David-Villa-Barcelona1-460x260

Weeraryahanka Barcelona David Villa Oo Rajo Ka Qaba In Si Dhaqso Ah U Soo Bogsado

Weeraryahanka gooldhaliyaha ah ee kooxda Barcelona iyo xulka Spain David Villa ayaa sheegay in ay dhowdahay waqtiga uu soo reysanayo kadib markii ay lug ka jabtay kulankii Club World Cup ee bishii December tii la soo dhaafay.

Ciyaaryahanka kula guuleystey kooxdiisa horyaalka Yurub iyo xulka dalkiisa koobka adduunka soddonka jirkana ah ayaa kulankii Semifinalka ee ay 4-0 ugaga badiyeen kooxda ka dhisan wadanka Qatar ee Al-Sadd kana dhacay dalka Japan uu jabkan ka soo gaaray.

 

Kadib markii qalliinkiisii lagu guuleystey ayaa laacibkan haysta rikoorka gool dhalinta xulka dalkiisa Spain loo sheegay in uu ku soo kaban karo muddo lix bilood ah taasoo qiqiil gelin karta inuu safto ciyaaraha Euro 2012 ee dhici doona bisha June ee sanadkan.

 

“Aad ayaan u wanaagsanahay hadda waxana aan ku jiraa wajigii ugu dambeeyey ee soo kabasadayda, si adag ayaan u shaqeynayaa maalin walba tan iyo markii uu dhibkan igu dhacay,” ayuu u sheegay Villa Spanish FA event.

 

“Waxaan uga jeedaa iftiin rajo xoog leh ayaan qabaa in aan dib u bilaabi doono inaan ku raaxeysto ciyaarista kubbada cagta mar kale.”

Villa ayaa  dhaliyey 32 goal  76kulan oo uu u saftay Barca tan iyo markii uu ka soo wareegay Valencia bilowgii xilli ciyaareedkii la soo dhaafay.

 

Waxana uu u dhaliyey xulka dalkiisa 51gool isagoo ciyaaray 81 kulan waxana uu toddobo gool ka horeeyaa ciyaaryahanka ku soo xiga oo ah Raul oo ay ugu dambeysey inuu u safto xulka qaranka dalkiisa sanadkii 2006dii