Advertisement

Sport

FA Cup: Leeds United 1-3 Spurs

U dir saaxiib Daabaco Add Comment
Beckford & Bassong: Leeds-United v Tottenham (Getty Images)

Beckford & Bassong: Leeds-United v Tottenham (Getty Images)

Kooxda Tottenham Hotspur ayaa xalay burburisay riyadii ay Leeds United ka qabtay inay dib ugu soo labaato horyaalka Ingiriiska iyo garoomada qaaradda Yurub, ka dib markii 3 gool oo u dhaliyey Jermain Defoe ay Tottenham gacanta u saareen ka qaybgalka wareegga 5aad ee FA Cup-ka.

Tababaraha Tottenham oo ogaa in Leeds United ay tahay naadi adag oo horey FA Cup-ka kuga soo reebtay Manchester United ayadoo joogta Old Trafford, Tottenham laftigeedana bareejo 2-2 ku soo qabatay White Hart Lane ayaa cayaartaan wuxuu u soo doortay laacibiinta ad-adag ka mid yihiin Defoe, Crouch, Bassong iyo Kranjcar.

Leeds United waxaa weerarka u hayey Jermaine Beckford iyo Luciano Becchio oo gadaal ka taageerayey.

Isla markii cayaartu bilaabatayba kooxda martida ay ayaa waxay heleen fursado ay goolal ku dhalin kareen, ayadoo Sebastian Bassong iyo Peter Crouch ay khalkhal geliyeen difaaca Leeds United.

Michael Doyle ayaa kooxda Leeds United siiyey fursadii u horreysey oo ay heleen daqiiqaddii 13aad, halkaasoo uu ku khasbay Gomes inuu is kala bixiyo si uu u tiigsado kubad ku socotay shabaqa Tottenham.

Daqiiqaddii 34aad ayaa kooxda Tottenham heleen goolka cayaarta u horreeyey, waxaana u dhaliyey Defoe.

David Bentley oo dhif iyo naadir ugu safta kooxda Tottenham ayaa wuxuu kubadda la daba maray Hughes dabadeedna wuxuu gadaal ugu baasay Defoe, markaasna Defoe ayaa asagoo sii jeeda kubbadda gadaal ugu soo celiyey goolka Leeds, waxayna noqotay 1-0 ay Tottenham leedahay.

Haseyeeshee intaan seeriga nasashadu yeerin ayaa Leeds soo ceshatay goolkii lagu lahaa, ka dib markii Jermaine Beckford kubaddii uu ku darbeeyey goolka Tottenham oo goolhaye Gomes ku soo tufay dishootaha halkaasna laacibka khadka dhexe uga cayaara Leeds United ee Luciano Becchio uu si fudud ugu celiyey goolka bannaan ee hortiisa ahaa.

1 iyo 1 ayaa lagu kala nastay kaambiyadii.

Markii kaambiyada laga soo laabtay daqiiqado ka dib ayaa Defoe wuxuu bilaabay inuu tijaabiyo shabaqa Leeds, ayadoo uu goolkiisii badbaadiyey goolhayaha Denmark u dhashay ee Leeds, Ankergren.

Defoe ayaa u maleeyey inuu gool labaad u keenay naadigiisa 67aad, haseyeeshee calanwadaha ayaa u sheegay inuu offside ku jirey, daqiiqado ka dib ayuuse gool labaad u dhaliyey Tottenham cayaartiina ka dhigay 1-2 ay leeyihiin kooxda Spurs.

Bentley ayaa goolkaan labaadna mar labaad u soo dhigay Defoe.

Crouch ayaa kubad uu soo laaday ku dhuftay birta goolka, halkaasna ku khasaariyey gool saddexaad oo Tottenham hesho, haseyeeshee Defoe ayaa goolkiisii 3aad ee cayaarta iyo Tottenham-ba wax yar ka dib dhaliyey, halkaasna ku keensaday hat-trick (saddex gool oo hal laacib cayaar dhexdeed ku dhaliyo).

Goolkaan saddexaad ayaa ku yimid weerar celis ay Tottenham soo qaadday intii Leeds ku maqnaayeen dhanka kale ayagoo raadinaya inay caarta bareejeeyaan, wuxuuna Defoe ula soo cararay kubadda dhanka goolka Leeds, wuxuu u gooyey goolhayaha Ankergren wuxuuna dabiyey mariyey kubaddii, sidaasna cayaarta kaga dhigay 1-3.

Leeds United oo mar ahaan jirtey naadiyada Yurub ugu waawayn, soona gaartay semi-final-ka Champions League sanadkii 2003 ayaa hadda ka cayaarta horyaalka saddexaad ee Ingiriiska ka dib markii dhaqaale burbur ku dhacay, waxayna rajaynayeen in FA Cup-ka oo ay ku guulaystaan ay ku yimaadaan Premier League iyo Europa League oo naadiga koobkaan qaadaa haddii uusan ka mid ahayn 6da kooxood ee u sarraysa uu ku helo jaanis uu Yurub kaga cayaaro.