u fududaynaysa dadka computer-rada weeraraa inay computer-ka dhibanaha u soo maraan Internet Explorer oo dabadeedna akhristaan ama nuqul ka qaataan faylasha ku kaydsan computer-ka dhibanaha.

Microsoft oo ka hadashay arrintaas ayaa shaki ka muujisay in goldalooladaas dhanka ammaanka computer-rada ahi aysan caddayn haysan, isla markaasna aan la hubin in mooryaanta Internetku ka war hayaan.

F.G.: Maalmaha soo socda ayaannu soo daabici doonaa nidaam aad kaga hortegi kartid dhibaatada xagga ammaanka ee Internet Explorer iyo browser-rada ugu fiican ee aad bedelka Internet Explorer isticmaali kartid.

Shirkadda Apple oo Shaacisay Buugaag Computer ah (iPad)
iPad Touch

Shirkadda Apple oo horey u lahayd mobile-ka caanka ah ee iPhone, Operating System-ka & computer-ka Mac iyo qalabka MP3/MP4-ka lagu dhegeysto ee iPod ayaa daaha ka qaadday farsamo cusub oo looga maarmayo buugaagtii waraaqaha ahaa.

iPad, oo muuqaal ahaan aad ugu eg mobile-ka iPhone, kase wayn, waxay leedahay shaashad cabbirkeedu yahay 9.7″ oo ah nooca faraha ku shaqeeya (touch-screen), waxaana loo isticmaali karaa in lagu daawado filimaanta, lagu daalacdo Internet-ka, lagu dhegeysto muusig, lagu fiirsado sawirrada ama lagu akhristo buugaagta, joornaallada iyo majallooyinka, waxaanu lagu macneeyey inay tahay “nidaamkii bedeli lahaa buugaagta waraaqaha ah.”

Waxaa iPad lagu akhrisan karaa goob walba oo aad joogtid, waxaadna kaga bogan kartaa adigoo ku dangiiga kursigaa fadhiga ama sariirta gadaal-gadaal ugu jiifa.

iPad waa farsamadii ugu dambaysay ee shirkadda Apple ee ka dhisan carriga Maraykanku ay ku soo kordhiso suuqyada tiknolojiga, waana qalab kuu sahlaya inaad ku kaydiso xaddi aad u wayn oo buugaagta akhriska ah adigoo ku gelinaya nidaamka OCR ee buugta lagu scan-gareeyo ama inaad ku soo rogtid buugaag aad ka soo iibsatay dukaanka online-ka ah ee iBook.

Shirkadda Apple ayaa furtay dukaan online ah oo la dhoho iBook, kasoo macaamiisha iibsata iPad ay iibsan karaan buugaagta ay doonayaan inay ku kaydsadaan iPad-kooda. Dadka buugaagta qora ayaa lagula taliyey inay version buugtooda ah u iib geeyaan suuqa iBook ee Apple.

iPad waxaa loo isticmaali karaa filimaanta, Internet-ka, muusigga, sawirrada, buugaagta, joornaallada iyo majallooyinka

NOKIA N900 oo Qaatay Browser-ka Firefox Mobile
NOKIA N900

Shirkadda Mozilla ee samaysa browser-ka (program-ka website-yada lagu daalacdo) caanka ah ee Firefox ayaa markii ugu horreysey gaaray in loo adeegsado taleefoonada gacanta lagu qaato ee loo yaqaan “mobile”.

Firefox Mobile oo loogu magac daray “Fennec” ayaa ah browser-kii (daaliciyihii) ugu horreeyey ee Mozilla ay u farsamayso mobile-da ayadoo ay horey suuqa mobile-da u haysteen browser-rada Apple Safari iyo Opera Mini.

Browser-kaan cusub ee Firefox Mobile ayaa waxaa qaatay NOKIA N900 oo noqday mobile-ka keliya ee illaa iyo hadda  ku shaqaynayaa Operating System-ka NOKIA ee Maemo 5 OS.

Booqo http://firefox.com/mobile si aad u soo rogatid Firefox Mobile.