Advertisement

Fikradaha

waa lagaadhi maamul goboleed ee yaan lasamirdarnaanin!!

U dir saaxiib Daabaco Add Comment

Mon, August 23, 2010 8:44:42 PM

waa lagaadhi maamul goboleed ee yaan lasamirdarnaanin!!

From: cabdiraxmaan saami-suge <zaami-suge@hotmail.com> 

Add to Contacts

To:       sarmaanyo@yahoo.com  

Markaad doonayso in aad gaadho meel sare,waxaa laga bilaabaa halka hoose si ay kuugu saamaxdo hiigsigaaga.oodo dhacameedna siday ukala sareeyaan ayaa loo kala qaadaa .
maanta in hogaanka lagu hawlgalaa ayaa kamuhiimsan in layidhaahdo waa maamul ama waa maamul goboleed.inkastoo uu haddaba umuuqdo maamul goboleed,aanuna kamaqalnal garaado iyo mas’uuliyiin si weyn utaageera maamulka ssc.xitaa shakhsi ahaan waxaaba ila qurxoon halka marba maamul ama dowlad loogu yeedhayo,in loogu yeedho hogaanka waayo,waa magac aad umacaan runtii ummaddana kucusub.inta lagaadhayo hadafka ugu weyn oo ah in lagala laascaanood waxaan qabaa in aan lagu dhawaaqin maamul lamida kuwa hareeraha kaxiga. waxaana u aanayn karaa sababa dhawr ah oo aniga iigula muuqda in aan maanta maamul goboleed aan lagu dhawaaqi karin oo ah:
1.magaaladii lagaga dhawaaqi lahaa oo aan gacanteena kujirin.waxaana aad uqurux badan iyadoo gogol xor ah lagu wada fadhiyo,dhamaan shacabka ssc oo dhan si farxadi kudheehan tahay uga soo wada qayb galay in lagaga dhawaaqo.
2.haddii hadda lagu mashquulo samaynta maamulkaas aad kahadasheen wuxuu dib uridi karaa hawlaha halganka iyo dhisidda cudud ciidan,waxaana kadhalan kara in halkii hawlaha lasii wadi lahaa laguda galo ama lagu mashquulo beelo cadhooday oo xilal doon ah.
3.marka laascaanood iyo dhamaan deegaanadaa laga saaro soomaaliland waxaa meesha soo galaya in dhamaan madaxdhaqameedkii oo dhan ay isaga yimaadaan maamulada kale,si dhab ahna ay hawlaha ssc daacad ugu noqdaan waayo waata usaamaxday in ay magaaladii ay saddexsano kahor kabaxeen kusoo laabtaan.taana waa fursad aan hadda lahayn inta lahelayana waa in aan lagu degdegin.inkasta oo aan anigu hadda u aaminsanahay maamulka ama hogaanka keliya ee siyaasad ahaan naga mas’uul ah,markaan leeyahay yaan lagu degdegin ulama jeedo in aan leeyahay ssc yaan laga dhigan maamul ugaar deegaanadaa ee pl iyo sl halagukala laabto, ee waa si maamulku hadhow uu noqda mid aad uweyn shacabkiisana ay kudhan yihiin wakhti lasiiyaa haddana hawlaha sifaynta lasii wadaa oo aan marna niyadda beel kale loo duwin.
4.marka ay deegaanadaa gacanteena kusoo laabtaan waxay ssc heli karaysaa taageero xagga siyaasadda ah oo ay kuyeelato geeska africa.waayo maanta dunidu waxay tixgelisaa un kuwa maamula dhul layaqaan,caalamkuna uu tixgelinayaa in aanu nahay shacab aan sinaba u ogolayn in wadanka soomaaliya laba loo kala gooyo.marka laga hadlayo qadiyadda gooni-goosad doonka waqooyina insha allaah waxaanu noqonaynaa shacab lasoo fadhiisiyo miiska doodda,waanuna ku gorgortami karaynaa waxaanu aaminsanahay oo qadiyadda soomaalinimada ah.haddaanse hadda maamul goboleed kudhawaaqno caasimaddiina ay maqan tahay caalamka taageerada aad kaheshaa way iska yaraanaysaa ama saaxiibada aad kuyeelanayso ayaan ahayn kuwo tixgelin badan kusiinayn waxayna kaa aaminayaan dad aan dhul haysan,laakiin caalamka been usheegaya.
5.hadda oo maamul goboleed lagu dhawaaqaana waxay sii adkayn karaysaa ama ay sii badin karaysaa cadowga aan diidmadooda qarsan,laakiin marka laascaanood iyo badiba deegaanadeena ay gacanta kusoo laabtaan cid kahadli karaysaa maamul gooni ah halagu dhawaaqo majiri karayso.
 
inkasta oo ay sababtu badan tahay,laakiin anigu aragti ahaan waxaan qabaa in hawlaha ladardargeliyo,balantuna ahaato laascaanood.nugaashana ciidan ahaan ladhiso lana kiciyo shacabka oo lasameeyo,guddiyo shacabka nugaal iyo hawd baraarujintooda qaabilsan,si uu halganku markeliya wadanka uga wada bilawdo.marka aad cadowgaaga meelkasta kaqaniinto waxaa soo degdegaysa kaguulaysigiisa.markaa si loo gaadho maamulkaa aanu hiigsanayno hawlaha hala xoojiyo hana lataageero hogaanka iyo hogaamiyayaasha horkacaya. waxba yaan hiiraan lagu dayin annagu keenu waxaan doonaynaa in uu noqdo mid wakhti aad umacaan lagu dhawaaqay. markaa waxaan kusoo afmeerayaa odhaahdayda in aan samirka laga tegin,lana sal fududaan.insha allaah maamul goboleed iyo wixii kawanaagsanba waanu gaadhaynaa,ileen haddaba hawlaheena annagaa umadaxbannaan oo cidina ugama daba fadhinee.
W/Q:c.raxmaan saami-suge
E-mail;zaami-suge@hotmail.com