Advertisement

Sport

robinho oo kamid noqday xidigaha Ac-milan

U dir saaxiib Daabaco Add Comment
Xidigada’da yar ee dalka Brazil Robinho ayaa qalinka ku duugay heshiis uu 4ta sano ee soo socota kula joogayo kooxda weyn ee dalka Talyaaniga AC Milan.

Robinho oo labo sano ka hor ugu kacay kooxda Manchesdter City 32 malyan oo geni isla markaana ahaa lacagtii ugu badneyd ee ay koox Ingiriis ah cayaaryahan kusoo iibsato ayaa la sheegayaa in kooxda Milan ay hada ku heshay kala bar intii ay City kaga soo gadatay kooxda Real Madrid.

Robinho oo kulankiisii ugu horeeyey Man.City gool u dhaliyey iyagoo la cayaarayey kooxda Chelsea ayaa ka dib kasoo bixi waayey hankii loo qabay wuxuuna kooxda u saftay 41 kulan oo horyaalka Ingiriiska ah isagoo u dhaliyey 14 gool.

Bishii Janaayo ee sanadkan ayaa la amaahiyey kooxdii uu kusoo barbaaray ee Santos isagoo dib ugu soo laabtay kooxda Man.City dhowaan inkastoo uusan marnaba qarsan inuu qaati ka taagan yahay kooxdiisa iyo weliba hab cayaareedka Ingiriiska wuxuuna sheegay inuu door bidayo horyaalada Talyaaniga ama Spain.

- Robinho wuxuu qalinka ku duugay qandaraas 4 sano ah ayaa lagu yiri war kooban oo ay shaacisay AC Milan.

Milan oo sidoo kale dhowaan kooxda Barcelona kala soo wareegtay Zlatan Ibrahimovic ayaa markii ay gacanta ku dhigeen Robinho iska fasaxday gooldhaliyahooda Marco Borriello oo wajahay kooxda Roma, sidoo kale xidiga daafaca uga ciyaara Milan Kakha Kaladze ayaa isna ku biiray kooxda Roma lamana shaacin lacagta ay Roma ugu kacday labadan cayaaryahan.

Waxaa kaloo Milan ka tagay weeraryahanka reer Holland Klaas-Jan Huntelaar oo ay ka iibiyeen kooxda Jarmalka ah ee FC Schalke 04.

Robinho wuxuu qaadan doonaa lambar 70 halka xidiga cusub ee Zlatan uu isna qaadan doono lambar 11 sida lagu faafiyey bogga nettka ee kooxda.