Advertisement

Sport

Coppa Italia: Inter 1-0 Fiorentina

U dir saaxiib Daabaco Add Comment
Diego Milito Inter (Getty-Images)

Diego Milito Inter (Getty Images)

Internazionale ayaa hadda cabsi yar ka qabta in Fiorentina ka awood badiso kulanka labaad ka dib markii uu Diego Milito kooxda Inter ku siiyey 1-0 garoonka Giuseppe Maezza.

Fiorentina oo bilowgii hore weerarka u badan ku soo qaadaysay Inter waxaana goolka Inter sigay Riccardo Montolivo. Mario Santana iyo Montolivo ayaa ayaguna tijaabiyey difaaca Inter.

Inter dhankeeda waxay dhib ka mudatay in weerarkeedu dhaafo difaacyada Alessandro Gamberini iyo Cesare Natali, waxaana Inter ugu horreysey inay goolka Fiorentina u dhowaadaan daqiiqadii 24aad markii Wesley Sneijder uu u soo baxsaday dhanka shabaqa Fiorentina, laakiinse banoonigiisii ayaa goolka dhinac ka maray.

10 daqiiqo ka dib waxaa baas uu soo dhigay Mario Balotelli goolka Fiorentina ku hubsaday Diego Milito, cayaartiina waxay noqotay 1-0 ay leedahay Inter oo marti loo ahaa.

In yar ka dib weerar-celis ay Viola soo qaadday ayaa Juan ManuelVargas kubbad dheer ugu baastay Alberto Gilardino, haseyeeshee wuu iska qasaariyey fursaddiisii, banoonigiisiina dibadda ayuu maray. Daqiiqaddii 38aad goolhayaha Inter wuxuu in yar badbaadiyey kubad Vargas uu madaxa ku soo darbeeyey.

Kaambiyadii dambe ee cayaarta cayaarta waxaa weerar badnayd Inter, waxaana dhowr jeer goolka Fiorentina sigay Milito.

Goolhayaha Fiorentina, Frey ayaa soo tufay kubbad uu ka qabtay Pandev waxaase goolka ku celiyey Milito oo darbaddiisii ay ku sii dhacday Sneijder, haseyeeshee calanwadaha ayaa sheegay in Sneijder uu offsite ku jiray, sidaasna waxaa lagu diiday goolkii labaad ee Inter.

Inta caarta ka hartay waxay Fiorentina raadinaysay goolkii bareejada, waxayna soo geliyeen Marco Marchionni iyo Adem Ljajic, hase yeeshee waxba uma tarin oo waxaa kulankii ku dhammaaday 1-0 oo ay natiijada leedahay Inter