Advertisement

Sport

Wayne Rooney Oo Dalbaday Inaan Lagu Orin John Terry

U dir saaxiib Daabaco Add Comment
 Wayne Rooney

Wayne Rooney

LONDON:-Ciyaarayahan Wayne Rooney ayaa ugu baaqay taageerayaasha xulka Ingiriiska in aysan ku orrin kabtanki hore ee xulka Engaland John Terry maalinta Arbacada marka ay ciyaar saaxibtinimo isku haleelaan xulka Ingiriiska iyo Xulka Masar.

Weeraryahanka kooxda Manchester United ayaa doonaya in taageerayaasha ay tusaan Terry taageero si uu kalsooni u helo ugana si uu nafis uga helo fadeexadi kasoo gaartay gogol dhaaf uu la sameeyey gabar uu saaxib lahaa difaaca kooxda Manchester City Wayne Bridge.

Terry ayaa asbuuci hore laga xayuubiyey xilka kabtanka kooxda qaranka Ingiriiska skadib marki ay ku cadaatay fadeexada soo food saartay.

“Isaga [Terry] hada ma ahan kabtanka kooxda laakin wali waa hogaamiye sare oo ka tirsan xulka qaranka” ayuu yiri Rooney oo sheegay in uu ciyaari doono kulanka Arbacada kadib marki uu soo gaaray dhaawac fudud.

Terry, oo ah 29, ayaa waxaa ku fiijiyey oo ku orriyey taageerayaasha Manchester City Sabtigi lasoo dhaafay inti ay socotay ciyaar ay Man City 4-2 uga badisay Chelsea.

SR News
Sarmaanyo@gmail.com