Advertisement

Premier League

Chelsea oo 2 Dhibcood Lagagala Haray KC Stadium

U dir saaxiib Daabaco Add Comment
Florent Malouda - Steven Mouyokolo

Florent Malouda - Steven Mouyokolo - KC Stadium 2/2/2010 (Photo by Jamie McDonald/Getty Images)

Kooxda Chelsea ee ka dhisan caasimadda dalka Ingiriiska ee London ayaa iska dayacday fursad ay kaga fogaan lahayd in ay soo gaarto kooxda ku soo xigta ee Manchester United ka dib markii ay bareejo 1-1 ku soo galeen Hull City garoonka KC Stadium habeenkii xalay.

Koorno uu daqiiqaddii 30aad ee cayaarta dhanka midig ee garoonka ka soo tuuray laacibka khadka dhexe Hull City uga cayaara ee la yiraahdo Stephen Hunt ayaa waxaa madaxa la helay Mouyokolo ka dib markii uu ka booddo dheeraaday Ballack, wuxuuna banoonigii ku hubsaday shabaqa Chelsea,  halkaasna hoggaanka cayaarta ugu dhiibay Hull City.

Chelsea ayaa markiiba isku dayday inay ku soo celiyaan cayaarta bareejo, waxaana fursado muhiim ah iska qasaariyey Anelka iyo Deco oo darbadahoodii uu gacanta ku wada dhigay goolhayaha Hull City, Myhil.

Haseyeeshee markii kaambiyada cayaarta ay ka dhimanayd 3 daqiiqo oo keliyah ayaa Didier Drogba bilisyoon (free-kick) u dhaliyey kooxda Chelsea, waxaana lagu kala nastay kaambiyadii 1-1.

Markii la soo laabtay ayaa Chelsea isku dayday inay saddexda dhibcood uruursato, waxayse mari waayeen difaaca Hull City oo sutida u qabtay weerarkii Chelsea, waxaana cayaartii ku dhammaatay 1-1.

Waxay Chelsea halkaas ku khasaarisey fursad ay uga fogaan kartay Manchester United maadaama cayaarta soo socotay ay garoonkooda Stamford Bridge Chelsea ku marti gelin doonto kooxda Arenal oo aad ugu baahan inay badiso maadaama aysan wax guul ah gaarin 3 cayaarood ee ugu dambaysay.