Sport
J.Cole Oo chelsea ka tagaya iyo kooxduu u wareegi lahaa uusan wali Sheegin
xidiga qadka dhexe ee kooxda Chelsea Joe Cole ayaa waxaa lagu soo waramaaya in uu isaga tagaayo kooxda Chelsea xiligaan marka uu dhamaado.
xidigaan oo 28 jir ah ayaa waxaa uu ka dalbanayaa kooxda mushaaro dhan 100 kun isbuucii waxaana si weyn u doonaya kooxaha Liverpool,Manchestr Utd iyo Tottenham kuwaas oo dhamaan xiiso u qaba xidigaan garabka xulka ingiriiska.
Full story: imscouting.com
kooxaha waaweyn ee dalka Spain ee Barcelona iyo Real Madrid ayaa waxay doonayaan xidig u dhashay dalka Jarmalka.
xidigaan ayaa lagu magacabaa Mesut Ozil, waa 21 jir waxaana uu u cayaaraa kooxda Werder Breman.
xidigaan ayaa lagu qiimeeyaa 15 Milyan oo gini sidoo kale waxaa jira kooxo kale sida Arsenal iyo Juventus.
Full story: Daily Star
kooxda Roma ayaa ayaa waxay doonaysaa in ay la wareegto daafaca Arsenal William Gallas.
Gallas oo 32 jir ah ayaa qandaraaskiisa uu dhamaanayaa xiligaan waxaana ay doonaysaa in ay si xor ah ku qaadato xidigaan.
Full story: Daily Mail
kooxda Manchester Utd ayaa waxay hogaaminaysaa doonista loogu jiro xidiga wadanka Croaria ee Milan Badelj.
xidigaan ayaa waxaa uu u cayaaraa kooxda Dinamo Zagreb waana 21 jir kubad sameeyo wanaagsan ah waxaana uu u qaab ciyaaraa sida Luka Modric.
xidigaan ayaa lagu qiimeeyaa 9 milyan oo gini.
Tababaraha wadanka Ingiriiska ayaa waxaa uu wada hadalo la qaadanayaa Wayne Bridge ka hor inta uusan magacaabin xidigaha xulka Ingiriiska 11 May

