Advertisement

Sport

Copa del Rey: Sevilla 2-0 Getafe

U dir saaxiib Daabaco Add Comment
Mario, Mane, Luis Fabiano, Sevilla 2-0 Getafe

Mario, Mane, Luis Fabiano, Sevilla 2-0 Getafe (Getty Images)

Kooxda Spanish-ka ah ee Sevilla ayaa ku dhow inay finalka Copa del Rey ee boqortooyada Spain gaaraan ka dib markii lugtii hore ee cayaarta ay 2-0 ku mareen Getafe. Luis Fabiano iyo gool uu iska dhaliyey Mario ayaa kooxda reer Andalus meel u saaray guusha lugta hore ee cayaarta.

Sevilla ayaa bilowgii cayaarta waxay ku soo gashay dardar, waxayna ku sigteen inay daqiiqadihii u horreeyey hogaanka qabtaan ka dib markii kubbad uu dhanka midig ka soo baasay Jesus Navas ay la kulantay Luis Fabiano, haseyeeshee darbaddii Fabiano ayaa ku 3 mitir goolka dibadda ka martay. Getafe ayaa isla markiiba weerar soo qaaday kuna qasabtay Andres Palop inuu ka badbaadiyo goolkiisa kubad uu soo tuuray Manu Del Moral.

Markii ay cayaartu kusii siqaysay kaambiyada ayaa waxaa benjiga Sevilla lagu celiyey David Negredo oo cayaarta sii wadan waayey, waxaana lagu soo bedelay Koffi Romaric, isla mar ahaantaas ayay Sevilla hogaanka cayaarta qabatay ka dib kubad ay isu dhiib-dhiibeen Navas iyo Adriano ugu dambayntii loo baasay Fabiano, halkaasoo uu madaxa kaga dhaliyey Getafe, waxaana kaambiyadii ku dhammaatay 1-0 oo Sevilla leedahay.

Kaambiyadii dambe waxay cayaartu ahayd mid iska caajis ah, Getafe-na waxay iska ilaalinaysay in goolal kale laga dhaliyo, iskumana dayayn inay bareejayso Sevilla, halka Sevilla-na ay ay ku qanacsanayd goolka keliyah ee ay hoggaanka ku hayaan.

20 daqiiqo markii ay harsanayd ayaa waxaa tababaraha Sevilla Manolo Jimenez bedalay Fabiano oo uu ku soo bedelay laacibka Maaliyaanka ah ee Frederic Kanoute.

Waxay u ekayd in ay cayaartu ku dhammaanayso 1-0, haseyeeshee dhammaadkii kulankaan ayaa Sevilla heshay gool labaad, baas kore oo uu baallaha ka soo gamay Jesus Navas ayaa waxaa iska dhaliyey Mario oo damacsanaa inuu kubadda koorno u saaro.

Waxay taasi caddaysay in Sevilla ay hadda tahay kooxda ugu cadcad ee looga baqayo inay sanadkaan qaadaan koobka Boqortooyada ee Spain, ayagoo horey u soo diray Barcelona, hadana aysan haysan caqabad saas u wayn oo u diidaysa inay finalka gaaraan.