Fikradaha
HOGAANKA SSC HA ILAALIYO KALSOONIDA SHACABKA
HOGAANKA SSC HA ILAALIYO KALSOONIDA SHACABKA!!!
Somali Sanad guuradii labaad ee kasoo wareegtay qabshaddii laascaanood (15/10/2009) ayey ahayd markii lagaga dhawaaqay magaalada nayroobi hogaanka maanta caynaanka uhayo shacabka ssc .kalsoonida uu shacabka kahelay ayaa ay ahayd mid maraaxilo kala duwan soo martay oo hadba taageeradiisu waxay ku qotontay wakhtiga iyo ismuujinta hogaanka ee may ahayd mid iska timi.waxaan odhan karaa kalsoonida ay shacabka kaheleen iyo taageeradaba wuxuu soo maray saddexdan marxaladood: MARXALADDA KOOBAAD:ku dhawaaqidii hogaanka ssc intii lasocotay ee qurbaha kunoolayd iyo kuwa gudahu waxay umuujiyeen oo ayna ufidiyeen soo dhawayn aad usaraysa ,haba ubataan qolyaha dibaddee.kuwaasoo kumuujiyey taageeradooda ay uhayaan hogaanka shirar ay uqabteen wadamada ay kunool yihiin iyo baaqyo ay kusoo bandhigeen shabakadaha somaalida .laakiin dadka gudaha kusugnaa wakhtigaa taageeradoodu mabadnayn,waayo shirarkii ay sanadihii ugu danbeeyey dadka deegaanku isugu imaanayeen ayaa ahaa kuwo wixii kasoo baxa aan lafulin.taageerada aan sidaa ubadnayn ee uu hogaanka kala kulmay dadka deegaanka ayaa loo aamanayn karaa iyagoo aan kawarhayn ujeedadiisa iyo waxa uu kaga duwanaan karo shirarkii hore ee baaqyada laga soo saari jiray.fashilkii puntland kaga dhacay dadka ssc ayaa iyada kamid ahayn in lasoo dhaweeyo oo ay dadku taageeraan maamul iyaga ugooni ah. MARXALADDA LABAAD:markani waxaa sii kordhay taageerada loo hayo hogaanka iyo madaxdiisa. waxayna shacabku kawarheleen dhaq-dhaqaaqyada iyo safarada ay kugaalaa bixinayaan wadamada deriska iyaga iyo garaadadii bud-dhigay. Taageeradani waxay sii korodhay markii uu furmay gogoshii hol-hol iy buurawadal ee uu dhigay garaad jaamac garaad ismaaciil,layskuna raacay in ladhamaystiro qaybihii kadhinaa hogaanka ,looguna baaqay in ay dalka soo galaan madaxda hogaanka.wakhtigaa rajada shacabka ayaa aad usii siyaaday iyo kalsoonida lo ohayo hogaanka ssc. MARXALADDA SADEXAAD:waxay ahayd markii ay soo galeen gudaha dalka,hawshana ay si layaab leh oo dardar horleh ay uwaajaheen,wakhtigaa dhamaan dadweynaha ssc waxaa la odhan karaa way ku midoobeen oo wuxuu helay hogaanku taageero layaab leh waxaana aduunka kufaafay taageerada loo hayo iyo iyo magaca ssc.dadku dareemeen in ay heleen cid kadulqaada cadowga labada sano dusha kasaaran.hogaanku wakhtigaa wuxuu joog iyo jiifba udiiday huwantii carro darawiish haysatay.taana waata uu kumutaystay taageerada aan la loodin Karin ee uu ilaa manta kushaqeeyo.kuwa taageerada ufidiyey waana inta jecel horumarka dalkooda ee aan ilaashanayn dano gaar ah. Haddaba waxaa looga baahan yahay in uu hogaanku ilaaliyo kalsoonida iyo taageerada aan kala hadhka lahayn ee shacabkiisa kala kulmay. MAXAA KALSOONIDA SHACABKA DHAAWICI KARA: · Khilaafaad dhexdiina ah,waayo wuxuu curyaamin karaa khilaafaadkaasi hawlaha laydiin doortay. · Daacad la’aan iyo kala danbayn xagga nidaamka hogaanka dhexdiisa ah. · Dhaq-dhaqaaq la’aan iyo wahsi iyo hawsha oo aad kaseexataan. · Caddaalad daro,nin jeclaysi iyo isu fiirsasho dhexdiina ah. · Hawsha oo ay daan kukala danbayn ee aad laakiin isku dhexyaac muujisaan,taana waxay dhaawici kalsoonida ssc. MAXAA KORDHINKARA KALSOONIDA SHACABKA: · Waa in uu hogaanku layimaaddaa firfircoonaan dheeraad ah iyo waxqabad horleh kana muuqdaa dhamaan deegaanada ssc oo dhan si waxa laga doonayo ay ugu sahlanaato kuna yeesho cudud ciidan. · In uu sameeyo wacyi galin xagga dadka ah iyo kashaqaynta isu soo dhawayn tooda iyo in aad usharaxdaan kuwa aan weli fahamsanayn ujeedkiina .waana in ay kadigtoonaadaan dibin-daabyada kaga imaan karta maamulada hareeraha kaxiga bulshadani. · Hawsha oo ay si degdeg ah udhaqaajiyaan ,waayo hadda siday wax uwadaan maahan si lasii daawan karo waana si ay habacsanaan kamuuqato,waxayna keeni karaysaa faa’iido daro iyo in laydinka dhex faa’iidaysto. · In ay kafaa’iidaystaan inamada ay ciidan ahaan uqorteen oo ay dhaqso hawlihii loo igmaday udiraan,waay askariga oo jiidaha lagu ilaawaa waxay dhashaa waa niyad jab iyo isagoo aan hami badan uhayn dagaalka. Waana in laydinka helaa cudud ciidan oo isku xidhan oo markaliya dagaal kawada geli karaysa jiidaha laascaanood iyo widh-widh,si jaha wareer loogu rido cadowga aan cidhibta adag kutaagnayn ee manta nafla caariga taagan.kana dhamaan la’wada hadal ayaanu doonaynaa,. MADAXDA HOGAANKA SSC SOMALIA. Mas’uuliyiinta manta hawsha hogaanka hayaa waxaa looga baahan yahay in ay qabtaa waddadii lagu ilaalin lahaa kalsoonida aad shacabka kahaysataan,ogaadana waxay kalsoonidiinu kuxidhan tahay hadba siday hawshiinu noqoto, markaan leeyahay madaxda hogaanka uma jeedo labada mas’uul ee ugu sareeyo ee dhamaan inta xilalka kahaysa ayaan lahadlayaa sidii aad ukordhin lahaydeen oo aad hawsha habacsanaanta uga saari lahaydeen ayaa laydinka fadhiyaa,hana kategina is ixtiraamka dhexdiina ah.mana aha maalintii laga soo sheegi lahaa dhexdiina iskhilaaf ee waa in aad taa kadigtoonaataan oo ay golaha fulinta iyo khusuusidu wada shaqayn danta dadka ah ay kadhaxaysaa. GOLAHA KHUSUUSIDA: intii hawsha laydiin xilsaaray shacabku amaanta uu idiin soo jeedinayaa maahayn mid sidaa usii buuran,dhaliilo dhawr ah waad leedihiin ee isa saxa oo hawsha sidii aad markii laydiin doortay xilalkan inyar kadib usii wada,safarada aad kubixin jirteena deegaanada iyo abaabulku yaanu joogan,waa in gudoomiyaha uu amraa koox khusuusida kamida in ay u ambabaxaan nugaasha ,dadkana ay wacni geliyaan.ogaadana haddaad isugu sheekayseen annagu waxaanu nahay xildhibaano sharci dejina,markaa annagu shaqo kuma lihin hawlahaa aad sheegaysaan,taas waad ku khaldan tihiin oo deegaanadaa inta uu cadowgu joogu maahan in aad iska seexataan oo aad soo toostaan,waa in aad qoriga qaadataan.haddaad kasoo bixi weydaan dee markii horaba dhaxal kumaydaan imaan ee ogaada waad iska rawaxaysaane. HOGAAMIYAHA SSC IYO KUXIGEENKIISA: labada mas’uul ee ay hawsha ugu badani saran tahay waa dr.saleebaan hogaamiyaha ssc iyo cl.sabaray hogaamiye kuxigeenkiisa ,wixii hagaaga idinkaa leh amaanteeda,wixii khaldama ee socon waaya ama dib udhac ahna idinkaa leh dhaliisheeda waa in aad ogaataan oo aad taa maskaxda kuhaysaan.waxay shacabku idinka dhawrayaan hawlaha oo aad ballaadhisaan,nugaal oo aad awood ciidan iyo mas’uuliyiin sarsare oo katirsan hogaanka oo ay idiin joogaan,isla markaana aad xidhiidh wacan wada leedihiin,alyacni ay markeliya dagaal kawada qaadi karaan jiidaha widh-widh iyo laascaanood .ciidankiina oo aad tayaysaan iyo shacabka oo aad kadhaadhicisaan waxaad udagaalamaysaan ayaa ah mid guusha idiin soo dedejin karaysa .waxaa idinku socda dagaalo qabow oo aad moodaan in aad kahurudaan ,inti loo dhiibay siilaanyo xafiiska maamulka hargaysa,wuxuu isticmaalayey qorshayaal hoose oo laydinku kala furfuraya ,taana waxaa loobaahan in aad ficil kaga jawaabtaan oo aad beenisaan in aanay soconayn waxa ay lawareegayaan. HASEEXANINA WAX AFAR-SAAC KABADAN!!!: laga yaabee in aad qariibsataan hadalkan,laakiin haddad dareesan tihiin waxa ay ummad dhan idinka sugayso,waxaad odhan lahaydeen adeer hurdaba nooma eka ilaa laascaanood. Hogaamiyaha ssc waxaanu kasugaynaa khudbaddiisii oo dheer oo uu noogu balan qaaday shirkii nayroobi markii ladhaariyey kadib{Laascaanood ayaa inoo balan ah Maalin dhaw Iinsha Allaah” Halkaas ayaad Qudbadayda oo Rasmi ah ka dheegan doontaan ee Inyar ii Samra”.}Si aad ugaadho hadafkan oo ah in aad laascaanood qudbad aad uqiima badan aad kajeediso waa in aad dardargelisaa hawsha oo ay weliba nugaal si weyn laysugu ballaadhiyaa,waana iga talo waxaana rajaynayaa in hawshan aan soo bandhigay aanay kamadhnayn istiraatiijiyadda dagaal ee aad kuhawlan tihiin. Si aad laascaanood 15/October/2010 uga jeediso waa in aad maalintiina hawlaha dardargelisaa,habeenkiina aad diyaarisaa barnaamijkii aad subaxdii fulin lahayd. YAA IDIN TAAGEERSAN?!!!; waxaa taageero hiil iyo hooba leh idinla garabtaagan kumanaan darwiishyahaniin ah oo kukala nool daafaha caalamka,kuwaasoo manta taageerada ay idiin hayaan in ay sii kordhiyaan ay kuxidhan tahay dadaalka aad ugu jirtaan dhulka maqan oo aad sii badisaan.dhawaan ayay ahayd markii ay kadheceen shirar laydinku taageerayey laguna soo dhawaynayey garaad jaamac garaad ismaaciil {xafidulaah}iyo xoghayaha amuuraha dibadda SSC Prof.maxamuud cali jaamac,wadamada ingiriiska iyo Sweden,dadkii qaybgalayna waxay sheegeen in ay hiil iyo hoo idinla garab joogaan.xusuustana dhiiri gelintii uu garaadku kajeediyey xafladii London,isagoo ugu baaqay in ay taageeraan hogaanka,hadalkiisii ahaa{innagoo xaaladda maanta lagu jiro kawarhayna,innagoo hogaankeena SSC taageerna}ayaa idiin muujinaya in hawlaha aad wadaan aydaan keli u ahayn ee ay shacabkiinu idin taageersan yihiin. GABAGABO: dhamaan shacabka SSC waxaa odhan lahaa,manta maamulka keliya ee aanu haysanaa ee danaheena kashaqaynaya waa hogaankee aynu taageerno,marna yaan lagu fekerin in ladumiyo hogaanka ssc,hadday mas’uuliyiintu xumaadaan waa la bedelaa,hadday raga manta wax wadana ay awoodi kari waayaan in ay hawsha sii wadaan waa in ay iska wareejiyaa.hogaankana waxaan leeyahay shacabka intaad kasoo saarteen,maamulada hareeraha. kaxiga ama kii pl aad kasoo faaruqiseen cidla hakaga tegina oo hanoqonina kuwii lagu bilaabay ee haddana gacantooda ay kuburburtay,maantana halyeeyo ayaad tihiin ee hanoqonina horgalayaan,inta aanay shacabku isku kicin sidii ay pl ugu kaceen la imaado waxqabad muuqda .jaaliyadda ssc-na waxaan leeyahay hala bakhaylina dhaqaalaha waa ta keliya ee ay hawluhu kukala socdaan.haddaad khalad ka aragtaana isku daya in aad toosisaan,danteenu yaanay naga xumaan annagaa uwada baahane. SSC GUUL IYO GOBONIMO.
Fikradaha maqaalada waxaa ka masuul ah qoraaga.
By:c.raxmaan ismaaciil maxamuud (abdirahman-somali) Zaami-suge@hotmail.com

