Advertisement

Maxaa Cusub

Dowlada Maraykanka oo dhisaysa xarumo Nuclear koronto laga dhaliyo.

U dir saaxiib Daabaco Add Comment

Tamarta Nuclear-ka

Dowlada Maraykanka ayaa shaaca ka qaaday dhismaha labo xarun oo waaweyn oo tamarta Nuclear-ka kororntada looga dhaliyo kuwaas oo sida ay saraakiil sarsare oo ka tirsan aqalka cad ee Maraykanka laga dhisayo gobolka Goargia ee wadanka Maraykanka.

Dhismaha xarumahan ayaa ku kacaya lacag 8 Million oo doolar gaarysa,waxaana sida uu madaxweynaha Maraykanka Brack Obama shaaciyay uu noqonayaa dhismahan tamarta Nuclearka looga samaynayo Korontada wadankaasi Maraykanka kii ugu horeeyay oo mudo 30 sano ah kadib ay dib uga dhisaan wadankaasi.

Obama waxaa uu adkeeyay kalsoonida tayada shirkada cusub ee Tamarta Nuclear-ka isagoona sheegay in ay tahay mid nadiif ah oo ka qayb qaadanaysa Technoledgy-da ay dowladoodu ka samaynayso koronto dhalinta.

Dowlada Maraykanka tan iyo wixii ka dambeeyay sanadii 1979 oo ahayd wakhtigii ay cilada soo wajahday xaruntii ugu weynayd ee tamarta Neclear-ka Maraykanka ee gobolka Pensalvenia,waxaana uu dhismahan uu noqonayaa kii ugu horeeyay oo in mudo ah kadib loo soo celiyo wadanka Maraykanka.

dhismahan cusub ee koronto ka dhalinta Nuclear-ka ayaa ah mid lamid ah kan ay dowlada Iiraan ku an dacoonayso in ay Nuclear-ka ay haysato ka samaynayso.