Sport
Sebastien Squillaci oo kamid noqday xidigaha arsenal
Kooxda Sevilla ayaa xaqiijisay in ay ka iibisay Arsenal daafacooda reer France Sebastien Squillaci.
Sebastien Squillaci ayaa maraya caafimaadka kooxda Arsenal kadib markii 6.5 Milyan ay ku iibsatay kooxda Arsenal.
War qoraal ah oo lagu daabacay webseedka kooxda Sevilla ayaa lagu sheegay in Sebastien Squillaci uu u socdaalay magalada London isagoo maraya tijaabo dhanka caafimaad cabka xidiga isla markaana labada naadi ay ku hishiiyeen lacago dhan 6.5 Milyan oo gini.
Sebastien Squillaci oo 30 jir ah ayaa tababaraha Arsenal Arsen Wenger wuxuu doonayaa inuu ku xoojiyo xulkiisa daacafa kadib markii ay kooxda ka tageen daafacyada kala ah William Gallas, Mikael Silvestre, Sol Campbell iyo Philippe Senderos.
Daaficii hore kooxda lagu naanayso Les Gones waa Lyone Sebastien Squillaci ayaa ku biiray kooxda Sevilla labo sanno ka hor isagoo aanan ciyaarin kulankii is reeb reebka koobka Horyaaliinta naadiyada Yurub ee todobaadkii lasoo dhaafay ay kooxda Sevilla la ciyaartay kooxda Braga.

