Advertisement

Sport

Aqoon Isweydaarsi la Xiriira Habaynta Siyaasadda Isboortiga oo ka Furmay Djibouti

U dir saaxiib Daabaco Add Comment
Siyaasadda Sports-ka

Siyaasadda Sports-ka

DJIBOUTI, Djibouti — Waxaa magaalada Djibouti ka furmay aqoon iswdeydaaarsi ku saabsaan Habaynta Siyaasadda iyo Isboortiga oo ay soo agaasintay wasaaradda dhallinyarada iyo isboortiga iyadoo ay maalgelisay hay`adda Qaramada midoobay dhinaca siyaadda ee UNPOS.

Aqoon isweydaarsigan oo ay ka qeybgalayaan mas`uuliyiinta wasaaradda dhallinyarada iyo isboortiga, Guddiga Olambikada Soomaaliyeed,khabiiro Isboorti iyo xubno ka socda Xildhibaanada DFKMG,Xafiiska dowladda Madaxweynaha iyo kan Ra`iisul wasaaraha iyo wakiilka UNPOS ee dhinaca arimaha bulshada.Ugu horeyn aqoon isweydaarsigan ayaa waxaa hadalo ka soo jeediyay agaasimaha guud ee wasaaradda dhallinyarada Isboortiga Saacid Maxamed oo ka warbixinyay dadaalka loo galay hirgelita barnaamijkan wuxuu carabka ku dhuftay inay rajeynayaan in ay ka soo baxaan qorshe habaysan oo siyaasadda Soomaaliya ee dhinaca Isboortiga Lagu horumarinayo.

Guddoomiyaha GOS Aadan Xaaji Yabaroow (Wiish) ayaa isaguna ku dheeradaay sida uu ugu faraxsan yahay hirgelinta aqoon isweydaarsigan ku aadan habaynta siyaasadda Isboortiga Soomaaliya wuxuuna xusay marxaladihii kala duwanaa ee uu isboortiga isagoo tibaaxay in Isboortiga mowdadaii dolwad la`aanta inuu qeyb weyn uu ka soo qaatay habaynta siyaasadda Isboortiga Somalia, wuxuuna iminka sheegay in muhiim ay tahay in la helo fikir horumarineed oo ku aadan siyaasadda habaynta Isboortiga Soomaaliya.

Wasiirka Dhallinyarada iyo Isboortiga Marwo Khadiijo Maxamed Diiriiye ayaa waxa ay tibaaxday in ay muhiim tahay in si wada jir ah loo helo siyaasad ka tarjumaysa horumarinta Isboortiga Soomaaliya taasoo ay sheegtay in la doonayo inay ka soo baxaan aqoon Isweydaarsigan fikrado dhaxalgal u ah hanaanka habaynta siyaasadda isboortiga Somalia.

Waxaana sidoo halkaasi khudbad ka soo jeediyay Wakiilka UNPOS ee dhinaca arimaha bulshada Albert Charles French oo sheegay in ay aad ugu faraxsan yahiin inay aqoon isweydaarsigan ay ka qeyb khabiiro isboorti iyo mas`uuliyiin dowladda iyo dhinaca Guddiga Olambikada Soomaaliyeed.

QODOBADII LAGA HADLAY MAANTA

Taariikhda Isboortiga Soomaaliya Doorka Isboortiga ee dib u dhiska Nabadda.

Waxaa jawiga uu ahaa mid si wanaagsan la isku dhaafsanayay fikrado la xiriira sidii loo heli siyaasadda saldhigata ee ku aadaan isboortiga Somalia.

Sawirro:

Qabanqaabiyaashii aqoon-is-weydaarsiga

Qabanqaabiyaashii aqoon-is-weydaarsiga

Kasoo qaybgalayaashii aqoon isweydaarsiga

Kasoo qaybgalayaashii aqoon isweydaarsiga

Dadkii ka soo qaybgalay

Dadkii ka soo qaybgalay

Siyaasadda Sports-ka

Siyaasadda Sports-ka

Siyaasadda Sports-ka

Siyaasadda Sports-ka