Technology
Microsoft oo Saxaysa Cillad 17-jir ah

Dhismaha Microsoft
Shirkadda Microsoft ee farsamaysa nidaamka computer-radu ku shaqeeyaan ee Windows ayaa markii ugu horreysay waxaa lagu wadaa in ay saxdo cillad 17-jir ah oo soo jiitamaysay illaa iyo xilligii DOS-ka.
Cilladdaan ayaa ahayd mid ka qarsoon hawlwadeennada Microsoft, waxaana barnaamijyada shirkaddu wateen tan iyo waqtigii Windows 3.1 oo ku beegan bilowgii sagaashamaadkii.
Waxaa cilladaan lagu arkay dhammaan operating systems-ka Microsoft ee cilladaan laga baaray, laga soo bilaabo Windows 3.1 illaa iyo versions-kii ugu dambeeyey ee Windows Vista iyo Windows7, waxaana bishaan aan ku jirno ee Febaraayo ayaa shirkaddu –markii ugu horreysey– sii daynaysaa barnaamij lagu saxayo cilladdaas (patch), kasoo qayb ka ah barnaamijyada loo yaqaan kabayga (patches) oo shirkaddu si bille ah u sii dayso.
Cilladdaan da’da ah ayaa waxaa ogaaday Tavis Ormandy oo ah khabiir dhinaca ammaanka computer-rada u qaabilsan shirkadda Google bartamihii bishii la soo dhaafay ee Jannaayo 2010, waxayna la xiriirta fursad u fududaynaysa in barnaamijyada Windowska ee cusbi ay kicin karaan barnaamijyo aad u da’wayn oo waqtigoodii laga soo gudbay.
Tavis Ormandy ayaa ogaaday in goldalooladaani ay ku jirto Windows-yada XP, Server 2003, Server 2008, Vista iyo Windows 7.
Kabayga lagu saxayo khaladkaan ayaa lagu dari doonaa UPDATE-ka ay sii dayn doonto shirkadda Microsoft isla bishaan aan ku jirno ee Febraayo, cilladaha kale oo kabaygooda lagu soo dari doono update-ka ayaa waxaa ka mid ah 5 goldaloolo oo u saamaxaya mooryaanta Internetku in ay dhacaan oo ku kiciyaan barnaamijkii ay doonaan computer-rada ku shaqeeya Windows-ka.
Cilladdaan ayaan ahayn tii ugu waynayd ee laga helo barnaamijyada Microsoft, waxaana bishii Oktoobar 2009 ay shirkaddu dishay 34 goldaloolo oo 8 ka mid ahi ahaayeen kuwo aad u halis badan.
Shirkadda Microsof ayaa bishii horey ee Jannaayo 2010 waxay sii daysay kabay saxaya goldaloolo khatar ah oo lagu arkay Internet Explorer, cilladdaasoo loo maleeyey inay ka dambaysay weerarkii lagu kacay xarunta Google China dhammaadkii sanadkii hore.
Weeraradii Google looga soo qaaday dalka China ayaa waxaa kuwo la mid ah bilaabay mooryaanta Internet-ka ayagoo ka faa’iidaysanaya waddooyinkii ay mareen hackers-ka Shiinayska ah ee Google weeraray.
Khabiir dhanka computer-rada ah ayaa bishaan Febraayo helay goldaloolo kale oo aad u halis badan, taasoo u fududaynaysa dadka computer-rada weeraraa inay computer-ka dhibanaha u soo maraan Internet Explorer oo dabadeedna akhristaan ama nuqul ka qaataan faylasha ku kaydsan computer-ka dhibanaha.
Microsoft oo ka hadashay arrintaas ayaa shaki ka muujisay in goldalooladaas dhanka ammaanka computer-rada ahi aysan caddayn haysan, isla markaasna aan la hubin in mooryaanta Internetku ka war hayaan.
______________________________________________
F.G.: Maalmaha soo socda ayaannu soo daabici doonaa nidaam aad kaga hortegi kartid dhibaatada xagga ammaanka ee Internet Explorer iyo browser-rada ugu fiican ee aad bedelka Internet Explorer isticmaali kartid.

