article-2122785-126708F5000005DC-857_468x298

Kabtanka Kooxda Aston Villa Petrov Oo Laga Helay Cudurka Leukaemia

Kabtanka kooxda Aston Villa Stiliyan Petrov ayaa lagu daweynayaa isbitaal ku yaal magaalada London kadib markii laga helay xanuunka loo yaqaan Leukaemia.

Petrov ayaa lagu daweynayaa isbitaal ku yaal London waxana warkan xanuunka haya uu ku noqday naxdin kooxda Aston Villa.

Petrov oo xilli ciyaareedkan si joogta ah ugu safanayay kooxdiisa ayaan wax tababar ah qaadan tan iyo ciyaarkii ay toddobaadkii hore yeesheen kooxda Arsenal markaa oo uu xanuun dareemay.

Qoraal ay soo saartay kooxda ayaa ku sheegtay inay ka xun tahay xanuunkan isla markaan ay garab taagan tahay waxana ay ka codsatay dadka inay xushmeeyaan nolosha gaarka ah ee Petrov.

32jirkan ka mid ah xulka wadanka Bulgaria ayaa u saftay wadankiisa illaa iyo boqol kulan tan iyo markii uu ku biirey waxana uu ka yahay xubin muhiim ah qadka dhexe ee kooxda Aston Villa.

 

Ciyaaryahankan hore ugaga mid ahaa kooxda Celtic ayaa waxa uu dareemay in ay wax ka qaldan yihiin oo uu awood badan lahayn kulankii toddobaadkii hore ay wada ciyaareen kooxda Arsenal. Markii uu wargeliyey shaqaalaha caafimaadka kooxdana waxa ay kula taliyaan in uu muddo labo maalmood ah uu nasto, iyagoo rumeysnaa dhibka haya ciyaaryahanka inuu yahay virus uun.

Hase yeeshee markii xanuunku uu noqday mid sii jira ayuu petrov Arbacadii baaritaan dhiigga ah lagu sameeyey si loo ogaado waxa keenay tabar yarada. Hase yeeshee 48 saacadood kadib ayaa loo sheegay in uu hayo xanuunka la yiraahdo leukaemia waxana la dhigey isbitaalka iyadoo daawadiisuna ay bilaabanayso Sabtida