Sport
Kooxda Al ahly oo guul daro weyn la kulantay.
Kooxda Al ahli ee wadanka Masar oo kamid ah kooxaha heerka Koowaad ee horyaalka dalkaasi ayaa habeenimadii xalay waxaa ay guul daro xoogan kala kulan tay ciyaartii ay la yeelatay Naadiga Ghazl Al mehalli.
Waxaa ay ahayd ciyaartii dhex martay Al ahly iyo Ghazl Al mwhali mid ay taageerayaasha kooxda Al ahli dhabanada hayaan kadib markii ay ciyaartooyda iyo difaaca kooxda Ghazl ay udiideen Al ahly in ay soo taabtaan shabaqa goolka kooxdooda.
Laacibiinta kala ah A.H. Farag iyo M. Al-Atar ayaa u kala dhaliyay Ghazl labada gool ay kaga badiyeen Naadiga Al ahly,waxaana ciyaarta oo ahayd mid xiisa badan ay labada naadiga kakala qaateen Rooso ama karaka cas labo laacib oo caan ah.
Kooxda Ghazl ayaa waxaa kaarka cas ka qaatay daqiiqadii 40-aad laacibka E.Osman,iyadoona laacibka khadka dhexe ahna difaac oo ay dadka inta badan ku xasuustaan ciyaarihii qaramada ee Angola W.Gomaa uu ka qaatay kooxda Al ahli kaarka Casaanka kadib markii uu jabiyay ciyaartooy ka tirsan kooxda Ghazl.
Shacabka Masar oo taageero xoogan inta badan u ah Al ahly ayaa waxaa ay dhamaadkii ciyaarta isaga dareereen garoonka iyaga oo wajiga hoos u eegaya.

