Sport
Ciyaaryahan Ramsey oo Jabay iyo arsenal oo Badisay
Ciyaaryahanka da’da yar ee kooxda arsenal Aaron Ramsey aya lugta midig ka jabay kulankii ay kooxda arsenal la lahayd kooxda stoke city.
Ciyaaryahan Ramsey ayaa waxaa jabiyey ciyaaryahan difaaca uga safta kooxda stoke kaas oo lagu magacaabo Ryan Shaw cross,
Dhamaan kooxda arsenal ayaa ka wada niyad xumaatay jabitaanka ciyaaryahanka da’da yar iyadoo laftu laba kala noqotay iyadoo dadka qaarkii ay xasuusteen sidii ciyaaryahan Eduardo desilva oo isna arsenal u ciyaara u jabay sanadii 2008
Kooxda arsenal ayaa hore waxaa dhaawac ugaga maqnaa laacibka reer hollan e vanpeirse .
Jabitaanka xidigan Ramsey aya ku soo beegmaysa xili kooxda arsenal ay da’daal ugu jirto tartanka horyaalka ingiriiska kulankii ciyaarta ayaa isna ku dhamaaday 3-1 ay aarsenal ku badisay
SR News
Sarmaanyo sports news
M.C.C.Nuur
Riix Halkan Daawo Video http://upclips.hihi2.com/aron-27-2-2010.wmv



