Advertisement

Sport

John Terry oo Kabtannimadii Ingiriiska laga Qaaday

U dir saaxiib Daabaco Add Comment
John Terry

John Terry

Tababaraha xulka qaranka Ingiriiska, Fabio Capello, ayaa Jimcihii shalay caro uu kula dhacay laacibka khadka difaaca uga cayaara kooxda Chelsea wuxuu kaga qaaday kabtannimadii qaranka Ingiriiska.

Capello ayaa Terry kula kulmay garoonka qaranka ee Wembley si uu ugu sheegay in kabtannimadiisii qaranku ay soo idlaatay, ka dib markii Terry lagu soo eedeeyey in uu xiriir gaar ahaaneed la yeeshay gabar ay saaxiibbo ahaayeen laacibkii hore ee Chelsea, Wayne Bridge.

“Feker badan ka dib, waxaan go’aansaday in aan kabtannimada ka qaado John Terry,” ayuu Capello u sheegay website-ka xiriirka kubadda cagta ee Ingiriiska, thefa.com.

“Intii uu Terry kooxda qaranka kabtanka u ahaa, wuxuu muujiyey dabeecad wanaag. Haseyeeshee, waxay iila muuqatay in aan tixgeliyo arrimo kale oo u wanaagsan dhammaan laacibiinta qaranka Iglan.

“Waxaa igu dhiirra geliyey inaan go’aankaan qaato ka dib markii aan eegay waxa u wanaagsan kooxda qaranka Ingiriiska.

“John Terry-na horey ayaan ugu wargeliyey sidaas.”

Capello ayaa u magacaabay difaaca Manchester United, Rio Ferdinand, kabtanka cusub ee xulka Ingiriiska.

“Markii aan John Terry ka dhigay kabtanka qaranka, waxaan sidoo kale doortay laba kabtan-ku-xigeen, mana jirto sabab aan ku bedelo go’aanka aan qaatay,” ayuu yiri Capello.

Tababaraha kooxda Chelsea, Carlo Ancelotti ayaa asagu horey u sheegay in arrintaani aysan saamayn doonin kabtannimada John Terry ee kooxda Chelsea.