Advertisement

Fikradaha

baaqii qurbajoogta haaruun xasan

U dir saaxiib Daabaco Add Comment
baaq

baaq

ka. qurbojoogta Xassan Ugaas ” beesha boocame” ku. dhamaan jaaliyadaha dibadaha iyo kuwa gudaha. ku .dhamaan isimada beelaha deriska ah iyo kuwa soomaaliyeed. ku. maamulada iyo xukuumadaha dawliga ah,dawlada federaalka,maamul goboleedka puntland,hogaanka ururka SSC,ururka NSUM. Ka dib burburkii dowladii dhexe ee soomaalia 1991kii, waxaynu ogsoonahay dhibta, barakaca iyo dagaaladii sokeeye ee ummadda soomaalida saameeyey, taasoo ay sabab u ahayd tafaraaruq iyo midnimo la,aan xukun-jacayl, talo an laga fiirsan. Hadaba beesha reer Boocame waxay nasiib u yeelatay in Ilaahay ka badbaadiyey dhibaatooyinkaas, mid guud mooyee. Taasoo ka dhalatay hogaan dhaqameed iyo talo lagu midaysan yahay, Beeshana u horseeday horuma,r nabadgelyo iyoDeriswanaag. Hadaba arimaha ka soo cusboonaaday deegaanka Boocame ee u baahan ka fiirsasho waxay qurba joogta reer boocame ka soo saareen baaq iyo Go,aamo ay ku midaysan yihiin. Baaqani wuxuu cadeynayaa go,aamadii ka soo baxay qurbo joogta xasan ugaas iyo jaaliyadaha dibada kaasoo muujinaya mawqifka kama danbeysta ah ee ay ka taagan yihiin Hogaan dhaqameedka, Midnimada iyo Wadajirka beesha reer Boocame. Waxaan halkan ku xuseynaa natiijadii ka soo baxday shirarkii beesha iyo kulamadii ay yeesheen cuqaasha, wax garadka, aqoonyahanka, culimada diinta, odayaasha, dhalinyadarada, haweenka iyo dhamaan qaybaha bulshada kaasoo daba socda shirarkii kala duwanaa ee ay yeesheen beelaha reer Boocame iyo qurba joogtu ee lagu qabtay deegaanka boocame waxayna isla go’aansadeen arimaha soo socda: 1- In ay waajib iyo muqadis tahay midnimada beesha Xasan Ugaas, iyadoo la eegayo danta guud ee beesha lagana fogaanayo danta gaarka ah ee aan maslaxada u aheyn beesha. 2- In ay talada iyo hogaanka beeshu tahay mida qudha ee Isimka uu ka yahay loona igmaday Ugaas Cabdilaahi Ciise Nuur cidkale oo beesha matali kartaana aysan jirin 3- In dhamaan shacab weynaha beeshu dal iyo dibad ay ilaaliyaan wadajirkooda meelna uga soo wada jeestaan cidkasta oo ka dhex abuurta fidmo,burbur iyo xasilooni la aan, aan loo miidaan dayin taasoo waxyeelaynaysa midnimadooda iyo qaranimadooda. 4- In ay ilaaliyaan deris wanaaga iyo amaanka gaar ahaan beelaha ay danwadaagta yihiin,guud ahaana danaha umada soomaaliyeed. 5-Waxaan ku wargelineynaa beelaha aanu deriska nahay in ay dhowraan wadadhalashada, derisnimada isla mar ahaantaasna ka digtoonaadaan cidii wax u dhimeysa nabadgelyada, khalkhalna gelineysa dadka iyo deegaanka 6- Waxaan kale oo ogeysiineynaa in aan la soo Dhoweyn, lagana qayb qaadan, lana taageerin cid walba oo ku xadgudubta, meelkaga dhacda, ku na tumato Saldanada, Amaanka, Dhaqanka, Xeerka, Midnimada iyo sharafta beesha reer boocame. 7-waxaan u sheegaynaa in tixgelin la siiyo lana qadariyo go’aamada bayaanka ku cad oo ay si wada jir ah u soo saareen dhamaan beesha reer boocame Dal iyo dibadba . 8- waxaa Guddoonkan ansixiyey iskuna raacay qodobada kor ku xusan dhamaan jaaliyadaha beesha boocame Qurbaha ku nool. guntii iyo gebogebadii waxaanu rajeynaa in qaraaradani ay noqdaan kuwo loo dhaqan geliyo sidii loogu talogalay iyadoo la siinayo mudnaantooda iyo tixgelintooda waxaan ugu baaqaynaa beesha reer boocane wanaag ,wadajir iyo midnimo iyo nebedgelyo. Wabilaahi tawfiiq