Waxaa magaalada London ee caasimada dalka Ingiriiska soo gaaray labada xubnood ee sanadkan dalka Soomaaliya u matalaya ciyaaraha Olombikada 2012.
Maxamed Xassan Maxamed (19 sano jir) iyo Samsam Maxamed Farax (18 sano jir) ayaa labaduba ah orodyahano rajo weyn ka qaba inay natiijooyin fiican dalka Soomaaliya uga soo hooyaan Olombikada 2012.
Samsam ayaa ayadu sheegtay in rajo weyn ka qabto inay markale dalka Soomaaliya guulo uga soo hooyaan ciyaaraha Olombikada oo ay ku kulmayaan ciyaaryahanada Caalamka oo dhan.
Maxamed Xassan oo asagu orda orodka dheer ee 1,500 mitir, ayaa sheegay inuu rajo weyn ka qabo inuu dalka Soomaaliya usoo hooyo guul weyn.
Orodka 1,500 mitir ayaa waxaa horey Horyaalka u hayey Orodyahankii Soomaaliyeed ee Cabdi Bile oo sanadkii 1987dii qaaday bilada Dahabka ee orodka 1,500 mitir.
Balse Tababaraha ciyaartoyda Olombikada ee sanadkan matalaya Soomaaliya Mudane Axmed Cali Abikar ayaa sheegay inaysan rajeenayn bilado dahab ah balse ay ku mintidi doonaan biladaha Maarta iyo Silverka.
Ciyaartoyda ka socota Soomaaliya maaha kuwa lala bar bardhigi karo ciyaaryahanada caalamka wadamadiisa ka kala socda ee Malaayiinta dollar qaata, isla markaana heysta garoomo ay ku ciyaaraan ama ku tababartaan.
Balse labadan ciyaaryahan ayaa sheegay inay subax walba ku quraacdaan CANJEELO IYO SONKOR, isla markaana tabar iyo awoodba u hayaan inay la tartamaan ciyaartooyda kale ee dunnida ka kala imaaneysa ee heysta dhaqaalaha badan.
Marka laga yimaado rajada iyo fir fircoonida ka muuqata labadan ciyaaryahan, ayaa waxaa hadana shacabka Soomaaliyeed si weyn marwalba ugu faraxsan yihiin in Calankii Buluuga ahaa markale ka dhexmuuqdo ciyaaraha caalamka ugu muhiimsan sida Olombikada.