Advertisement

Sport

Arsenal iyo Chelsea oo Nusdarsin goolal ah ku badiyeym iyo man united oo Fulham Dhaafi waydey

U dir saaxiib Daabaco Add Comment

Theo Walcott iyo xidigaha Arsenal ayaa dhulka ku jiiday Kooxda Blackpool oo sanadkan kusoo biirtay kooxaha heerka 1aad ka dib todobaad ay hawada sabeynayeen markii kulankii ugu horeeyey horyaalka sanadkan ku duduriyeen kooxda Wigan oo ay 4-0 kaga soo badiyeen.

Laakiin kulankii maanta ay usoo martiyeen kooxda Arsenal ayaa lahaa sawir aad kaga duwan kii Wigan waxaana la dhihi karaa Blackpool nasiib ayey lahaayeen hadii aan dhabarka loo saarin guuldaro labo tiro ah.

Walcott oo inta badan sanadkii hore dhaawac kaga maqnaa garoomada isla markaana kooxdiisa u dhaliyey 3 gool horyaalkii hore oo dhan ayaa maanta noqday xidigii garoonka markii uu dhaliyey 3 ka mid ah 6da gool ee ay Arsenal ku badisay oo kala darnaa isla markaana qalqal ku riday daafaca Balckpool.

Goolasha kale ee Arsenal waxaa kala dhaliyey Andrej Arsjavin oo rigoore dhaliyey, Diaby iyo gooldhaliyaha sanadkan kusoo biiray kooxda ee reer Marooko Marouane Chamakh oo fursado badan oo uu qasaariyey ka dib gool teesto ah dhaliyey 10 daqiiqo ka hor dhamaadkii cayaarta.

Chelsea ayaa mar kale ku badisay 6-0 kulankii 2aad oo isku xiga bilowga horyaalka sanadkan taasoo qaracan ku noqoneysa digniin culusna u direysa kooxaha uu tartanka kala dhexeeyo hanashada horyaalka.

Chelsea oo mar kale sanadkan ka mid aheyd kooxaha loo saadaalinaayey hanashada horyaalka hase yeeshee calaamad su`aal la saaray ayaa hada u muuqata iney jawaab waafi ah ka bixiyeen sababta ay mar kale ugu guuleysan karaan horyaalka sanadkan inkastoo weli ay tahay waqti hore hadana marka la fiiriyo 2dii kulan ee ugu horeysay 6 dhibcood, 12 gool oo ay dhaliyeen iyo weli oo aan gool laga dhalin waa tusaale nagu filan halka sanadkan Chelsea laga filaayo.

Taageerayaasha Chelsea oo lahaa sababo kasta oo ay ku farxaan ayaa tan keliya ee aysan ku farxin maanta ahaa in Drogba uu gool la`aan garoonka ka boxo.

Florent Malouda ayaa daah furay bandhiga goolasha kulankan daqiiqadii 34aad ee qeybtii hore halka 5ta gool ee kala dhasheen qeybtii dambe ee cayaarta.

Anelka ayaa 3 daqiiqo gudohood labo gool ku dhaliyey halka Salomon Kalou oo bedel kusoo galay dhaliyey 2 gool, goolka 6aad waxaa shabaqa ku hubsaday Benayoun