Sport
Xidigii France ee Anelka oo La Ganaaxay.
Xiriirka kubadda cagta Faransiiska ayaa maanta ku dhawaaqay ganaaxa ciyaaryahanka reer France ee lagu magacaabo Nicolas Anelka kadib fadeexadii ka dhacday dalka South Afrika.
Nicolas Anelka ayaa lagu ganaaxay ka fariisashada 18-ciyaarood oo xulka dalkiisa ciyaari doono, waxaana sidoo kale iyana ganaax helay shan ka mid ah ciyaartoydii uga qeyb-gashay Faransiiska ciyaaraha Aduunka.
Ciyaaryahanada la ganaaxay ayaa kala ah Patrice Evra oo laga xiray shan ciyaar, Franck Ribéry 3 ciyaar, Jérémy Toulalan hal ciyaar iyo Eric Abidal oo isna ka bad-baaday seefta ganaaxa.
Laacibka reer Chelsea ayaa ah ninka ugu ganaaxa adag, waana ninkii sababay fadeexadii xulka farnsiiska ku qabsatay South Afrika.
Sheekada fadeexada ayaa ka bilaabatay kadib markii ay murmeen Nicolas Anelka iyo tababarihii xulka Fransiiska iyagoo ku sugan ciyaarihii aduunka ee South Afrika, waxaana xigtay in ciyaartoyda inta badan ay ka fariisteen ciyaarta.

