Sport
Manchester City Oo Ku Digatay Chelsea

g
Labada kooxood oo ciyaar farsamo leh la soo baxay isla markaasna ku haminaya in ay gool la yimaadaan ayaa waxaa mar kale gool qurux badan ugu deeqay Man City ciyaaryahan Craig Bellamy daqiiqadii 51`.
Inkastoo kooxda Chelsea ay dadaalo badan ay sameeyeen haddana waxaa muuqatay in ay fursado badan iska lumiyeen iyadoo Man. City fursadaas ka faa`deysanaysa ayay 1-3 ka dhigeen ciyaarta waxaana gool rigoore {Penalty} u xaqiijiyay Carlos Tevez ka gadaal markii ciyaaryahan J.Bellety uu mutaystay kaarka cas [Chelsea -Kaarka Cas: M. Ballack iyo J.Bellety].
Manchester City oo wacdaro la soo baxday ayaa kordhisay weerarada isla markaasna goolkii 4 u xaqiijiyay Craig Bellamy 87`. Iyadoo dabayaaqada ciyaarta ay Chelsea u suragashay inay helaan rigoore oo uu xaqiijiyay Frank Lampard ciyaartaas oo waqtigii loogu talagalay ku idlaatay 2-4.
Manchester ayaa guusha ugu mahadcelinaysa Carlos Tevez iyo Craig Bellamy oo Chelsea ku quusiyay 9 ciyaaryahan isla markaasna ka dhigay guushii ugu horeysay 17 sano gudahood iyadoo uu yahay horyaalkii ugu horeeyay oo ay isaga horyimaadaan Blues illaa 1957kii.
Ugu danbayntii arinta ugu weyn ee sida weyn isha loogu wada hayay ayaa waxay ahayd sida ay suragalka ku noqon karto inay is gacan qaadaan ciyaaryahanada John Terry iyo Wayne Bridge tasoo ugu danbayn ku dhamaatay in Wayne Bridge uu mid mid u gacan qaaday ciyaaryahanada Chelsea marka laga reebo John Terry isagoo u muujinayay inuu qalad weyn uu ka galay.
sarmaanyo spor

