Liiska Ciyaaryahandii ugu Fiicnaa iyo kuwii ugu xumaa Koobka Euro 2012 oo la soo saaray

Kadib Markii Axadii aynu soo dhaafnay uu  xulka Spain la caraabay Koobka  Qaramada Qaarada Yurub (Euro 2012), ayaa  Jariirada lagu Magacaabo Blick-Sport waxa ay soo saartay Liiska Xidigihii ugu fiicnaa iyo Kuwii ugu xumaa ee ka ciyaara Koobka Qaramada Qaarada Yurub.

Jariirada Blick-Sport ayaa Xidigahaan u kala qeybisay Laba Kooxod oo ay ugu Magac dartay Das Top-Team oo ay ula jeeday Ciyaarahanadii ugu fiicnaa ee bandhigay Ciyaaro lagu qanci karo misne muujiyay karti iyo Dadaal Dheeri ,inta uu Tartankani socday.

Iyo Xidigihii ugu xumaa Tartanka Das Flop-Team  oo lagu Macneeyay in ay ahaayeen Ciyaaryahanadii soo bandhigay ciyaar xumo iyo Dadaal yari inta uu Tartanka Koobka Qaramada Qaarada Yurub Socday.

Xulka Spain ayaana ciyaaryahanada ugu badan ku leh Kooxdii ugu fiicneed ee laga soo xulay Ciyaaryahanadii ka ciyaaray tartankii Koobka Qaramada Qaarada Yurub, markii ay ka soo galeen 5 ciyaaryahan, balse kooxdii ugu xumeed  ayaa waxaa ugu badan oo ka dhex muuqanayo 4 ciyaaryahan oo ka socda Dalka Holland.

Magacyada Kooxdii ugu Fiicneed Koobka Qaramada Qaarada Yurub
Goolhaye:- Iker Casillas (Spain)
Daafaca:- Sergio Ramos (Spain), Pepe (Portugal), Philipp Lahm (Germany),
Qadka Dhexe:- Sami Khedira (Germany), Xavi Hernandes (Spain), Andrea Pirlo (Italy), Andres Iniest ( Spain).
Weerarka:- Mario Balotelli (Italy), Cristiano Ronaldo (Portugal), Fernando Torres (Spain)

Waxaana Macalin u ah Cesare Prandelli (Italy)

Magacyada Kooxdii ugu xumeed ee tartanka Koobka Qaramada Qaarada Yurub.

Goolhaye:- Michalis Sifakis (Greece)
Daafac:- Lukas Piszczek (Poland), Philippe Mexes (France), Jetro Willems (Holland), Patrica Evra (France.
Qadka Dhexe:- Marka Van Bommel (Holland),Thomas Müller ( Germany), Robin Van Persie (Holland).
Weerarka:- Weyne Rooney (England), Robin van Persie (Holland), Karim Benzema (France)

Waxaa Macalin u ah Joachim Löw (Germany).

Cabdiqani Cali Dalmar
riyaale10@hotmail.com

Sarmaanyo.com