Advertisement

Fikradaha

Guuxa Warbaahinta ee Khilaafka VOA Somali Muxuu Salka ku Hayaa?

U dir saaxiib Daabaco Add Comment
---

---

Alle ayaa Mahad leh oo ii suurto geliyey in aan wax ka iraahdo Arimo Mudooyinkii ugu dambeyay ka tagnaa Laanta Af Soomaaliga ee VOA gaar ahaan Xafiiska ay ku leedahay Washington, taasi oo la xiriirtay warbixino ay shaaciyeen Warbaahinta Soomaalida qaar ka mid ah.

Waxaa soo shaac baxay Maalmihii ugu dambeyay Websiteyo Soomaali leedahay oo qaar ka mid ah gabdhihii Magac ku lahaa Warbaahinta VOA, Aflagaado iyo hadal xumo weyn u geystay, kuwaas oo qaarkood ay dhacday in ay xataa ku sheegaan waxyaabo aysan diinta Islaamka ogoleen.

Runtii sida aad qaar badan oo idinka mid ah mudooyinkii ugu dambeyay la socteen VOA wax ay aheyd, mid ka mid ah Warbaahinta Caalamka ee Af Soomaaliga ku hadsha taas oo in badan heshay Kalsoonida Shacabka Soomaaliyeed, hasse yeeshe hadda u muuqtay in ay uu xaalkii xumaaday.

Aqoon wanaagsan uma lihi Farxiyo iyo raga kale toona, laakiin wax igu kalifay ayaa ah in aan arkay in uu xaalku yahay mid aan laga aamusi Karin oo xataa ay arintu soo dhaaftay Mareykan oo looga hadlayo Xaafadda aan deganahay ee Islii.

Waxaa shaqooyinkii VOA isaga tagay rag iyo dumar badan oo intooda badan sheegay in ay uga tageen, arimo la xiriira Qabiil naceyb ay ku eedeyeen Maamulka VOA, gaar ahaan C/raxman Yabarow oo isaga asal ahaan ka soo jeeda degaanka Hobyo.

Halkan ka akhriso Warbixin C/raxman Yabarow ka  qoray Farxiyo Maxamed Cabsiye oo la xiriirta ka tegidaankeeda VOA isaga oo sheeganaya magac dumar waxyaabaha asalka u ah, sida aan maqlay Farxiyo wax ay asal ahaan ka soo jeeda Degaanadda Puntland, waxaana Booskii ay ka joogtay VOA lagu Bedelay Falastiin Axmed oo ka mid aheyd howl wadeenadii Horn Afrik.

Laakiin maxay tahay sababta ay Voa uga tagtay Farxiyo Maxamed Cabsiye Halkan ka Akhriso soo kuma soo bixi karto in Warbaahinta qaar ay yihiin yaan reer hebel laga badin shaqadda iyadda oo qaar kalena dalal Afrika ah laga keenayo.

Arintaasi ma aheyn mid la yaab ku noqtay Shaqaalaha VOA iyo guud ahaan inta la socda Barnaamijyadda ka baxa ee waxaa horey u jirtay in loo Qorsheyay Booskii uu joogay Wariyaha Caanka ah C/salaam Salwe in la keeni doono C/qaadir Nuunow oo ka mid ahaa dadkii Bosaso qaxtootiga ku ahaa kaas oo asal ahaan ka soo jeeda Goboladda Bay iyo Bakool.

Nuunow wax meesha loo geyay ma aheyn Aqoon iyo karti uu leeyahay ee wax ay aheyd sida aanu warar xog ogaal ah ku hayno arimo la xiriira, Xumeynta rag dhowr ah oo u dhashay Degaanadda Puntland, iyadda oo loogu dan lahaa in Nuunow oo aan xataa aqoon diyaar iyo tifaftir aqoon la geeyo.

“Aqoonta aan u leeyahay Nuunow, Sanadkii 2000 ayaa wax uu ka mid ahaa dhalinyaro badan oo ka shaqeysa Mehrad Cunadda lagu cunno oo ku taal magaaladda Bosaso, halkaas oo markii dambe uu ugu soo bedeshay Biibito uu leeyahay Siyaasiga caanka ah Cali Cabdi Awaare isaga oo markii dambena Shaahle ka ahaa, ayaa waxaa dhacday in uu Farsamo yaqaan looga qoro SBC Bosaso”

Mudo ka dib waxaan maqlay Nuunow oo Xiriirinta ku jira, Dunidda maalinba heer ayeey joogtaa ugu dambeyntiina mudo dheer ayuu si Lacag La’aan ah ugu shaqeyn jiray VOA isaga oo C/raxman Yabarow u sheegay in uu yahay dadka tiro badan yahay ee Puntland jooga.

Arintu sida ay doonto ha ahaato, haatan waxaa jira in Buuqa iyo Khilaafka ka jira Gudaha VOA uu yahay mid meeshii ugu sareysay gaaray, taasi oo haatana noqotay Meel hoy iyo xarun u noqtay Dadka siyaasad ahaan neceb Jiritaanka Puntland, kuwaas oo faafiya wararka ka soo horjeeda Puntland.

VOA iyo BBC

Soomaalidu wax ay tiraahdaa “Hal booli ah Nirig Xalaal ah ma dhasho” taasi waxaan ula jeedaa horey waxaa loo oran jiray Yusuf Garaad waa mid neceb dhalinta Saxaafadda ee Puntland, waxaaba ka sii xumaaday C/raxman Yabarow oo isaga horey BBC wariye uga ahaa Washington.

Waxaan kula talin lahaa dhalinta Websiyadda qorta ee ka shaqeysta xumanta in gabdhaha wax laga sheego in ay joojiyaan iyagga oo dhowrya sharafta iyo sumcad ay gabari ku leedahay Bulshadeeda, Imisa gabdhood ayaa jira oo degaanka aad ka soo jeedaan oo warbaahinta ku jira soo suurto gal ma ah in ay arinti gaarto meel aan xal laheyn.

Waxaan talo ahaan soo jeedinayaa in aad isaga baxdaan arimaha aad ku jiraan, iskuna daydaan in aad ka shaqeysaan horumarka iyo kor u qaadida gaaraadka dumarka Warbaahinta ku jira.

VOA iyo Puntland

Inkastoo howlihii shaqo ee VOA Gobolka Bari ay hakad galeen ka dib tagitaankii Nuunow, waxaa Bosaso ka bilowday in ay wariyeyaal badan saf u galaan tartanka loo geliyo in ay helaan Booskii Baanaanaa.

Laakiin waxaa arintii oo dhan Afka ciida u daray, Wasiir ku xigeenka warfaafinta C/shakuur Mire Cobol oo wariyeyaashii oo dhan u diiday in ay gudbiyaan codsigoodii, isaga oona wadda qorshe uu ku doonayo in uu meeshe ku keeno qof ay ehelo hoose yihiin.

Warar Xog ogaal ah ayaa sheegaya , in VOA Gobolka Bari loo wado gabar ay xidid yihiin C/shakuur Mire oo uu qobo Agaasime ka tirsan Maamulka Farole, taasi oo aan aqoon wanaagsan u leheyn warbaahinta Laakiin mar ka shaqeyn jirtay Idaacad ku hadli jirtay Afka Maamulkii C/laahi Yusuf xilligii Puntland uu Madaxweynaha xooga ku qabsaday 2001.

Xilligaas oo aan Bosaso ku sugnaa waxaan, la yaabi jiray wax ay Idaacadda sheegi jirtay, iyadoo markii dambe dhaqaale xumo darteed qalabkeedii loo iibiyey.

Dhalinta Maantay iyo VOA

Dhallinyaradu waa kuwa keliya ee leh mustaqbal wanaagsan, waxaa looga baahan yahay in ay mar walba kartidooda iyo aqoontooda ku kalsoonaadaan, isla markaana ay ogaadaan in Soomaaliya wax maantay meesha dhigay ay tahay Qabiil iyo Reer Hebel.

Maantay wax looga gudbi karaana ay tahay, iyadda oo laga hor tago qorshe walba oo ay wadaan dadka danta gaarka ah ka leh warbaahinta, kuwaas oo qaarkood sheegtay in ay yihiin Masuulyiin.

Jirtaanka Maamulka iyo ilaalinta Anshaxa saxaafadda waa mid loo baahan yahay in uu wariye walba ilaaliyo si taxadar badan.

Alla Mahad Leh

Nasrudiin Haji Ahmed
Nairobi, Kenya

radioqardho@hotmail.com