Sport
inter milan iyo real madrid oo bar bar dhacyo mid walba ku bilaabay horyaaladda laliga iyo seria A
Kooxda difaacaneysa horyaalka Talyaaniga ee Inter ayaa kulankii ugu horeeyey horyaalka sanadkan bareejo goolal la`aan ah ku bilowday markii ay caawa is qaabileen kooxda Bologna.
Qeybtii hore ee cayaarta ayaa aheyd mid caajis ah hase yeeshee qeybtee labaad ayey xidigaha Inter weeraro aan kala joogsi laheyn ku qaadeen goolka Bologna waxase is hortaagay goolhaye Emiliano Viviano oo ahaa xidigii garoonka.
Tababaraha cusub ee Inter Benitez oo kulankii ugu horeeyey ee muhiimka ahaa guuldaro 2-0 ah kala kulmay kooxda Atletico Madrid ayaa kulankan aad muhiim ugu ahaa inuu badiyo si uu uga nasto cadaadis soo food saara.
Tababaraha wadanka Portugal u dhashay jose Morrinho ayaa waxa uu u muuqdaa mid ku fashilmi raba shaqada cusub ee naadiga real Madrid.
Morinho wuxuu ku bilaabay horyaalka Spain ee La Liga isagoo hal dhibic kaliya ka keenay waxaana taa u sii dheer iyadoo uu ka dhaawacmay C,Ronaldo.
C.Ronaldo oo ah xidiga ugu qaalisan caalamka kubada cagta ayaa dhaawac uu kazoo gaaray jilibkisa kulanka ka tirsan horyaalka Spain.
Ronaldo ayaa ka maqnan doona saddex todobad kooxda taasoo lamicno ah wuxu ka maqnaanayaa kulanka koobka horyaalada Yurub ee AJex ay la ciyaarayso naadigiisa iyo kulanka horyaalka ee Osasuna ay la ciyaarayso real Madrid iyo kulanka furitaanka koobka qaramada yurub 2012 ee dalkiisa Portugal.
Real Madrid ayaa kulankii furitaanka oo ay la ciyaartay horyaalka kooxda Mallorca axaddii waxay u hayd mid murago ay kala kulantay iyadoo loolan kula jirta sanadkaan Barcelona oo iyada dar dark u bilaawday horyaalka halka Real Madrid ay hal dhibic keensatay kulankii ugu horeeyay horyaalka inkastoo uu bilaaw yahay hadana ma noqon bilaw wanaagsan.
Naadiga Real Madrid aya ku qortay bogeda in xidiga 80 Milyan ay ku soo iibsatay ee Ronaldo uu ka maqnaan doono garoomada saddex todobaad isla markaana uu dhaawac kazoo gaaray anqawga midig.
Laacibkii hore kooxda Manchester utd Ronaldo ayaa sanadkii lasoo dhaafay garoomada ka maqnaa labo bilood kadib markii uu dhaawac kazoo gaaray halka haatan uu ka dhaawacmay kulan ka tirsana koobka horyaaliinta yurub oo ay la ciyaaraysay Real Madrid Marseille 30-kii bisha September sanadkii hore.
Sidoo kale ayuu xidigaan ka dhawacmay halka uu haatan ka dhaawacmay waayihisa kooxda Sporting Lisbon kaasi oo lagu sameeyay qaliin goor dambe laguna guulaystay.
Cristiano Ronaldo ayaa ka maqnaanaaya kulamada is reeb reebka koobka qaramada yurub 2012 oo dalkiisa Portugal la ciyaarayo Cyprus iyo Norway.
Dalka Portugal ayaa la ciyaaraya jimcaha Cyprus iyadoo afar maalin kadib la ciyaarayan dalka Norwey.

