Sport
Xidigihii 1998 mKoobka aduunka u qaaday Faransiiska oo mar 2aad lagu arkay garoomada caalamka
Zinedine Zidane oo ah mid kamid ah xidigihii ugu wanaagsanaaa ee soo mara kubadda cagta caalamka ayaa ayaa mar kale kazoo muuqday garoomada kubada cagta caalamka waxaana ku wehliyay xidigihii xulka qaranka Faransiiska ee qaaday koobkii adduunka 1998.
Inkastoo Zinedine Zidane uu si aan wanaagsnayn uu kaga baxay garoomada kadib hertadii ama teestadii uu la dhacay daafaca xulka Qaranka Talyaaniga Marco Mattarezzi oo af-lagaadeeyay hooyada iyo walasha Zinedine Zidane ayaa laga saaray Finalkii koobka adduunka 2006 laakin wali waa nin sumcad ku leh caalamka Kubadda cagta.
Boqorkii Faranse Zinedine Zidane iyo 20 xidig oo ka tirsan xulkii Faranse ee 1998 ayaa ka qeyb galay ciyaar deeq loogu ururinayay dhibanayaasha waxyeelada ay kasoo gaartay Duufaanta loo yaqaano Xynthia oo ka dhacday galbeedka qaaradda yurub horaantii sanadkaan taasi oo dishay in ka badan 70 qof.
Xidigii hore ee Naadiga Real Madrid Zinedine Zidane ayaa cayaaray kulankaan deeqda lagu aruurinayay waxaana uu ka dhacay garoonka Stade Beaujoire oo ku yaala magaalada Nantes ee dalka Faransiiska.
Kulankaan ayaa waxaa ciyaaray xul laga soo ururiyay qaarada Yurub iyo xidigihii xulka qaranka Faransiiska ee koobkii aduunka 1998 waxaana kamid ahaa xidigihaas marka laga soo tago Macalimuu Zidane Bixente Lizarazu, Karembeu, Lilian Thuram, Fabien Barthez, Patrick Vieira, David Trezeguet, tababaraha xulka Faransiiska ee hada kana mid ahaa xulkii 1998 Laurent Blanc iyo kabtanki xulka Faransiiska ee Didier Deschamps.
Kulankaan ayaa waxaa kazoo qeyb galay 35 Kun oo daawadayaal ah waxaana 4-2 ku badiyay xulka Faransiiska iyadoo labo kamid ah goolashaas uu dhaliyay David Trezeguet.
Xulka Yurub ka socday waxaa kamid aha xidigii hore ee kooxda Juventus Edgar Davids, Pierre van Hooijdonk iyo Sonny Anderson waxaana laga helay deeq dhan 332 kun oo gini.
Zidane oo tababar ka furay Koofur Afrika
Xidiga saddexda jeer noqday laacibka caalamka Zinedine Zidane ayaa haatan waxaa uu gaaray dalka Koofur Afrika isagoo ka qeyb galaya tababar la siinayo mashruuca tababarka caruurta kubadda cagta ee Danone.
Zinedine Zidane, oo horey u booqday dalka Koofur Afrika 2009 ayaa waxaa uu mar kale ku tagay safar uu tababar ku siinayo caruurta da’da yar kuwas oo uu ku dhiira galinayo in ay kubadda cagta sii wataan oo ay ka gaaraan heer wanaagsan.
Xidigaan Zinedine Zidane, ayaa booqday xarunta ay ku jiraan carurta ah horyaalka koobka Danone Cup oo ah mashruuc horumarinta caruurta kubadda cagta caalamka ayaa ku siiyay tababar dhiira galin ah isagoo booqday iskuulka hoose ee Bree kaasi oo ah horyaalka iskuulada caruurta ee koofur Afrika.
Sidoo kale Zinedine Zidane, wuxuu booqday iskuulada Hoose ee lagu kala magacaabo Gauteng iyo Sinenzuzo oo ku yaala gobolka KwaZulu Natal ee dalka Koofur afrika.
Zinedine Zidane, ayaa safarkan waxaa ku wehliya Figo Laacibkii hore ee xulka Portugal iyo naadiyada Barcelona,Real Madrid iyo Inter Milan.
Zinedine Zidane, iyo Figo ayaa u kala saftay labo koox oo caruur iskuuleed ah kuwaas midba kan kale uu ku dhiira galinayay ama barayay hab farsamooyin oo caruurta ka caawin karta inay noqdaan kuwo si wanagsan u cayaara kubadda.
Zinedine Zidane, ayaa sheegay in tani waa tababarka uu la sameynayo caruurta yaryarka ee iskuulaadka dhigta in ay dib u xasuusinayso waayihiisa ciyaal nimo isagoo u sheegay caruurta yar yarka in uu soo maray heerka ay hada caruurta iskuulaadka ay taagan yihin isagoo inta raaciyay in uu ku cayaari jiray wadooyinka wasaq ah oo nadaafadooda ay aad u liitaan magaalada Marseilles ee dalka faransiiska isaga uu kamid ahaa ilaa afar walaalihiisa ah kuwaas oo ku ciyaari jiray wadooyinka magaaladas.
Zidane ayaa caruurtan baraya xirfadaha kala duwan ee kubadda cagta sida goosmada,cagawareejinta,baasaska kala duwan,habka farsamo ee qiyaanada xidigaha laadadka xorta ah iyo Rigoorayasha ama gool ku laadka Penalt-ga kubad haysashada iyo xirfado kale.
Zidane ayaa dib ugu laaban doona dalka koofur afrika 3 bisah October ee sanadkaan halkaas oo ay ka dhici doonto kulan Final ah oo caruurya iskuulada ay cayaari doonaan wuxuuna ka dhacyaa kulankaas garoonka Orlando Stadium ee magaalada Soweto ee dalka Koofur Afrika.




