Carlo Ancelotti iyo dhamaan ciyaartoyda kooxda Paris Saint-Germain ayaa isagu diyaariyay kulanka ay la leeyihiin Bordeaux iyagoo duubay heesta astaanta u ah kooxda.
‘Allez Paris Saint-Germain’ ayaa waxaa qoray kooxda fanka ee Les Parisiens waxaana la bilaabay xilli ciyaareedkii 1977-78.
Astaanta kooxda ayaa waxaa la shidaa ka hor ciyaar kasta oo ay PSG ku ciyaareyso garoonkeeda Parc des Princes, waxaana duubista cusub ee ay sameeyeen Ancelotti iyo kooxdiisa la shidi doonaa ka hor kulanka ay caawa la ciyaarayaan Bordeaux.
Muuqaalka heesta astaanka ka daawa qeybtaan hoose: