Sport
Man uinted oo koobkii ugu horeeyey afka u dhigatay.
Koobka Carling Cup-ka oo ah koob ka mid ah koobabka laga ciyaaro dalkaasi Ingiriiska ayaa waxaa shalay galab la hoyatay kooxda Manchester United ka dib markii ay 2-dareerisay kooxda Aston Manchester oo koobkan ku guuleysatay markeedii 4-aad ayaa waxaa u suurta geliyay qaadista koobkan weeraryahandeeda reer England loogu jecel yahay ee W. Rooney iyo Micheal Owen. Kuwaasoo labada gool u dhaliyey kooxdooda MU.
Aston Villa oo aan dab yar shidin isla mar ahaantaana aad ula xariiftantay Manchester United ayaa dar dar ay ku soo galeen waxay daqiiqadii 5-aadba heleen rigoore taasoo uu u dhaliyay ciyaaryahan Millner. Haddaba, Man United oo dooneysa inay iska soo guddo goolka looga naxsaday ayaa daqiiqadii 12-aad waxaa gool deg deg ah ku bareejeeyay weeraryahanka Micheal Owen, kaasoo daqiiqadii 36-aad dhaawac soo gaaray darteed loogu badelay W. Rooney.
Qeybtii dambe markii ciyaarta la isugu soo noqday isla markaana laba kooxoodba ay si aad ah isku weerareen ayaa waxaa daqiiqadii 74-aad gool madax ah kooxda Man United u dhaliyay xiddigooda la qaban la’yahay xilli ciyaareedkaan ee W. Rooney.
Koobkii waxaa garoonkaasi Wembley kala hoyatay markeedii 4-aad kooxda weeyn ee Manchester United.
Dhinaca kale, horyaalka Ingiriiska oo la ciyaaray Sabtidii iyo Axadii ayaa kulamadii ugu xiisaha badnaa waxaa ka mid ahaa kulankii dhex maray kooxda haysa hoggaanka ee Chelsea iyo Manchester City. Ciyaartaan oo naxdin weyn ka soo gaartay Chelsea ayaa waxaa si xun loogu dubtay gurigeeda Stanford Bridge, ka dib markii Man City ku awood sheegatay 4-2.
Chelsea oo aan gurigeeda looga adkaanin 38 kulan ayaa waxaa ciyaartaasi uga sii ceebowday labo ciyaartooy oo garoonka laga saaray ka dib markii ay qaladaad ku keceen.
Man City oo qeybtii dambe ciyaarta kubadda si fiican u maamulatay ayaa waxaa u suurta gashay inay goolasha u kala qeybsadaan labo iyo labo sida weeraryahanada Carlos Tavez iyo Bellemy.
Haddaba, badiska laga badiyay kooxda Chelsea ayaa waxay fursad u noqotay kooxaha ku dhegen ee Man United iyo Arsenal kuwaasoo rajo buuxa ka qaba qaadista horyaalka.
Arsenal ayaa waxay 3-1 ku dar dartay kooxda Stock City. Liverpoolna waxay meel iska saartay kooxda Blackburn Rovers 2-1.
Tottenham ayaa iyana 2-1 isaga fujisay dhigeeda Everton.
Dhinaca kala horreynta dhibcaha Chelsea ayaa weli ku hor boodeeysa 61 dhibcood, Manchester United oo kaabiga ku haysa ayaa leh 60 dhibcood halka Arsenal-na oo rajo weyn ka leh koobkaana ay fadhido kaalinta 3-aad, waxayna leedahay 58 dhibcood, kaalinta afraad ayaa waxaa fadhida Man City oo kulan u sii baaqsan yahan waxayna leedahay 49 dhibcood, Tottenham ayaa 5-aad iyana shanaad fadhida oo leh 49 dhibcood halka Liverpool oo lixaad fadhida ay leedahay 48 dhibcood.

Koobka Carling Cup'ka
SR News
Sarmaanyo Sports News
M.C.C.Nuur

