Advertisement

Maxaa Cusub

China oo albaabada isugu dhufatay qaar ka tirsan goobaha Burcad Internet-ka ee wadankaasi.

U dir saaxiib Daabaco Add Comment

Internet Pirates

Dowlada China ayaa maalmihii ugu dabeeyay gudaha wadankeeda waxaa ay albaabada isugu dhufunaysay iskuulada Burcada Inertnat-ka sida ay warbaahinta wadankaasi ay soo tabinaysay xili wadankaasi ay shirkada badan oo caalamka ah ay ka qaylinayaan kororka Burcada Internet-ka ee wadankeeda.

Saraakiishii howl galka fuliyay ayaa sheegay in ay qabteen sadex qof oo caan ah kuwaas oo aad ugu xeel dhaaraa Burcad nimada Computer-ka,waxaana ay sheegeen in ay ragaasi  ka tirsan yihiin barta Burcada Internaet-ka ee Black Hook.

Qabqabashada iyo xiritaanka Iskuulada Burcada Internet-ka ayaa imaanaysa xili ay shirkada Google oo kamid ah baraha ugu waaweyn dhinaca Internetka ay sheegtay in ay China isaga baxayso kadib markii la jabsaday qaybaha baartiaanka taariikhda ee bartaas.

Dowlada China gabi ahaan waa ay iska fogaysay in ay xiriir la leedahay Burcadnimada lagula dhaqaaqay Google,iyadoona uu ahaa xiriirka labada dhinac waayadii ugu dambeeyay mid sii xumaanay.

Shirakada Google oo laga leeyahay wadanka Maraykanka ayaa qayb weyn ka noqotay xiriirkii sii xumaanayay dhowaanahan ee u dhexeeyay Maraykanka iyo Chine oo isku khilaafay booqashadii Dalai lama ee Washington iyo hubkii ay dowlada Obama ka iibisay Taiwan oo ay China u aqoon santahay qayb ka tirsan wadankeeda.