Sarmaanyo.com » Fikradaha

Hambalyo shabakadda ceegaagmedia oo ku soo biirtay shabakadaha wararka.
Dhamaan maamulka iyo shaqaalaha shabakadda sarmaanyo.com,waxay u hambalyeynayaan shabakadda ceegaagmedia.com oo ku soo biirtay shabakaddaha wararka ee khaatumo state of somalia.

GUUL IYO GOBANIMO GEESIYAASHA REER BUUHOODLE.
Mahad oo dhan Allah ayeey u sugnaatay-Tallaabo cadoownimo iyo

Howl-galka ku saleeysan aragti xun iyo caqliyad naceeyb,fidno

abuurid iyo duminta hanaanka nabadeed oo bulshada deriska wadaaga

ah u dhexeeyeey waana arrin jawaab cad oo ficil ahaan loo direey

u hadalkii Madaxweynaha Maamulka S/Land(Siilaanyo)oo sabtidii ku

dhawaaqay colaad iyo dagaal xaq darro ah oo lagu qaado beelaha SSC

iyo degaamadooda,waana jaha-weereerka iyo walaaca Maamulkaasu ka

qabo go’aamadda dhaxal galka ah iyo Maamulka looga dhawaaqay Shirka

Qarniga ee Khaatumo2 Taleex.

Soorogo

Tallaabadan duulanka ah iyo awooda adeegsiga ku saleeysan laguna

weeraray degaanka Buuhoodle(Cayn)ayaa cadeeyneeysa dagaal oogenimada

iyo colaad abuurida Maamulka S/Land oo u xuubsiibteey habkii Jabhadnimo

iyo sawiirkiisa xaqiiqada ee hab beeleedka(Qabyaalad ama Reernimo)waana

mid meesha ka saareeysa sheegashadii iyo nabadgelyo ku faanidii oo maanta

been noqotay maadaama weerarka iyo dagaalku dhinacooda ka yimi weliba sida

Siilaanyo warbaahinta ka Iclaamiyeey Sabtidii 14-01-2011,nasiib wanaag iyo

Allah Mahadii in weeraarkaas lagu guul-dareeystay bulshada reer Buuhoodle

sidii ku habooney oo shareecadu dhigeyso naftooda iyo degaankooda u difaaceen

iskana caabiyeen Meeshiyaadkii soo duuleey xaq darada iyo gardarada cad ku

socdeey waana jawaab cad oo eey siiyeen Hadalkii-Mudane-Siilaanyo iyo cashar

kale oo eey u dhigeen Meleeshiyaadka S/Land,kala fogaanshaha,dhaawac deris

wadaaga iyo is-dhexgalkii bulshada iyo wajiga colaad abuurida waa masuuliyada

S/Land.

Hadii ujeedada ka dameeysay weeraarkaas iyo colaad oogidaas tahay carqalad

gelinta go’aamadda dhaxal galka ah ee Shirka Khaatumo2 Taleex iyo aayo ka

tashiga midnimada buuxda ku saleeysan oo beel-weynta Daraawiishta SSC gaareen

waa aragti gaaban,waayo aragnimo xumo iyo been ku maaweelitii 20-ka sano ka

socoteey Hargeeysa waana jababkii hore ama guul daro cusub oo ku biireeysa kuwii

hore,waxaan filaayaa hadii caqligu talinaayo ama in yar oo garasho wanaag ahi ku

hadhsan tahay Maamulkaas iyo shacabkiisaba in eey runta u soo noqdaan beel xooga

iyo hanjabaad lagu muquunin karaa aaney jireen(waayuhuna markhaati ka yahay)kala

fogeeynta iyo colaad beeleed abuurida ayaa dhaawac weyn ku ah shakhsiyad Masuulinta

Maamulka S/Land,waxaa amaan,bogaadin iyo hambalyoba mudan hadal gobeedkii,xikmadii

iyo habkii af-tahan-nimo ee Proff-Cali Khaliif Galeydh ku bixiyeey wareeysigii VOA-ka

oo weliba su’aalaha habka weriye-nimada ka baxsaan loo dhigaayeey,laakiin Proff-Cali

hab qeexan ku tibaaxay kuna sheegay ujeedada khaatumo2 Taleex iyo go’aanka maamul ku

dhawaaqida oo ah lagama noqdaan(Proff-Cali Halyeey darwiishnimada ku banaan)Hambalyo

geesiyaasha reer buuhoodle.

-Guul Iyo Gobanimo).

-Qorre-Ustaad-Xassan C/Laahi Sh.Maxamed(Xassan Carab)-

-sharifhassan50@hotmail.co.uk

CAMBAAREEYNTA WEERARKA IYO DAGAALKA QABYAALADEED SNM-TU KU QAADAY BUUHOODLE.
War-saxaafadeed ka soo baxay Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Nabadda,Midnimadda

iyo Cadaaladda kuna saabsan Dagaalka iyo Colaada Maamulka S/Land ka Wadaan

Degaamadda G/Cayn gaar ahaan Degaamada Magaaladda Buuhoodle oo ah goob

ama degaan ka madax banaan Maamulkaas eeyna ku nool yihiin bulsho aad iyo aad

u fara badan rayidna ah-War Saxaafadeed Dhaq-dhaqaaqa waa sidan:-

-Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Wuxuu si weyn u Cambaaneeynaayaa Weerarka qaawan,

Colaada iyo Dagaalka Maamulka S/Land ku soo qaadeen Degaamadda Buuhoodle oo ah

Goob ama degaan aan hoos Imaan Maamulkooda waana tallaabo xad-gudub cad ah oo

ka turjumeeysa khudbadii Dagaal oognimo ee Siilaanyo shalay ka jeediyeey Golayaasha

Maamulkiisa.

-Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed waxeey halkan ku cadeeynaayaan in Masuuliyada Dagaalka

iyo colaad abuurida eey leeyihiin Maamulka S/Land gaar ahaan Hogaamiye-Siilaanyo,dhibka

Meesha ka dhaceyna dhusha laga saaraayo hadii eey noqon laheynd-Dhimasho,Dhaawac iyo

Khasaare Hantida Dadweynaha iyo cawaaqib xumadda ka dhalataba.

-Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed oo si weyn uga xun tallaabadaas cadoownimo iyo xiisadaas

colaadeed iyo dhibaato abuuridda eey wadaan Maamulka S/Land oo ku saleeysan qabyaalad

adeegsi,colaad beeleed iyo habka dhul balaarsiga awood adeegsiga ah sida gaarka ahna loola

beegsanaayo Degaamo iyo beelo hab nabadgelyo ah ku dhaqan dhulkooda,iyadoo hore loo

ogaa dagaalkii iyo colaadii Kalshaale oo isla ujeedadaas laheyd mar walbana hadafku yahay

Qorshe hab mideeysan eey u wada wadaan Hogaamiye-Siilaanyo oo aha ah Dagaal ooge

Siilaanyo iyo beelaha eey Isirka Wadaagan.

-Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed wuxuu si cad u qeexaayaa in Tallaabooyinka Maamulka Siilaanyo

ka wadaan degaamadda SSC(hadii eey noqon laheyd dhanka Hawdka,Nugaasha iyo Barigaba)

yihiin weeraro iyo colaad hab beeleed ku saleeysan iyo naceeyb Isireed waana xaqiiqada dhabta

ah ee Maamulkaas isku sheega S/Land,runtiina ah mid ku saleeysan aragti beeleed(qabyaalad)

waxaa tusaale cad u ah:-

-Colaadii iyo Dagaalkii:- Kalshaale.

-Colaadii iyo Dagaalkii:- Meygaagle.

-Colaadii iyo Xasuuqdii:- Ceerigaabo.

-Xasuuqadii iyo Falkii Cadoownimo:- Saa’maale.

-Xadgudubka iyo Taciyadda loo geeysta Dadka Asal ahaan ka soo Jeeda:- Ogaadeeniya.

-Xadgudubka iyo Tacaiyadda Joogtada ah loona geeysto:- Beelaha Gabooyaha Somaaliyeed.

-Colaadii,Xasuuqyada iyo Tacdiyada Joogtada ah:- Laascaanood(Dilka,Dhaawaca,Xoriyad ka qaadida,

Bendooga,af-duubka Dadka loo geeysto,Boodka Hantida,Xadgudubka Maleeshiyaad Beeleed SNM-ta,

Iyo Boqolaalka Muwaadiin oo Jeelasha ka buuxa.

-Colaadii iyo Dhibaatadda:- Widhwidhi.

-Tacadiyada ka dhaca:-Yagoori iyo kuwo kaleba waa tusaale hab dhaqameedka qabyaalada,naceeybka

iyo xadgudubka ku dhisan ee Maamulka Jabhadda SNM-ta ee Dagaalo Ooge-Siilaanyo.

-Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Nabadda,Midnimada iyo Cadaalada waxaa kale oo eey si cad halkan

Cambaareeyn uga soo jeedinaayaan hadalka ka soo yeeraay shakhsiyaadkan laf dhabarka u ah SNM-

ta kuna saleeysan xumaanta,naceeybka,af-lagaadada,bulsho kala fogeeynta iyo colaada abuuridda:-

-Suldaan-Maxamed C/Qaadir (Suldaanka Guud ee Beelaha Isaaq).

-Odey-Xaaji Cabdi Waraabe-Odey ugu Weyn Beelaha Isaaq,Xubin Golaha Guurtidda.

-Duur-Wasiir Ku sheega Arr.Gudaha Maamulka Siilaanyo.

-Feysal Cali Waraabe-Gudoomiyaha Xisbiga Beesha Ciidagale(Ucid).

-Mareegaha Been abuurka,fidnimo abuurida,Af-lagaado qoridda iyo Qabyaalad buun-buuninta Codka

Maamulka Jabhadda SNM-ta(HadhwanaagNews).

-Dhaq-dhaqaaqa Somaliyeed waxeey ku boorinaayaan guud ahaanba hey’adaha Xuquuqda bani-aadamka

Wadniga ah iyo kuwa heer goboleedka bariga afrika,kuwa heerka qaarada Afrika iyo kuwa Heer Caalamba

diiwaan gelinta xasuuqyada,tacadiyada iyo xadgudubyadda nidaamka qabyaaladeeysan S/Land iyo dhibka

wuu bulshooyinka rayidka ah u geeysanaayo gaar ahaan dadyoowga asal ahaan ka soo jeeda Degaamada:-

SSC-Land iyo Awdal-Land.

-Dhaq-dhaqaaa Somaaliyeed waxeey ugu baaqaayaan Ururadda Samafalka wadaniga ah kuwa heer geeska

afrika,qaaradda Afrika iyo kuwa Caalamkaba in eey gurmaad ama gargaar bani-aadaminimo oo dhanka:-

Caafimaadka,Daawooyinka iyo Taakuleeyn gargaarka caafimaad la gaaraan Magaaladda Buuhoodle iyo

Degaamadeeda oo Dagaalka eey ku soo qaadeen Siilaanyo iyo Beelaha wuu Hogaanka u yahay(SNM).

-Afhayeenka Guud-

-Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Nabadda,Midnimada iyo Cadaaladda.

-15/01/2012.

YAA XOR AH OO AAN LA GUMAYSAN.
Dadka Soomaaliyeed gaar ahaan iyo ummadaha Islaamka ah oo dhan guud ahaan waxaa qalbigooda si buuxd ugu duxay dhaqankii habka ay u fekeraan dadka aan islaamka ahayni. Waxaan arkaa dadka Soomaaliyeed oo u hadlaya, u dhaqmaya ama u fekereya sidii dad aan Alle aqoonin oo gaalo ah. Waxaan doonayaa in aan in yar oo ka mid ah waxyaabaha iga yaabshay in aan walaalaha u soo bandhigo.

Waxaa dadku garan la’ yahay in ay kala gartaan marka ay xorta madaxa bannaan yihiin iyo marka ay ku jiraan gumaysi ama addoonimo. Waxaan arkay ummad addoomo ah oo ku faanaysa xornimo. Waxaan arkay dad xornimada diiddan waayo waxay u arkaan in ay tahay wax xun oo aan la qaadan karin.

Marka waxaan dadka doonayaa in aan weydiiyo yaa xor ah? Haddii la diiddan yahay sida aan u arko xornimada waxaan doonayaa in la igala soo xiriiro omer.shalaqo@gmail.com ama miidiyaha la igu dhaliilo. Haddii aan asiibo jawaabta su’aashana waxaan doonayaa in qof waliba meesha uu joogu uu ka dhaqaaqo sidii loo xoroobi lahaa.

Qofku wax baa jira uusan ka xoroobi karin waxaa ka mid ah in uu yahay aadami iyo in uu yahay lab ama dheddig. Qofka kama xoroobi karo in uu wax cuno ama cabo. Qofku kama xoroobi karo hurdo, gaajo, daal iyo wax kasta oo uu abuur ahaan yahay. Waxaas oo dhan Ilaaha u gartay ee sidaas u abuurayna kama xoroobi karo laakiin in isaga xukunkiisa lagu hoos noolaado ayaabase ah xornimada dhabta ah.

In adiga oo aadami ah uu qof ama koox dad ahi ku xukumaan oo qiyaarka kaa qaadaan weeye gunnimadu. Soomaaliya waxaa dad ayaa dad xukuma kuna amar ku taagleeya, waxayna isu qabaan in ay xor yihiin. Waxaan lee yahay waxaa xor ah ruuxii ama ummaddii uu Alle xukumo ee uusan dad xukumin.

Haddii koox ama baarlamaan u dejiyo diin cusub ummadooda soo dooratay aanna ku xukumin shareecada Alle ummaddaasi meeshii ay ahayd in ay noqdaan addoomo Alle ayay raalli ku noqdeen in ay baarlamaanka, madaxtooyada iyo maxkamadooda ay u noqdaan addoomo.

Waxaa wax aad looga yaqyaqsooda ah in aan arkay dad xusaya halgankii SNM una arka in uu ahaa halgan xornimo doon ah. Waxaa is weyddiin leh yey SNM dadkooda ay ka xoreeyeen yeyse u addoonsheen. Waxay ka xoreeyeen xukunkii Siyaad Barre waxayna u addoonsheen Abdiraxmaan Tuur iyo kuwii ka dambeeyey ee madaxweynayaasha isu bixiyey iyaga oo fikirka ka soo minguursnaya gaalo. Qof ama koox xukunkeed ayay diideen koox kalena waa ay yeeleen waxayna lee yihiin labada kooxood midna gun ayaanu ahayn midna xor ayaanu nahay. Ma kan ila qabiilka ah ayaa xornimo ku ahay kan aan ila qabiilka ahaynna gumaysi? Maya runtu waxay tahay labaduba waa dad aadami ah xaqna uma laha in ay diin cusub inta ay dejiyaan ay addoomadii Alle iyagu ka dhigtaan addoomo Allena qaadaan. Waxaase la yaab leh in ay dadku ku raalli noqdeen addoon u noqoshada madaxda dadka ah laakiin ay diiddan yihiin in uu Alle madax u noqdo oo ay waaba yihiin oo kama xoroobi karaan ee ay isaga u noqdaan addoomo.

Waxaan la yaabay in askarigii qabiilka u laayey dadka islaamka uu nin aadami ahi dhaho waa mujaahid isaga oo aan haabka jihaadka diinta Islaamku dhigayso aan haynin. Waar ma hadalka qofka ayaa derejada mujaahid lagu gaadhaa waar maxaa dadka caamada ah loo luminayaa oo loo gelinaya dembi aan toobad lahayn si la isugu dayo inlayn lama hubee in la gaadho derejo iyo magac adduun.

Walaalayaal xornimadu ma aha midka uu Shariif Sh. Ahmed, Siilaanyo, Faroole, Caalin iyo kuwa kale madaxweynenimada beenta ah ugu adeegaya gaalada ay sheeganayaan, laakiin xornimadu waa addoon u noqoshada Alle, in aad qof ama koox dad ah u noqoto addoon waa gunnimo.

Soomaaliya iyo meel kale toona oo xornimo sheegan kartaa ma jirto markii laga reebo kuwa ku dhaqmaya shareecada Alle ee uu Alle xukumo mooyee.

Walaalayaal dadka ku dhaqma shareecada Alle Ilaah ayaa xukuma, waayo waxaa la fulinayaa amrkiisa waxaana la isku xukumayaa sharcigiisa. Ninka amiirka ahi kama awood badna Alle hortiis ninka loo yahay amiirka, balse wuxuu amiirku qabaa cabsi dheeraad ah in uu galo dembina waa uga dhow yahay kan uusna xilku saarnayn. Qofka dawladda Islaamka ugu derejada hooseeya ayaa maxkamad soo taagi kara amiirka dawladaas islaamka ah u sarreeya.

Waxaan ka xumahay una tacsiyeynayaa ciidamadii dawladdii Siyaad Barre, kuwii USC, SNM iyo SPM iyo kuwii kale ee tirada badnaa ee ka dambeeyey oo dhan oo dad islaam ah u laayey in ay gaadhaan dan adduunyo, laguna hoday in ay yihiin mujaahidiin.

Walaalayaal waxaan idiin sheegayaa in haddii lagugu soo duulo aad xaq u lee dahay in aad is daafacdo, taas macnaheedu ma aha in ruux muslim ah oo kugu soo duulay aad u qasdido in aad disho inta uusan adiga ku dilin. Difaaca ay diinta Islaamku ka hadlayso ma aha sidaas. Laakiin waa sidatan aan hoos idiinku sheegi doono ee iska jira in aan la idinku dhagrin la idinna gelin dembi aan toobad lahayn iyada oo qof aadami ah oo aan naftiisa iyo tiinnaba dan ka lahayni idinku shaqaysanayo.

Waxaa rasuulka ka sugnaatay in uu yidhi haddii labo muslim ay isu soo hub qaataan kan la dilo iyo kii wax dilayba cadaabta ayay geli doonaan. Waxaa rasuulka lagu dhahay kan wax dilay la garay ee midka la dilay muxuu galabsaday? Wuxuu rasuulku csw ku jawaabay wuxuu doonayey isaga laftiisu in uu dilo walaalkiis.

Waxaa kale oo rasuulka ka sugnaatay in uu dhahay camalku wuxuu ka tolmaa jiyada loo sameeyey. Ruuxii u hijrooday in uu helo xoolo iyo naag uma hijroon Alle dartiis sidaas darteed kama mid aha muhaajiriinta. Sidaas oo kale marba haddii aad niyada gashatay in aad disho ruux muslim ah oo ku soo doontay in uu ku dilo adigu waxaad ku dhacaysaa cadaabta. Marka waxaa muuqata in is difaaciddu tahay in aadan marna niyada gashan in aad disho ruuxaa muslimka ah laakii aad niyada ku haysato dhiigiisu waa kaa reebban yahay ee ha isku dilin laakiin si alla sidii kale ee aad isaga celin karto isaga celi.

Arrinkaas oo dadka si qaldan loogu sheegay ayaa keenay in dad muslimiin ahi ay dilaan dad muslim ah.

وَمَا كَانَ لِمُؤْمِنٍ أَنْ يَقْتُلَ مُؤْمِنًا إِلَّا خَطَأً وَمَنْ قَتَلَ مُؤْمِنًا خَطَأً فَتَحْرِيرُ رَقَبَةٍ مُؤْمِنَةٍ وَدِيَةٌ مُسَلَّمَةٌ إِلَى أَهْلِهِ إِلَّا أَنْ يَصَّدَّقُوا فَإِنْ كَانَ مِنْ قَوْمٍ عَدُوٍّ لَكُمْ وَهُوَ مُؤْمِنٌ فَتَحْرِيرُ رَقَبَةٍ مُؤْمِنَةٍ وَإِنْ كَانَ مِنْ قَوْمٍ بَيْنَكُمْ وَبَيْنَهُمْ مِيثَاقٌ فَدِيَةٌ مُسَلَّمَةٌ إِلَى أَهْلِهِ وَتَحْرِيرُ رَقَبَةٍ مُؤْمِنَةٍ فَمَنْ لَمْ يَجِدْ فَصِيَامُ شَهْرَيْنِ مُتَتَابِعَيْنِ تَوْبَةً مِنَ اللَّهِ وَكَانَ اللَّهُ عَلِيمًا حَكِيمًا(92)

Haddii aynu hoos u eegno aayaddan waxaa Alle csw noo sheegayaa in ruuxii isaga oo aan u rabin dila ruux muslim ah uu lee yahay waxyaabo uu samaynayo dembigiina laga dhaafayo. Sida aayadda ku cad waxaa ka mid ah in addoon mu’min ah xoreeyo uuna xigtadii qofka laga dilay uu siiyo diyo. Haddii uu yahay ruuxa la dilay qof mu’min ah oo ka mid ahaa qolo ay colaadi idinka dhexayso, waxaa la xoraynayaa addoon mu’min ah, haddii ka mid ahaa qolo heshiis idinka dhexeeyeyna waxaa la bixinayaa mag iyo addoona la xoreeyo, ruuxii aan awoodin in uu addoon xoreeyo wuxuu soomayaa laba bilood oo xiriira.

Markii uu Alle arrinkas sidaa noogu caddeeyey ayuu aayadda ku xigtana noogu sheegayaa:

وَمَنْ يَقْتُلْ مُؤْمِنًا مُتَعَمِّدًا فَجَزَاؤُهُ جَهَنَّمُ خَالِدًا فِيهَا وَغَضِبَ اللَّهُ عَلَيْهِ وَلَعَنَهُ وَأَعَدَّ لَهُ عَذَابًا عَظِيمًا(93)

in ruuxii ruux mu’min ah kas u dila uu abaalkiisu yahay cadaabta Jahannamo oo uu ku waarayo, Alle oo u cadhooda isla markaana nacdala ama naxariistiis/jannadiisa ka dayriya markaasna ugu talo galo cadaab xanuun badan oo keliya. Marka aayaddan waxaa ka muuqata in uusan ruuxaasi wax uu dembigii ku mago lahayn ee uu toos cadaabta u gelayo. In kasta oo culumo dhahdo qofkaasi toobad ayuu lee yahay haddana Ibna Cabbaas iyo culumo kale ayaa qaba in uusan qofkaasi toobad lahayn.

Marka kuwa u dabaal degaya xornimo aan jirin iyo gumaysi iyo aadami loo noqdo addoon dembiga intaas le’egna abaabulay ee galay ma in ay dabaal degaan baa mase waa in ay hooyaan inta ay ka dhimanayaan.

Anigu runtii ma aamusi karayo waayo waxaan maalin kasta arkaa dad Ilaah ka fog oo baadi ah oo haddana isu qaba in ay mujaahidiin yihiin.

Dembigaas waxaan saarayaa culumada Soomaaliyeed ee gobolada ay u dhasheen ee ay ka socoto gaalnimada intaas le’egi haddana aan waxba ka qabanayn ee haddana maxaadarooyinka adduunka la meeraysanaya. Kuwaas waxaan u arkaa in aanay Alle dartiis u socon ee ay u socdaan dhaqaale, magac iyo in meel kasta laga maamuuso magacooduna dheeraado.

Waxaan u sheegayaa culumada Soomaaliyeed barashada diinta iyo kor u qaadidda wacyiga diiniga ah ee ummadda waxaa ugu heer sarreeya markii lagu dabaqo ee dawlado ku sheegta lagu sanduleeyo in ay dhaqan geliyaan shareecada Alle.

WALAALAYAAL WAXAA XOR AH RUUXII AMA UMMADDII UU ALLE XUKUMO,

WAXAA GUN AH RUUXII AMA UMMADDII AY KOOX DAD AHI XUKUNTO.

DIINTU WAA DASTUURKA AY UMAMADI KU DHAQANTO SIDAAS DARTEED CID DIINTEEDU WAA DASTUURKA AY KU DHAQMAAN.

G/le Sare Omer Suleiman Ali            2/10/11

DHALIISHA CULUMADA SOOMAALIYEED
Soomaalida dhan u faw ma laha culumo iyo caamaba, hase yeeshee mas’uuliyadda waxaan tuurta u saarayaa culumada. Culumada diintu xil Alle saaray ayaa jira oo laga doonayo in ay gutaan. Xilkaas gudasha la’aantooda ayaa ku eedaynayaa. Sida la wada ogsoon yahay wuxuu Alle kitaabkiis sharafka badan noogu soo tebiyey in markii rasuul dhinto waxaa ambiayda laga doonayaa in ay dadka kitaabkii ku dhaqaan, haddii rasuul kale yimaaddana ay gacan siiyaan oo rumeeyaan. Xilkaas ambiyada Alle saaray ayaa culumada nebi Muxammad ka damabysayna saaran, sidaas ayuu rasuulku xadiiskiisii ugu sheegay in culumadiisu u dhigto ambiyadii reer Israa’iil.

Culumadii Soomaaliyeed xilkaas waa ay la kuftay waxaana ka tan badiyey gaaladii oo ay isu wada dhiibeen. Gumaysi gaalo ah ayay ogolaadeen in uu xukumo iyada oo Alle noo sheegay in aynaan madax iyo sokeeye ka dhigan gaalo. Diin ayay noo sameeyeen aan tii Alle ahayn markaas ayaynu ka yeelnay, waxaana arrinkaas mas’uuliyadeed dusha u ridan doonta culumada. Waxaan diinta uga jeedaa waa sharci ay gaaladu noo samaysay in aynu ku dhaqanno kitaabka Alle ka sokow, waayo sharciga aad ku dhaqanto ayaa ah diitaada. Xornimo ku sheegtii la qaatay 60kii diintii gumaysiga ayaa dadka lagu sii xukumay culumaduna ma aanay diidin kamana hadlin.

Maantana waxaa loollan dagaal ka dhexeeyaa gaalo doonaysa in ay diin noo sameeyaan iyo muslimiin doonaya in ay kitaabka ku dhaqmaan waxayna culumadu u eg yihiin in aanay miday noqotaba dan ka lahayn. Shabaabtu kama mid aha muslimiinta doonaysa in kitaabka la isku xukumo waayo falkoodu ma waafaqsana kitaabka dembiyada diinta sida adag uga reebban ayayna u galaan si degdeg ah oo aan cabsasho Alle ka muuqan. Kooxd TFG iyo maamul goboleedyada ka jira Soomaaliya ee ay gaaladu u dhisteen in ay kaga hor tagaan dastuurka Alle sheegtana dimoqaraadiyada culumada ka tirsani kama hadlaan kamana joojiyaan ugamana digaan haba yaraatee.

Telfishanadana way tuban yihiin oo intaas muxaadarooyin ayay waddanka galaa bixinayaan. Laakiin kama hadlaan waxyaabaha fitanka ah ee ka socda Soomaaliya si ay caamadu u gartaan waxa waajibka Alle ah ee ku aaddan fitanka. Maxaadarooyinku waxay ku saabsan yihiin guurka, sida haweenka loo furo, sida loo guursado, sida ay xaylka isaga hagaajiyaan, salaadda, waxa buriya, soonta sidoo kale iwm oo wax dhibaato iyo fitan ah oo ka jiraa jirin. Kama hadlaan diinta cusub ee umamdda loo samaynayo si looga hor tago in lagu dhaqmo kitaabka Alle iyo sunnada rasuulka.

Waxaan ka filayey in ay culumadu caamada wareersan ee kala garan la’ xaqii iyo baadilkii dawladda iyo muslimiinta (shabaabta kama hadlayo waayo waxaan u arka tagfiir) kee ayaa qumman. Ma la ogol yahay dawlad ku dhaqanta dastuur in la ayido mase waa lagu gaaloobayaa in lagu dhaqmo dastuur aan ahayn shareecad Islaamka.

Midda kale waxaan og nahay in dhibaatadii si wadar ah ama keli ah u dhacdaa ay tahay baraarujin nala baraarujinayo, sidaas darteedna loo baahan yahay in aynu isa saxno. Sidaas darteed abaaraha iyo dagaalada aan dhammaadka lahayn ee ummadda galay waa cadaab adduunyo loona baahan yahay in Alle loo laabto lana toobad keeno, waxaana la moodaa in aanay caamadu arrinkaas sidaas u garan culumaduna hoggaanka uma qaban oo dadka uma jahayn in cadaabka laga toobad keeno.

Waxaan la yaabaa culumadii oo dadkii ku boorinaysa in ay masaajid dhisaan iyo in ay dadka ku tabaaloobay abaaraha lacag loo ururiyo, dadkana arrinkaas aad ayay culumadu u geliyeen dadkiina maashaa Alla si wanaagsan ayay uga qayb qaataan. Laakiin culumadu ma garan miyaa in aanay lacag la ururiyey cadaabta naga saarayn ee loo baahan yahay in dadka loo jaheeyo in ay toobad keenaan. Waxaan hubaa intii ay juhdi geliyeen lacag ka ururin dadka haddii ay gelin lahaayeen in ay dadku u dareeraan toobad keenis ay mar hore ummadda oo dhammi wada toobad keeni lahayd cadaabkana Alle naga faydi lahaa. Culumadu miyaanay garanayn in si lacagta Alle noogu barakeeyo ay habboon tahay in la raaciyo toobad keenis.

Waxaa ila qumman in culumadu ugu baaqdo tuulo iyo deegaan kasta oo ruux kasta oo Soomaali ahi in ay dibed bax ka sameeyaan deeganadooda Allena heshiis kula galaan in ay isaga mooyee cid kale caabudayn shareecadiisana toos u fulinayaan si uu Alle cadaabka uga qaado, waayo isaga mooyee cid kale iyo lacag loogama qaadi karo. Sida aan cadaabka aakhiro la isugu furan karin lacag iyo hanti ayaa midka adduunkana la isugu furan karin in Alle loola laabto mooyee.

Marka culumadii waxay ku mashquuleen lacag iyo dahab ururin waxayna ka sii jeesteen in ay dadka xaqa ku hoggaamiyaan, fidnada socotana dadka u qeexaan jidkii ay uga bixi lahaayeen iyaga oo ku salaynaya go’aankooda kitaabka Alle iyo sunnada rasuulka.

GUNAANAD

Waxaan eedaynta aan u soo jeedinayo culumada iyo caamadaba aan ku soo gunaanadayaa saddexdan aayadood oo ka mid ah Al-Acraaf.

وَمَا أَرْسَلْنَا فِي قَرْيَةٍ مِنْ نَبِيٍّ إِلَّا أَخَذْنَا أَهْلَهَا بِالْبَأْسَاءِ وَالضَّرَّاءِ لَعَلَّهُمْ يَضَّرَّعُونَ(94)ثُمَّ بَدَّلْنَا مَكَانَ السَّيِّئَةِ الْحَسَنَةَ حَتَّى عَفَوْا وَقَالُوا قَدْ مَسَّ ءَابَاءَنَا الضَّرَّاءُ وَالسَّرَّاءُ فَأَخَذْنَاهُمْ بَغْتَةً وَهُمْ لَا يَشْعُرُونَ(95)وَلَوْ أَنَّ أَهْلَ الْقُرَى ءَامَنُوا وَاتَّقَوْا لَفَتَحْنَا عَلَيْهِمْ بَرَكَاتٍ مِنَ السَّمَاءِ وَالْأَرْضِ وَلَكِنْ كَذَّبُوا فَأَخَذْنَاهُمْ بِمَا كَانُوا يَكْسِبُونَ(96).

Wuxuu Alle dadka ku eegaa abaaro iyo cudurro si ay xumaanta u dhaafaan, markaas ayay is garan waayaan oo xumaantii sii wataan, markaas ayuu Alle xumaantii wanaag ugu beddelaa markaas ayay is dhigtaan oo dhahaan weligeed ayaa la arki jiray abuuro iyo cudurro wax gumaada markaas ayay is dhigtaan, annagu markaas ayaanu gacan ku dhignaa, hase yeeshee haddii ay is garan laayeen oo ay xumaaha dhaafi lahaayeen Allena u toobad keeni lahaayeen ka dibna qumi lahaayeen roob badanna waan u soo da’siin lahayn dhulkana baad iyo doog ayaa uga soo saari lahayn.

Marka si Alle noo siiyo roob aan lacag lagu keeni karin abaartana nooga saaro oo aan lacag looga bixi karin waa in si degdeg ah deegaan waliba toobad keenaan, bilaabaan in ay si buuxda u dhaqan geliyaan shareecada Alle, una dhistaan maamul Islaam ah.

G/le Sare Omer Suleiman Ali                               24/08/11

Maxaa iska Baddalay Teegeeradii ay u hayeen dadka Soomaalida ah Ururka AlQacida Shaley
dalmar1

Ka hor 9 sano markii ay dhaceen qaraxyadii lala beegsaday daaraha Maraykanka ee lagu tuhunsanyahay inay gaysteen Ururka Al Qaacida  waxaan goortaas joogay magaalada Bossaso ee xarunta gobolka Bari anoo ahaa arday dhigta Dugsiga sare halkaas oon u imid arrimo amni aniga & qayskayga, waxaana u’ ahaa xaaladda Soomaaliya ay ku sugnayd xilligaas mid xog ogaal  ah, haddaba qoraalkaygan kooban waxaan ku eegayaa taageerada ay dadka Soomaalidu u hayeen Ururka Alqaacida Shalay & Maanta.

Kaddib Qaraxyadii ka dhacay dalka Maraykanka Madaxweynihii xilligaas ee dalka Maraykanka President Bush wuxuu amar ku bixiyey in weerarro xooggan oo dhinaca cirka ah lagu qaado  dalka Afghaanistaan halkaas oo uu ku sugnaa Hoggaamiyaha Ururka Al Qaacida Usama Ben Laadin & xayn ka tirsanaa hoggaamiyayaashii Isla ururkaas, markii lagu qaaday weerarrada dadka ku nool Somalia waxay kala socon jireen sida ay u socdeen hawl gallada warbaahinta ku hadasha afka Carabiga ee Al Jazeera & tan ku hadasha Afka Ingiriiska ee CNN iyada oo ay ka dhagaysan jireen waxii aan aqoon luuqadaha qalaad Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da & dadka kale ee aan awoodin inay daalacdaan TV-yada ee ku nool meelaha fog fog.

Dadku waxay u ekaayeen kuwa si aad ah ula jidbaysnaa oo taageersanaa Ururka Alqaacida iyo hoggaamiyahooda, masaajidda waxaa goor walba looga ducayn jiray Salaad kasta inay ku guulaystaan dagaalkaas kooxihii Daalibaanka & Alqaacida dadka oo idilna waxay ahaayeen kuwo u caraysan Maraykanka & qofkii taageera.

Haddaba su’aasha aan durba aan is weydiiyey waxay ahayd markii aan maqlay geerida wadaadkii hoggaaminayey kooxda Alqaacida Usama, maxaa iska baddalay dadka Soomaalida taageeridii aad u joogtay berigii & maanta, waxaan dheehday Website yada ay leeyihiin dadka Soomaalida ah aniga oo sidoo kale la sheekaystay dhallin yaro & Odayaal Soomaali ah, waxaan sidoo kale aan quud darrayn face book oo ah halka ay waayadii ugu dambeeyey ay dadku si fool ka fool ah ay ugu dhiibanayeen araa’dooda & afkaartooda, waxaana ii soo baxday dadku inay kala duwanyihiin.

Waxaan arkay dad badan oo u caraysnaa hoggaamiyihii la wariyey in la dilay iyaga oo fikirradoodii aan ka dhadhansaday in Ururka Alqaacida ay ku leeyihiin farogelin toos ah dhibaatooyinka ka aloosan dalka Soomaaliya waxii ka dambeeyey sanadkii 2001 goortaas oo ay soo kala fiigeen xubno ka tirsanaa ururkaas iyada oo meelihii ay u qaxeen ay ka mid tahay dalka Somaliya, waxayna sheegeen dadku in waxa socda marka laga tago faro-gelintaas ay jirto in Diiniyan aysan ku bannaanayn in la taageero Ururkaas maaddaama ay gaysteen xasuuq dad bini Adam ah & inay horseedeen meelo nabadi ay ka jirto sida dalka Afghanistan & Ciraaq in xoogag shisheeye ah ay galeen iyada sababta mar marsiinyada ay ku galeen uu leeyahay ururkaasi.

Waxaan sidoo kale waajahay dad wali raacsan hoggaamiyahaasi geeriyooday sida la sheegey & Ururkiisa waxay ku gorfeeyeen aragtidooda in Shakhsiyan u ahaa nin Geesi ah oo ku hayey walwal waddamada reer Galbeedka oo iyaga u adeegsada Islam nacaybka  inay falaan hawl gallo lid ah iyaga oo ka fulinaya deegaamada ay degganyihiin dadka reer Falastiin.

Waxaan jeclaan lahaa inaan ku soo af meero warbixintayda inta ay le’egtahay taageerada loo hayo waqtiga haatana Ururka Alqaacida ee dadka Soomaalida ah u hayaan inaysan marnaba le ekayn tii loo hayey sanadkii 2001, waxaana ay aad u hoosaysaa maanta iyada oo la ogaaday fikir ahaan & ficil sida ay dadka ku andacoonayaan Ururkaas inuu ku sifoobay majaxaabin & halakayn iyada oo dhinaca kalena aan la inkiri Karin

Mohammed Ali “Dalmar”.

mohamedali11@gmail.com.

Haweeney xubinta taranka ka jartay nin ay u shaqeyneysay
Saw

Ciidamada Dubai ayaa sheegay maalinimadii isniinta in haweeney u dhalatay dalka Ethiopia oo u shaqeeneysay nin u dhashay dalkaasi Imaret-ka ay ka jartay xubinta taranka iyadoo u adeegsatay Mindi., durbadiina ninka waxaa loola cararay isbitaal si loola tacaalo dhibaatada ay u geestay haweeneydaas.

Arrintan oo ka dhacday magaalada dubai ayaa dhacday 9:00 am subaxnimo maalintii isniinta, policeka magaalada Dubai oo gaaray goobta uu ka dhacay falka ayaa ugu tagay haweneyda falka geesatay, police-ka oo qabtay gabadha ayaa u sheegtay in ninka uu isku dayay in uu u galmoodo xilli uu ka dlabaday in ay u daliigto, arrinkaas oo ay ka carootayna ay sababtay in ay midi ugu jarto xubintiisa taranka.

Inta badan dalalka Khaliijka carabta ayaa waxaa ka dhaca kii sas ku saabsan shaqaale wax yeelo u geestay dadka ay u shaqeynayeen oo iyagu ku andacooda in cadaadiska iyo ku xad gudbidda laga badiyay taasna ay sababtay in ay dhibateeyaan dadka ay u shaqeynayeen ee kafiilka amaba Mas’ulka ka ahaa.

Sidoo kale waxaa dhacda islamarkaana ah mid ugu badan in dadka loo shaqeeya ee shaqaalaha Mas’uulka ka ah ay tacadiyo kala duwan u geystaan shaqalaha u shaqeeya iyadoo dalal badan oo ka mid ah khaliij-ka ay ka dhacday haween u dhashay Asia sida Bangalesh iyo Flippin la jir dilay halka qaar kalana lagubay.

Inta badan haweenka ajaaniibta ah ee ka xamaasha wadamada Khaliijka ayaadambiyada ay geestaan waxaa u sabab ah dadka ay u sahqeynayaan gaar ahaan nimanka oo si xun ula dhaqma ama ka dalbada waxyaabo aanan wanaagsaneyn oo aanay xilligas haweenku diyaar u aheyn taasoo keenta in marka carada iyo dulqaadka uu ka bato ay ku kacaan falal dambi ah oo aanay ka fiirsan dhibka ugu imaanaya.

Xuseen Nuur Xaaji (Nasiib)

Huseinnur@hotmail.com

KALA MAQAN SOMAALIYEE​Y ISKU MAQAN SOMAALIYEE​Y
hassan_carab

Suugaanta Somaaliyeed ayaa weligeedba kaalinta hormuudka lahaan

jirtay dhanka gaarsiinta fariinta iyo wacyi-gelintaba marna lama illaawi

karaayo doorkeedii xiligi halganka xariyadda iyo madax banaanidda oo la

oran karaayo kaalinta koowaad eey kaga jirteey gaar ahaan dhinacyada

Gabeyga,Geeraarka iyo Buraanburka-ba waxaana la wada xasuustaa si

gaar ahna loo tixgeliyaa halyeeyadii abwaanadii wadaniga ahaa sidda:-

Halyeey-Sayid Maxamed,Halyeey-C/Laahi Suldaan(Tima-Cadde),Halyeey

Ismaaciil Mire,Halyeey-Cusmaan Yuusuf Keenadiid,Halyeey-Xaaji Aden

Af-Qalooc,Halyeey-Cabdi Iidaan,Halyeey Cali Mire Cawaalle,Halyeey Cali

Xirsi,Halyeey Qaasim Hilloowle iyo boqolaal dhigooda ahaaba(dhamaantood

Allah Naxariistii Jano Ha Siiyo-Aamiin).

http://www.youtube.com/watch?v=4yg5EfENLBU

Sida kalle suugaanta waxeey door ka ciyaart

ay hanuuniinta dadweynaha

xiliga dowladnimada iyo soo bandhiga waxyaabaha dhaliil mudan oo saxida

u baahan waxaana xusid mudan suugaantii qiimaha weyn laheyd ee abwaanada

waaweyn sida:-Xuseen Aw Faarx,Maxamed Cali Kaariye,Maxamuud C/Laahi

Sangub,Xassan X.C/Laahi(Xassan Ganay),Maxamuud Tukaale Cusmaan,Cabdi

Muxumud Amiin,Cali Sugulle,Ustaad-Saciid Saalax,Axmed Saleebaan Bide,Xassan

Sh.Muumiin,Cusmaan Askari,C/Qaadir Cali Cigaal(Cirro),Ismaaciil Xirsi Farxaan,

Meecaad Miigane,Dacar,Cali Diiriye(Cali Gaab),Aweeys Geedoow,Dr-Raafi,Max’d

Warsame(Hadraawi) iyo kuwo keleba,inkastoo burburka kadib suugaanta wadaniga

si weyn u gaabisay dhaliil weyna eey mudan yihiin abwaanadu hadana waxaa

jira shakhsiyaad curiyeed heeso xamaasadooda wadaniyadeed leh si cad u tilmaamay

dhibka jira,dayaca iyo xanuunka weyn oo dagaalada iyo colaadu leedahay inkastoo

intooda badan qabyaaladu ka awood badatay weliba qaarkood noqdeen abwaanadda

Qabyaaladda iyo colaad buun-buunta(Ma jacleeysan sheegida magacyadooda).

Hadaba qormadeeyda maanta ayaa ku saabsan heesta halkan ku lifaaqan oo ah erayadii

Abwaan-Maxamed Amiin Siigaalle iyo codkii fanaanada cod wanaagsan-Shasmo Shumeey

waana hees sida ku haboon u qeexeeysa una tilmaameeysa dhibaatadda dagaaladda iyo

burburka Dalka Hooyo,waa tusaaleeyn runta ku saleeysan,heestaas oo magacadeed yahay

(Kala Maqan Somaali,Isku Maqan Somaaliyeey)runtiina somaalida xiligan kala maqan iyo isku

maqan weeyo hadii gudaha joogaan ama debedaba waana arrin ayaan daradeeda weyn iyo

murugadeedaba leh,bal eeg dagaaladda joogtada ah,bel eeg muran iyo khilaafka joogtadda

ah,bel eeg kala qoqobnaanta iyo kala fogaanshaha,bel eeg heerka qabyaalada,naceeybka

iyo fidno abuuridu mareeysa,Waxaa amaan,bogaadiin iyo mahad-celinba mudan abwaanka

heestaas curiyey iyo fanaanadda codkeeda sida wacan ugu soo bandhigay iyo intii gacan

ka geeysatayba,Markaas kala maqan somaaliyeey goormaad isu imaan doontaan,dantiina

garan doontaan,Dalkeena dib u dhisan doonaa Dadkeena daryeeli doonaa,Su’aalo Jawaab

u baahan kala maqaneey.

Alloow Badbaadadaada-

-Qorre-Ustaad-Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab)-

-sharifhassan50@hotmail.co.uk.

FANKA IYO SUGAANTA SOMAALIYEED KAALINTOODII DAYACIN
Fanka iyo Sugaanta Somaaliyeed

Fanka iyo Sugaanta Somaaliyeed ayaa kaalinta hormoodka ka soo qaatay halgankii xoriyad doonka iyo la dagaalkii gumeeysiyadii kala

duwaana cadaan iyo madoowba lama illaawi karaayo doorkii weynaa ee wacyi-gelinta,hanuuninta iyo bulsho kicinta ahaa ee abwaanadii

iyo hal abuuradii sida qoraxda u muuqday codkooduna gaaray meel walba tusaale ahaan Halyeey:-C/Laahi Suldaan(Tima-Cade),Cusman

Keenadiid,Cali Mire Cawaale,Barkhad Cas,X.Aden Af-Qalooc,Cali Xusen, Ismaaciil Mire,Sayid Maxamed,Yuusuf X.Aden,Careeysi Ciise Kaarshe,

Cabdi Iidaan,Faarax Nuur iyo rag badan oo dhigooda ahaa garteyna xilkaweyn oo dalkooda iyo tusaaleeynta dadkooda ka saaran waana mid

eey si weyn uga guulo dhaliyeen taariikhdana ka galan bogag dahab ah hadii lagu qoray bugaag ama taalooyin loo sameeyeey iyo hadii eey

Illaaween Hogaamadii kala duwaan ee xukunka qabtay.Sugaanta Somaaliyeed kuma ekaan halgankii xoriyada balse halkii eey ka

sii wadeen gudashada masuuliyadooda oo aheeyn Tilmaan iyo tusaaleynta Dadweynaha iyo curinta maansooyin madadaalo iyo maaweelo oo qiimo weyn

lahaa ilaa hadana dhegeeysigooda si weyn loo xiiseeyo,iyo sugaantii gaarka u aheyd nidaamkii kacaanka dan guud iyo mid gaar ahaaneedba lahaa,lama soo

koobi karaayo magacyada abwaanada somaaliyeed oo xiligii dowladnimada si cajiib ah u shaac baxay sida Abwaan:-Xuseen Aw Faarax,Maxamuud C/Laah

Sangub,Xassan Ganay,Maxamed Cali Kaariye,Hadraawi,Tukaalle,Cabdi Mux’ud Amiin,Cali Sugulle,Saciid Saalax,Dacar,Axmed Saleeban Bide,C/Qaadir Cirro

,Cusmaan Askari,Ismaaciil Xirsi Farxaan,Shareeco,Indha-buur,C/Casiis Dakhare,Qarshe,Axmed Nuur,Mecaad Miigane,Ilka Case,Cabdi Cali Weyd,Aweys Gedoow

Maki X.Banaadir,Bare Macalin,C/Qays,Ibrahiim Cajii’ib,Cabdi Badeey,C/Dlle Raage, Cali Gaab,Iikar Leeb.Baanday,M.Cabdi Aar,Maxamuud Fidhiin,Sugaal C/Dule,Xasan

Qowdhan,Yuusuf Maradoon,Xasan Sh.Muumiin,Yuusuf Yare,Sahal Macalin ciise iyo Abwaanao badan oo dhigoodaa ahaaba,iyadoo fananaan waaweyn cod macaan iyo

hanaan faneed qiimo weyn ummadooda u soo bandhigi jireen magac iyo maqaam

sarena ku yeesheen.

Soomaali diidow

Hadaba ujeedada qormadan ayaa ah dhaliilida iyo dhaleeciinta doorka bahda Fanka iyo Sugaanta Somaaliyeed xiligan bur-burka iyo colaada,maqnaanshaha kaalintoodii

Wacyi gelineed,Tusaaleeyntii iyo ku dhiiri gelinta qaranimada,wada jirka iyo jiraanka Ummadeedba,ka digida colaada,dagaalada sokeeye,kala fogaanshaha bulsho,naceeybka iyo guud ahaan waxyaabaha dhibaatada ku ah dalka iyo dadkaba,abwaanadii magaca

weyn lahaa intooda nool,fanaaniintii caanka ah sida weyn dadweynuhu u qiimeeyn jiray sida weyn loogu dhega nuglaa guri walba codkooda ka baxaayeey,runtii si weyn ayaan u saluugeey bahdii fanka iyo suugaanta intooda badan waana arrin ayaan daradeeda leh iyo ka dayaca xilkoodii qarameed,inkastoo xoogaa hab shakhsiyadeed ah qaarkood soo

bandhigeen kuna mudan yihiin amaan iyo bogaadin weyn waana sida:-Ustaad-Axmed Naaji Sacad,Saado Cali Warsamme,Ciyaar Jeceyl iyo Kooxda qeylo dhaan,Maki X.banadir, Najax,Cabdi Tahliil,Hodan iyo Cabdi Diini,Fiska,Farxiya Kaba-yare,Ustaad-Bashiir C.Xuseen, Saalax Nuur Saalax,Gulleed,Sangub,Cabdi Mux’ud Amiin,Cali Sugule,Lafoole,Nakruuma,Canab iyo Qoomaal,Maryan Mursal iyo kuwo kaleba laakiin ma gaarsiisana heerkii looga fadhiyeey

ama kaalintii ku habooneeyd,waajibkii dalka iyo dadkaba ku lahaayeen,Fankii waan dhaliilay abwaano iyo fanaaniin dayacday doorkii iyo masuuliyadeed ciida hooyo idiinka saarneyd waana calaamad madoow oo wajiga idiinkaga qoran weliba intiina waaweyn sida:- Umad yahey Qabiilkiyo Qaranimadu

Xassan Aden Samater,Axmed Cali Cigaal,Maxamed Axmed Kuluc,Khadra Daahir,Zeynab Cige, Maandeeq,Baxsan,Cadar Kaahin,Daleys,C/Qaadir Jubba,Sahra Siyaad,Qalanjo,Feynuus,Shoolin Musfate Sh.Cilmi,Xassan Ganay,Yuusuf Yare,Bare Iidoow,C/Qaadir Cirro,Cali Gaab,Hibo Nuura,

Haldhaa,Daa’ud,Shimaali,Luul Jeylaani,Aamina Camaari,Khadiija Foodeey,Ahmed Saleeban Bide, Hadraawi,Dalxa,Cabdi Xassan Digge,Rooraaye,Salaad Derib,Hanuuniye,Khadiija Hiiraan,Dacar, Saalax Qaasim,Sabriye,Shamuuri,Aw Koombe,Shankaroon,Cabdi Baadil,Baanday,Faadumo Duur

Sahra Dawo iyo kuwo badan oo dhigooda ah kana mid ahaa bahda fanka iyo sugaanta kuna kala yaacsaan cirifyada aduunka abwaano iyo fanaaniinba,dhaliilo xumaan,gef,af-lagaado iyo wax u dhimida magacooda iyo maqaamkooda midna ma aha ee waa xaqiiqo sheegiid iyo tallo toosin ah

si cadna u qeexeeysa waajibaadka iyo doorka dalkooda iyo dadkooduba ku leeyihiin,eeyna haboon tahay garashadeeda iyo gudashadeeda maantana dayacu meel xun maraayo,xataa ka war qabida Fanaaniintii iyo abwaanadii dhigiina ahaa oo dalka gudihiisa jooga yaa dhaliili ka jirtaa.

Qoree-Ustaad-Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab)-

-sharifhassan50@hotmail.co.uk

Murugada Maxaa lagu Daweeyaa Qalinkii Mohamed Ahmed Ilkacase
Mohamed Ahmed Mohamed (Ilkacase

Nairobi Haddaad u kuur gasho nolosha Bulshada Soomaaliyeed ee maanta, waxaad mooddaa in Murugada, Wel-welka, Tiiraanyada iyo fekarku noqdeen qayb nolkoshooda ka mid ah, mid yar iyo mid wayn, mid dal jooga iyo mid dibed jooga, mid Taajira iyo mid sabool ahba.

Qof walba arintiisu waa u gaar laakiin wel welka iyo Tiiraanyada waa ka simanyihiin oo inta ka bed baaday waa faro ku tiris.

Sababtu waa qof iyo xaaladdi, Mid naafo iyo hawl gabnimo la yaal, Mid xooluhuu sanado aruurinayay mar qura laga xayuubiyay, mid gaajo iyo baahi lagu ibtileeyay, mid warasaduu ku tiir iyo tacab beelay sabab la’aan dhagta dhiiga loogu daray, midbaa u fiirsada daaduunka iyo dac darada Soomaali ku haysta dhulalka shisheeye, Dhulkii buu gadaal usoo day moodaa mise wax’aan dux lahayn ayaa laysku xasuuqayaa, midbaaba dhulkii lacagta lagu sheegay cagaha dhigi la’ oo laynkuu galaaba ka qarxaa, dabadeedna inuu is dilo khatar ugu jira.

Sababahaas iyo kuwa kaloo badan waxay keeneen in Tiiraanyada iyo isla hadalku qayb ka noqdaan nolol maal-meedka qof kasta oo Soomaali ah, ilaa qaar is dila ama waasha iyo kuwo dayro noqday intuba tiro beeleen.

Haddaba haddaan intaas isku raacno waxaan halkaan kusoo bandhigayaa 10 qodob oo aan is leeyahay qofkii u fiirsada ama talooyinkaa ku dhaqma noloshiisa waxbay ka badalaysaa, intaananse tobanka Arimood soo badhigin waxaan door bidayaa inaan akhristaha xasuusiyo in arintaan laga qoray kitaabo aad u fara badan, oo miduba aragtidiisa falsafad ku dhisayo, aniguse aragtida ama talooyinka halkaan aan kusoo gudbin doono, waxay ku dhisan yihiin Shareecada Islaamka, Qur’aanka iyo Sunada, intooda badanse waxaan kasoo xulay Kitaabo rag kala duwan oo muslimiin ahi arintaas ka qoreen waxaanse aad ugu bogay kitaab lagu sheegay inuu ka mid yahay kitaabada loogu gadashada badan yahay waqtiyadaan Danbe Dunida Islaamka, Kitaabkaas oo uu Qoray Sh. Caa’id Bin Cabdalla Al-qarni, oo kusoo baxay afka carabiga loona tarjumay luuqado ay ka mid yihiin tan Ingiriiska, magaca kitaabkuna waa “LAA TAXZAN” ama DON’T BE SAD”.

Haddaba aan wada aragno dawooyinka Murugada:

1. ILAAHAY KA MAGAN GAL, welwelka iyo tiiraan yada, Waayo?, waa bur burka nafta banii aadamka, waa cudur halis ah, daal iyo quus ayuu nafta dhaxalsiiyaa, Shalaytada iyo haaraanka ayuu dabeecad kaaga dhigayaa, waa Shaqada shaydaanka inuu Muslimiinta welwel geliyo, waxaa nabigii SCW ka sugan inuu ilaahay ka magan gali jiray HAMIGA IYO XUZNIGA, oo maxay kala yihiin?.

Haduu qofku ka welwelo dhib uu mustaqbalka ka baqayo waa HAMI, wax lasoo dhaafay haduu ka tiiraan yoonayana waa XUZNI.

Labadaba ilaahay ka magan gal qalbiga qofkay dilaan, talada iyo go’aankana ka qaadaane.

2. MAXAAD KA WEL WELAYSAA?, ugu horanba is waydii su’aashaas, waxa aad ka wel welayso waa noocee?.

Hadday cibaado yaridaada iyo maxaad rabi u caasiday tahay, waa Gar, laakiin Towbad keen iyo allood u noqotaa lagu daweeyaa, walbahaar kaligiis ahi xal noqon maayo. Hadday Dhibka Muslimiinta haysta kuwa la gumaadayo iyo kuwa ayagu is warjeefaya ku salaysan tahayna waa gar, Laakiin xalkeedu waa inaad wel welka iyo Isla hadalka fal wax qabad leh u badashid oo wixii awooddaada ah ku taageertid Ducada iyo alla barigana aad Heegan la ahaatid.

Hadduu welwel kaagu ku salaysan yahay hawlo adduun iyo hanti xoolaad waa gar darro, waayo?. ayadoo dhanbaa Imtixaan ka samaysan, haddii laguu daro iyo hadii lagaa darbeeyaba Su’aalbaa daba taal, Nabiyadii rabi soo diray oo dhan ayaa lagu dhibay, qaar la dilay, qaar dalkoodii laga tarxiilay iyo kuwo dab lagu ridayba waa lahaayeen.

Maxaad adduunyo ka wel weshaa adoo qaawan baad timid adoo qayd kaliya wataadna ka tagaysaa, Fekerkaaga meel ku xir, oo Maalinta Qiyaame maxaad alle la hor tagaysaa ku koob.

Nebi Muxamed SCW wuxuu yiri “haddii adduunyo alla agti garab Kaneeco Qiimihi ku leedahay, Gaal koob biyo ah kama waraabiyeen”, marka ma garbaa inaad la walbahaarto oo har iyo hoyba u seegtid.

3. SABIR IYO DULQAAD: hadii dhibaato adduunyo kugu habsato noocay doonto ha’ahaato intay doontana ha le’ekaatee; samir iyo dulqaad ha illoobin, waa qayb cibaadada ka mid ah, Allana wuxuu la jiraa kuwa samra, abaalkooda iyo ajarkooda xisaab la’aan ayaa faraha looga saaraa, dhib kasta allaa faydi kara, Cudur kastana dawo ayuu leeyahay, waxaan geeri iyo gabow ka ahayn, Dhibaato adduunyoo kastana waatii faydanta, mar kastoo mugdigu batana iftiinka ayaa soo dhawaada, ee marnaba ha sugi waayin, xaga rabbina wanaag ka filo. Imaamu Shaafici Ayaa Yiri ?? ???? ?????? ??????? ??? ?????? ?????? ???? oo Micnaheedu yahay ha war warin Dhacdooyinka Waayaha waayo maba sii waarayaan

4. TIIRKA ALLE QABSO: waa tiir aad u adag, oo aan dumayn dabcaynna, waa tiirka kaliya ee laysku hubo, waa albaabka aadan ku hungoobayn lagaana horayn, Markaad tiirarka kaloo dhan ka quusatid, irdaha kaloo dhan lagaa ooto, magaca alle ha illoobin, dhibkasta asagaa fayda qof kastoo kurbaysanna u gar gaara, Nebi Ibraahim Caleyhi salaam ayaa dab lagu riday oo ku dhawaaqay “ Xasbuna laahu wa nicmal wakiil”, Qabaw aan qar qaryo lahayn ayaa alla uga dhigay, Culays kastoo ku saaran alle ka bari inuu kaa dajiyo, waxaadna ogaataa noolaha oo dhani wax aan alla kaaga soo qaadin inayan kusiin Karin, haddaan Rabbi kugu sababinna ayan wax dhib ah kuu gaysan Karin. Habaynka Qaybtiisa danbe ha moogaan, waxaad cuntaana xalaal ha noqdaan niyad samina alle ku bari insha allaah dhibkuna waa tagayaa kurbaduna waa ku daynaysaa.

5. RUMAYNTA QADARKA: Tiirarka Iimaanku ku dhisan yahay waxaa ka mid ah Rumaynta Qadarka, dhib iyo dheef wixii kugu dhaca inaad ogaato in alla kuu qoray adigoon dunida Imaan, marka waxa laysku dhaafay waa dulqaadka iyo iimaanka, Nebigu SCW wuxuu yiri “ waxaa yaab leh qofka Muslimka arimihiisa, wax kastoo qabsadaa waa u khayr, qof aan muslin ahayna arrintaas ma helo, Haduu wanaag helo Alluu mahdiyaa markaas ayuu khayr u noqdaa, haddu dhib qabsadana wuu Sabraa(dulqaataa) markaasaa Sabirkaasi khayr u noqdaa”., Sidaas ayuuna Suubanuhu ku barbaariyay Saxaabada, C/laahi Bin Cabaas ayaa nebigu SCW ku yiri “..ogow hadii dadkoo idili ku heshiiyaan inay dhib kuu gaystaan inayan kuu gaysan Karin waxaan alla kuu qorin, haddiise ay ku heshiiyaan inay wanaag kuu qabtaan inayan kuu qaban Karin wax aan alla kuu qorin”, Aayadda 30aad ee suuradda Al-shuuraana waatii macnaheedu ahaa “Wixii idinku dhaca oo musiibo ah (dhib ah) waa waxay kasbadeen gacmihiinnu, wuxuuna idinka cafiyaa (Eebe) wax badan”.

Haddaba ogow Inay Iimaanka ka mid tahay Rumaynta Qadarka iyo u hogaansamidda xukunka Alle.

6. QUUSASHADA: Waligaa haka quusan hana ka samrin in kurbada alla kaa faydo, albaabada khayrka ee furmi doonana ha sugi waayin hana daahsan, qofkii Alle Cabsidiisa iyo cibaadadiisa garab ka dhigta wax walboo culus wuu u fududeeyaa, dib u milicso maalmihii kusoo maray meeqaa albaab oo dhani isa soo xireen?,horay iyo gadaalba dhan aad u tallaabto meeqaad garan wayday?, meeqaad is tiri Maanta Ciirsi ma jiro?,meeqaa dunidii kula madoobaatay, Dhulkiina kula yaraaday?, hadana Rabi kaa samata bixiyay wixii oo dhani ku dhaafeen adoo bad qaba, bal Akhri Dagaalkii KHANDAQ wixii muslimiinta qabsaday, kolkii afarta dhinacba cadawgu ka degay ee muslinna adkaystay Munaafaqna Tawaawacay, qura’aanku aad ayuu dagaalkaas u faah faah faahiyay ayaaduhuu kaga hadlayna waxaa macnahooda ka mid ahaa “ xusuuta markay idinkaga yimaadeen kor iyo hoosba, indhuhuna iisheen Quluubtuna dhuunta gaadhay, Eebana aad u malayseen malooyin”, Malooyinkaas oo Culimadu ku fasireen in Muslimiintunu Guul iyo Gargaar malaysteen Munaafiqiintuna Jab iyo naasabeel, iyo in Muslimiinta la dabar goyn doono maleeyeen. Haddaba dhib oo dhan Allaa Faydee magiciisa Cusko.

7. MAANTA KU XISAABTAN: waxyaabaha dadka welbahaarka ku abuura waxaa ka mid ah, noloshiisa Mustaqbalku waxa ay noqon doonto, halka uu degi doono iyo sida uu dunida uga shaqaysan doono, taasna waxaa looga gudbi karaa in la ogaado Mustaqbalka dhabta ah ee qof walba leeyahay inuu u diyaar garoobana uu u baahanyahay inuu yahay kan Aakhiro iyo Xisaabteeda, raaskiisii janada inuu ka diyaarsadana inay lagama maar maan u tahay, aduunyadase inagoo dhani socotaan ka nahay qof walbana waxaa la gudboon inuu sahaydiisii uu Mustaqbalka u baxsan lahaa ka qaato, Nolosheedana uu kaga ekaado intii alla ka siiyo, asagoo ku xisaabtamaya dhibkeeda iyo dheefteeduba inay Imtixaan tahay.

8. SALAADDA IYO WARDIGA: Hadday xaaladdu kugu adkaato, cabsi soo dhabar madow aad dareentid, welwel iyo welbahaar isku kaa duubaan, Salaadda u carar, siduu alla na faray “Kaalmaysta sabirka iyo salaadda”, akhrinta Qur’aanka, wardiga, iyo baryada allaba waxay ka mid yihiin waxyaabaha qofka dhibaatooyinka aduunyada hilmaansiiya, Allihii abuurayna ku xira, garansiiyana qiimaha aduunyada, taasoo ka dhigaysa ruuxa mid himiladiisa ka dhiga siduu Jannatul firdowsa ku geli laa, Nebigu wuxuu yiri SCW “ Qofka alle xusa iyo kan aan xusin waxay kala yihiin qof nool iyo mid dhintay oo kale”..

9. GALLADAHA ILAAHAY: aad ugu fiirso Galladha ilaahay kuu galay, adoo huba inaadan koobi karin sida qur’aanku u sheegay, waa tuu Darwiishkiina lahaa (Galladaha Ilaahay ka badan Geedahaas baxaye..), alla wuxuu Quraanka ku sheegay inuu nicmooyinkiisa nagu deday kuwa muuqda iyo kuwa qarsoonba, Nimcooyinkaas iyo Galadahaas waxaa ugu wayn inuu alle Muslim kaa dhigay, inta dad Dhagax Caabudayaan inuu kugu daray kuwa Allaha wayn ee waaxidkaa Caabudaya, Janadii Rajaynaya Cadaabkana ka baqaya, Hadaad xubnahaagii mid wayday meeqaa kuu fiyow ?, haddii aad Caruurtii mid waydayse imisaa kuu hartay?,Haddaba waxa yaroo aad wayday intaad la taahayso lana tawaawacayso maad intuu Rabbi ku siiyay ku mahdisid.

10. KOLKAAD DHIBKA KA BAXDID: Waxaa Caadooyinka Aadanaha ka mid ah markii dhibku ku bato ama arrini ka Gurracato inuu Baroor, Qaylo iyo Calaacal isku daro, Alla bari iyo Tawbab keen muujiyo, Dhaqan akhyaareed isku yeelo, Markiise Alle Il u bixiyo oo dhibkaasi dhinac u dhaafo, wixii oo dhan hilmaamo, allana awooddiisa iyo xukunkiisa uu ka dafiro.

Wuxuu Rabbi Qur’aanka noogu sheegay Qaybo ka mid ah dhaqamadii Gaalada oo ay ka mid tahay inay markay Doomaha iyo Maraakiibta saaran yihiin, alle kaliya baryaan, markayse soo badbaadaan oo Barriga yimaadaan ayay Sanamyada iyo Dhagxaanta Alle la caabudi jireen, Dhaqankaas aadka u foosha xun iska ilaali.

FG   hamaan Qodobadan waa kuwo la tijaabiyay laguna guulaystay.

Qalinkii : Walaalkiin Mohamed Ahmed Mohamed (Ilkacase)

Ilkacase2010@hotmail.com