Advertisement

Technology

Shirkadda Apple oo Shaacisay Buugaag Computer ah (iPad)

U dir saaxiib Daabaco Add Comment
iPad Touch

iPad Touch

Shirkadda Apple oo horey u lahayd mobile-ka caanka ah ee iPhone, Operating System-ka & computer-ka Mac iyo qalabka MP3/MP4-ka lagu dhegeysto ee iPod ayaa daaha ka qaadday farsamo cusub oo looga maarmayo buugaagtii waraaqaha ahaa.

iPad, oo muuqaal ahaan aad ugu eg mobile-ka iPhone, kase wayn, waxay leedahay shaashad cabbirkeedu yahay 9.7″ oo ah nooca faraha ku shaqeeya (touch-screen), waxaana loo isticmaali karaa in lagu daawado filimaanta, lagu daalacdo Internet-ka, lagu dhegeysto muusig, lagu fiirsado sawirrada ama lagu akhristo buugaagta, joornaallada iyo majallooyinka, waxaanu lagu macneeyey inay tahay “nidaamkii bedeli lahaa buugaagta waraaqaha ah.”

Waxaa iPad lagu akhrisan karaa goob walba oo aad joogtid, waxaadna kaga bogan kartaa adigoo ku dangiiga kursigaa fadhiga ama sariirta gadaal-gadaal ugu jiifa.

iPad waa farsamadii ugu dambaysay ee shirkadda Apple ee ka dhisan carriga Maraykanku ay ku soo kordhiso suuqyada tiknolojiga, waana qalab kuu sahlaya inaad ku kaydiso xaddi aad u wayn oo buugaagta akhriska ah adigoo ku gelinaya nidaamka OCR ee buugta lagu scan-gareeyo ama inaad ku soo rogtid buugaag aad ka soo iibsatay dukaanka online-ka ah ee iBook.

Shirkadda Apple ayaa furtay dukaan online ah oo la dhoho iBook, kasoo macaamiisha iibsata iPad ay iibsan karaan buugaagta ay doonayaan inay ku kaydsadaan iPad-kooda. Dadka buugaagta qora ayaa lagula taliyey inay version buugtooda ah u iib geeyaan suuqa iBook ee Apple.

iPad waxaa loo isticmaali karaa filimaanta, Internet-ka, muusigga, sawirrada, buugaagta, joornaallada iyo majallooyinka

iPad waxaa loo isticmaali karaa filimaanta, Internet-ka, muusigga, sawirrada, buugaagta, joornaallada iyo majallooyinka