Advertisement

Technology

NOKIA N900 oo Qaatay Browser-ka Firefox Mobile

U dir saaxiib Daabaco Add Comment
NOKIA N900

NOKIA N900

Shirkadda Mozilla ee samaysa browser-ka (program-ka website-yada lagu daalacdo) caanka ah ee Firefox ayaa markii ugu horreysey gaaray in loo adeegsado taleefoonada gacanta lagu qaato ee loo yaqaan “mobile”.

Firefox Mobile oo loogu magac daray “Fennec” ayaa ah browser-kii (daaliciyihii) ugu horreeyey ee Mozilla ay u farsamayso mobile-da ayadoo ay horey suuqa mobile-da u haysteen browser-rada Apple Safari iyo Opera Mini.

Browser-kaan cusub ee Firefox Mobile ayaa waxaa qaatay NOKIA N900 oo noqday mobile-ka keliya ee illaa iyo hadda ku shaqaynayaa Operating System-ka NOKIA ee Maemo 5 OS.

Booqo http://firefox.com/mobile si aad u soo rogatid Firefox Mobile.