Tacsi
Tacsi iyo Taarkh nololeedkii Marxuum Sh. Maxamed Sh. Cumar Sh. Cabdilaahi.
(Inaa Li-Laahi Wa-Innaa Ileyhi Raajicuun!!!) Waxaan halkan Tacsi uga dirayaa Qoyskii & eheladii uu ka geeryooday alla ha u naxariistee Marxuun/ Sh Moxamed Sh Cumar Sh cabdillaahi , oo 25/07/2010 ku geeryooday Magaalada Tabuuk ee dalka Sucuudi Carabiya, waxaan ilaahay uga baryayaa in uu jannadii fardowsa uga dhigo hoy, xisaabtiisana uu fududeeyo.
Waxaan doonayaa haddii allaah ogolaado in aan si kooban uga hadlo taaariikh Nololeedkii sheekha, runtii sheekha waxaan aqaannay mudo ka badan 20 sano, waxaanna ahaa ardayga ugu dhowdhow kana bartay cilmiga muddadii ugu dheerayd.
Sheekhu alla ha u naxariistee, wuxuu dhashay sannadkii 1926, wuxuu ku dhashay magaalada Cadan. Waxbrashada asaasiga ah iyo tan sareba wuxuu ku dhamaystay magaalada cadan ee Dalka Yemen .
Sheekhu, wuxuu cilmiga diinta islaamka ka bartay aabihii sh. Cumar sh cabdillaahi iyo awowgii sh. Cabdillaahi xaaji maxamed sh cimaan oo ahaa sheikhul dariiqaha “dariiqada qaadiriya” ee magaalada cadan, iyo adeerkii xaaji Cali sh Cabdillaahi.
Sheekhu, wuxuu kaloo si weyn cilmiga diinta islaamka uga soo xambaartay culima waaweyn oo laga yaqaanno dalka yaman, isla markaana muxaqiqiin ah oo ay ka mid yihiin sh. Moxamed bin Saalim bin Xuseen Al-bayxaani iyo sheekhiisa sh. Axmed bin moxamed bin Cawwad Al-cabbaadi, iyadoo uu kaga ta’athuray manhajka salafka ayna ku kala fogaadeen manhajka qaadiriyada, inkastoo uu mar kasta u muuqday inuu culamada soomaalida dhexdhexaad u yahay.
Wuxuu ahaa nin aad iyo aad ugu talax tegay aqoonta fanniyada kala duwan ee diinta islaamka sida: fiqhiga, tafsiirka quraanka kariimka ah, luqadda carabiga, naxwaha, sarfiga, balaaqada, curuudka iyo fanniyo badan oo aanan halkan ku soo koobi Karin kuwaasoo uu ku lahaa gacan dheer, haybad iyo ixtiraam, uuna ku tix gelin jiray qof kasta oo hal mar la kulma carab iyo Soomaaliba.
Sannadkii 1946, sheekhu wuxuu markiisii ugu horaysay yimid dalka Soomaaliya, halkaas oo uu kula aqal galay haweenaydii ugu horaysay ee uu bilcamo.
Sannadkii 1975, toogashadii culamada ka dib waxaa loo magacaabay garsoore ka tirsan maxkamadda sare ee dalka taasoo uu diiday, isla markaana uu uga hayaamay dalka sucuudi carabiya, oo uu ku noolaa muddo ka badan 5 sano.
1980’s wxuu ka mid ahaa culamada fatwada ee kala hadashada bulshada soomaaliyeed televisionkii qaranka. Intii u dhexaysay 1991- 2010 wuxuu ku noolaa magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool.
Eebe ha u naxariistee Sh Moxamed Sh Cumar Sh cabdillaahi wuxuu ahaa Nin cilmi iyo caqli ilaahay ku mannaystay, wuxuu ahaa Nin naxariis badan, oo xishood badan, weji furan, kaftan badan oo marka aad u timaado aadan ka tegi karayn, wuxuu ahaa nin uu jecel yahay qof kasta oo yaqaan, gaar ahaan culamada.
Sheekhu wuxuu guursaday 7 dumar ah oo isugu jira carab iyo soomaaliba, wuxuu dhalay 28 caruur ah oo isugu jira wiilal iyo gabdho, wuxuu ifka kaga tegay 169 ubad ah oo ah caruurtiisii iyo kuwii ay sii dhaleen iyo kuwii uu kuwa awowga u yahay sii dhaleen.
Sheekha allaah ha u naxariistee waxaa maanta oo isniin ah tr. Tahay 26/07/2010 kuna began 13/ shacbaan/1431, lagu aasay isla magaalada Tabuuk.
Qore: Cabdul Cabdi Faarax(Cabdul Cagey)
Laascaanood Soomaaliya.


