Sport
Daraasad lagu Ogaaday in Kabaha Sports-ku Dhibaato u Leeyihiin Lafaha Bani-Aadamka

Kabaha Sports-ka ee Adidas
(Sarmaanyo.com) — Khubaro u dhashay dalka Maraykanka ayaa ku sameeyay daraasad jaamacad ku taaalla wadankaasi oo layidhaa Virginia university,taasi oo ay ku ogaadeen in kabaha lagu cayaaro ciyaaraha cusub sida orodka,bootinta ay suurta gal tahay inay keenaan xanuunada ku dhaca isgoysyada lafaha, waxaanay ku la dardaarmeen ciyaartoyda in ay jimicsiyaga ay sameeyaan iyagoo cagaagan oo aan wax kabo ah xidhnayan.
Waxaa kale oo ay intaa ku dareen in ninka ciyaartoyga ahi markaa uu kabaha xidho ay lugtiisu la kulmayso cadaadis sare ,kaasi oo lagu qiyaasay in uu yahay 54% halka uu marka aanu xidhnayan wax kabo ahn a uu yahay 36-38%.

