Advertisement

Fikradaha

Maxaa Hortaagan in lagu dhawaaqo maamul goboleedka S.S.C iyadoo ay gacanta ugu jiraan degaanadda S.S.C intooda badan.

U dir saaxiib Daabaco Add Comment

Maxaa Hortaagan in lagu dhawaaqo maamul goboleedka S.S.C iyadoo ay gacanta ugu jiraan degaanadda S.S.C intooda badan.

Waxaan halkan uga hanbal yaynayaa mareegaha  Sarmaanyo.com   sida  hagar la’aanta ah ee ay nuugu sogudbiyaan wararka kusabsan dhulkii hoyo.

 Hadii an fikirkayga kadhiibto  Wax yabaha hortaagan in SSC ay mamul noqoto  xaqiiqiyan   anigu waxaan u arkaa  dhowr shay ookale  ah

1.      Dadkii oon aminsanayn  in ay wax noqonkaraan  taasoo ah ta ugu mihiimsan  marka qofka bila aadankaa uurabo in uu wax noqdo ama qabsado .Taas oo manta aad ugu badan  bulshada  Gobaladan  kudhaqan . In ay sidaa ufakarana waxa kenaysa  labashay  oo manta somaliba ay isku mid katahay  labadaashay ookale ah  in gobaladan aanay  dakad  iyo garoontona lahay  taas oo ah mesha dhaqalaha  kasoogalo mamulada dhinacyada inaga xiga.

2.      Arinta labaad ee  iyana laga yaabo in ay wiiqdo  in dhulkan uu yesho mamul ugaara  ayaa iyana ah madaxdii iyo hogaankii noocudonaba hanoqdee  mid dhaqan ama mid siyasadeed oo khalkhal farabadan kuyimi  tana waxa kenay  in  qofwalba oo ilawo waxa shaqadiisu tahay iyo wax lagarabo ama loodirsaday. Qofwalba wuxuurabaa in uu qofkale shaqadii qabto taasina waxay keentay Isfahan la’aan baaxadwayn leh.

3.      Arinta  sadexaad  ee aan adka ugu dhaliiylayo ee aan isleeyahay samayn waynbay  kuleedahay in dhulkan uusan mamul yelan waa dadka gobaladan oo ah dad seeflabood ah  oo marba meel iskuqaada oo fudud. Iyagoon waxba ka fiirsan ama  aan kawad hadlin  marba dhinax koox kamidi u cararto  taasina waa arin ilaaba  inkabadan dhowrjeer dhacday.

 

Qoraalkan aan qoray hadaan  asiibay meeshii sartu ka qudhintay waa ilaah mahadii. Qaraalkan ciidi u aragta  personal waxan leyahay cidna ulamajeedo ee waa arin  aan guud ahaan uga hadlay  fikirkaygana kadhiibta.

 A.A

UK. London  

F.G:- Qoraalkan waa fikrad akhriste,waxaana masuuliyadeeda iska leh qoraaga ama soo diraha.