Advertisement

Fikradaha

Baaq: Qurbajoogta beesha Nuur Axmed oo cambaareeyey kulankii Tukaraq ku dhexmaray Puntland & Somaliland

U dir saaxiib Daabaco Add Comment

STOCKHOLM, Sweden — Annagoo ku hadlayna magaca jaaliyadaha qurbajoogta Nuur Axmed ee ku dhaqan aduunka daafihiisa waxaanu si aada u cambaaraynaa falkii foosha xumaa ee ay ku kaceen labada xubnood ee ka tirsan maamulka Puntland.

Waxaanu aad isaga fogeynayanaa dhaqanxumada Cabdi Qawdhan Warsame (Cabdi Halas) iyo Cali Jaamac Farax (Cali Dhegacade) ay ku talaabsadeen oo ay kula kaceen isimada beelaha SSC iyagoo si cad ula kulmay kooxda cadowga ah ee kasoo horjeeda jiritaanka beelaha SSC kuna beegantay maalintii la shirqoolayey gogoshii Holhol

Annagoo ah wax garadkii iyo aqoon yahankii beesha Nuur Axmed waxaanu cadeynaynaa in labadaas ruux aanay metelin saameyna ku yeelan karin arigtada beesha ee ku aadan midnimada shacabka iyo xoreynta Dalka.

Annagoo caddeynayna mowqifka beesha oo ku dhisan midnimada iyo jiritaanka beelaha SSC waxaanu taageeraynaa shirka isimada ee Holhol iyo Buuro Wadal ka socda waxaanuna ugu ducaynaynaa inay kasoo baxaan midho ay u aayaan ummadda SSC oo in badan oo ka midi ay qaxooti ku yihiin gobolada kale ee Puntland.

Mudanayaashii jaaliyadaha dibedda ee aadka u cambaareeyey dhacdada gurracan.

  1. Muuse Cali koore (England)
  2. Faarax Cali shire (faarax Toor) gudoomiyaha jaaliyada Nebraska (USA)
  3. Cabdi Cali Nuur Bileys (sweden)
  4. Ismaaciil Cabdillaahi Shaywaal (USA)
  5. Cumar Cali Koore (Canada)
  6. Axmed Gurey Ducaale (Swedn)
  7. Mukhtaar IbraahimXabashi (Norway)
  8. Dhexmar Axmed Xirsi (Denmark)
  9. Cumr Saalax Afweyne (Sweden)
  10. Cabdi Dubbad Muuse (USA)
  11. Axmed Cabdi Gaboobe (USA)
  12. Cabdi KHaliif Jaamac (Sweden)
  13. Axmed Saxardiid (Norway)
  14. Cabdirisaaq Maxamed Cartan (USA)
  15. C/qaadir Caydiid Calishire (Sweden)
  16. Maxamed Ibraahim Diiriye (USA)
  17. Axmed diiriye Jaamac (Norway)
  18. Dhegacade Haayir (weden)
  19. Maxamuud Xassan Jaamac (dhegayare) USA
  20. Axmed Mire Ismaaciil. (Sweden)

Baaqan kala xidhiidha Cabdi Khaliif Jaamac oo ka mid ah jaaliyada Scandanevianka

Tel: 0046734911998

Sarmaanyo.com
sarmaanyo@gmail.com