Advertisement

Sport

Fabio Aurelio oo ka tagaya Liverpool

U dir saaxiib Daabaco Add Comment
Fabio Aurelio

Fabio Aurelio

Laaciibka dhanka daafaca ka ciyaara ee naadiga Liverpool Fabio Aurelio ayaa lagu wada asbuuca soo socda inuu isaga tego kooxda Liverpool,ka dib markii uu diidey inuu saxiixo qandaraas cusub.

Aurelio oo 30-sano jir ah ayaa noqday ciyaaryahankii ugu horeeyey ee u dhashey dalka Brazil oo kusoo biira naadiga Liverpool,isagoo sanadkii 2006-dii si bilaash ah kaga soo biiray kooxda Valencia ee dalka Spain.

Waxaa mudooyinkii lasoo dhaafay soo foodsaaray ciyaaryahanka dhaawacyo isdaba joog ah oo sababtay in uusan safan kulamada sanadkan ee horyaalka Ingiriiska iyo koobabka kale.

Tababare Rafael Benitez oo ka hadlay ciyaaryahankaan xaalkiisa ayaa sheegay in ay isku deyeen in ay ku qanciyaan inuu sii joogo garoonka Anfield balse uu arintaas kasoo horjeestay Aurelio,siduu sheegay.