Advertisement

Fikradaha

Hoodaddada Faroole iyo Hungada SSC

U dir saaxiib Daabaco Add Comment
Sarmaanyo.com

Sarmaanyo.com

Kagadaal burburkii Dawladdii dhexe waxay soomaaaliya ukala baxday reero aan is aamminsanayn oo qolo waliba degaankii ay asal ahaan kasoo jeedday salka dhigatay si ay ugu ammaan hesho. Isla markiiba waxaa caddaatay in Jabhaddii SNM ay ku dhawaaqeen inay ka xoroobeen Soomaaliya Jabhaddaasoo qabiil ku dhisnayd aakhiritaankiina ku dhawaaqday maamul qabiil oo ay sheegeen inay ka dhaxleen Saancaddihii Ingiriiska.

Waxa xusid mudan reerihii ay wada degannaayeen waqooyiga Soomaaliya sida Harti Dhulbahnte iyo Warsangeli inay diideen oo aanay Soomaali ka goayn reerka la yidhaahdo Gudobiirsay waxay markiiba ku muqiiniyeen xoog dadkiina si jujuub ayay ugu khasbeen inay goonnigoosatada kaga midnoqdaan.

Muddo sideed sanadood ah kaddib waxa dhidibada loo taagay Maamul lamagac baxay Puntland oo ujeeddadiisu ahayd inta laga helayo Soomaali dawladnimo udiyaara inay reeraha ku bahoobay yeeshaan nidaam iyo kala danbayn. Run ahaantii maamulkaasi waa hirgalay inkastoo saluug iyo habacsanaan maamulxumo iyo caddalad xumo dadbadani ka tirsanayeen markase loo eego Soomaaalida Koonfur ka xigta wuxuu ku guulaystay inuu keeno wax lagu sifayn karo itaalka maamul iyo amni inuu ka abuuro gobollada ku bahoobay magaca Puntland.

Haddaan usoo dego dulucda qoraalkaygan waxa maamulka Puntland waajibaaadkiisa ka mid ahayd inuu difaaco ilaaliyona xilna kasaaranyahay dhammaan xuduudaha gobollada ku bahoobay ka mid ahaanshaha Puntland. Hase yeeshee waxa dhacday in Maamulka goonnigoosatada soomaalidiidku Somaliland ay qabsadeen xaruntii Gobolka Sool ee Laascaanood muddo hadda laga joogo laba sannadood iyo dheeraaad lagana sugayey Maamulka Puntland inuu dib usoo celiyo

Degaanada Laascaanood ee Goonnigoosatadu qabsatay iyagoo aan ku qabsan hab qabiil sida Habarjecloo Dhulbahante qabsataye ay ku qabsadeen Magaca Somaliland oo ka qabsaday Maamulka Puntland. Waxa xusid mudan Sanadguuradii Faroole in Garaad Abshir Saalax si cad ugu sheegay Faroole in dhulka maqan lagu qabsaday Magac Maamul sidaa

Daraaddeed maamulka looga fadhiyo inuu dib usoo celiyo degaanada SSC ee maqan. Waxa iga yaabiyey Jawaabtii Faroole oo aad mooddid inuusan ogaynba inuu Madaxweyne uyahay degaannada Puntland oo dhan isagoo ujawaabay sidii oday

Ciise Maxamuudoo Sinu-jiif deggan! Wuxuu yidhi odayada Dhulbahante haddaad tihiin haddee idinku heshiiya oo dhinac isu raaca! miyaanu ogayn in waajibaadka madaxweynaha tahay inuu mideeyo ummadduu sheeganayo inuu madaxweyne u yahay. Bal qiyaas madaxweynaha Maraykanka oo gobollo Ruushku ka qabsaday yidhaahda dadka deggan goboladaa idinku heshiiya!

Waxaan kusoo xidhi lahaa miyaanu Faroole akhrisan qodobka lixaad ee dastuurka Puntland oo udhigan sidan:

Qodobka 6aad

DHULKA IYO SOHDIMAHA

Dhulka Puntland waxa uu ka kooban yahay gobollada Bari Nugaal Sool Cayn karkaar Gobolka Waqooyiga Mudug, Heylaan iyo Gobolka Bariga Sanaag.

Sohdimaha Puntland waa kuwii Gobollada iyo Degmooyinka ay ka kooban tahay la lahaayeen deegaannada dariska la ahaa Jannaayo 1991kii ka hor hase yeeshee wixii khilaafaad ee hore u jiray (1991kii ka hor) waxaa laga xaajoon doonaa marka Dawlada Goboleedyada kale ay dhismaan.

Puntland waxay soo dhaweeneysaa lana xaajooneysaa degmo iyo gobol kasta oo doonaya inuu ku soo biiro Dawladda Puntland.

Dhulka Puntland waxaa ku dhan hawada sare, berriga iyo dhulka hoostiisa jiidda dhaqaalaha ee badda oo dhan 200 maylka badda ah oo ka bilawda halka uu ku dhammaado hirka ugu dambeeya waxaana masuul ka ah Dawladda.

Midnimada dhulka Puntland waa muqaddas lama kala qaybin karo lagumana xadgudbi karo

Ugu danbayntii Faroole isagaa dastuurkan udhaartay isagaana qaaday Mas uuliyadda difaaca degaannada Puntland iyo amniga dadka kuhoosnool gar iyo daw toonna maaha inuu dad shacab ah yidhaahdo ma uuliydaad wax ku leedihiin maaddaama ay isaga doorteen masuuliyaddiina udhiibteen.

Muxuu ugu xilsaari waayey odayada dhaqanka reer bariga isku laayey Ufayn iyo igdhays Waa tan uu udiray saddexda Guuto ee ciidanka ahe Farooloow sidaad ugaratay inay mas’uuliyaddada tahay inaad kala badbaadisid reer Bariga ayay masuuliyaddada utahay inaad soo celisid degaananada ka maqan Puntland waa haddaad isu aqoonsantahay Madaxweynaha Puntland Puntland na aad uaqoonsantahay gobollada kor kuqoran.

Farooloow gar maaha inaad tidhaahdid Dhulbahantoow dhulkii soo xoreeya markaad soo celisaanna Puntland ayaad ka tirsantihiin!

Waxa kaloo xusid mudan Faroole inuu marwalba sheego in ay Puntland diyaar u tahay Dawlad Soomaaliyeed oo Federali ah waxaad ogsoonaataa Farooloow haddaadan Puntland oo dhan gacanta ku hayn inaad federalka la aadaysid saddex gobol ee Bari Nugaal iyo Mudug oo aan dhammayn! Goboladan SSC ee aad dayacdayna ay iskood Federalka ugeli doonaan ama iyagoo Ka mid ah Waqooyiga Soomaaliya Hadday Soomaalidiidku mawqifkoodu beddelaan oo laysku afgarto ay ku biiri doonaan Federaalka laga rajo qabo markaasaad ogaanaysaa muhiimaddda ay gobolladani u leeyihiin Puntand odayada Dhulbahante ee garaadada shirka u ballansan waxaan odhan lahaa idinka kaalintiinnu waa inaad xoogga saartaan midnimada dhulbahante iyo taladiisa, intaas ka bacdina xagga Puntland haddaad rajo biddaan aad ukeentaan talo midaysan oo ah in degaanada maqan magac maamul lagu qabsaday sidaa daraaddeedna Puntland iyo faroole laga rabo hadal kama

danbays ah oo ficil wata kuna wajahan soo celinta degaanka oo weliba muddo cayiman loo ballamo. Mar marsiinyo danbe iyo waqti lumin danbena aannaan yeelayn. Waxa kaloo lagama maarmaan ah in haddii mardanbe laga maqlo Faroole waad kala qaybsantihiin inay tahay aflagaaddo kaddib markaad goaan midaysan oo madaxdhaqameedka Dhulbahante ah aad siisaan Faroole. Haddii kale aad afcad ka qaaddaan Faroole oo ah inaan Puntland diyaar u ahayn dhulkaa. Markaana

Dhulbahante waa yaqaanna dariiquu umaraayo Soo celinta Dhulka kamaqan. Laakiinse waxa lagaama maarmaan ah in laga baxo hoodaadada iyo hagardaamada laga tirsanayo maamulka Puntland oo uu noqdaa mid lagu tashado ama laaga tashado.

Maxamuud Ibrahim
dalmarbilaal@yahoo.com

F.G. Ra’yiga lagu soo bandhigay qormadaan waxaa iska leh qoraaga Maxamuud Ibraahim, keliyah, mana ahan fikradda guud ee bahda Sarmaanyo.com!