Advertisement

Fikradaha

Damiir la’aanta horgalayaasha SNM, dulqaaadka shacabka Laascaanood, dareeenka qurba joogta SSC, iyo isku duubnida Garaad

U dir saaxiib Daabaco Add Comment
Sarmaanyo.com

Sarmaanyo.com

Damiir la’aanta horgalayaasha SNM, dulqaaadka shacabka Laascaanood, dareeenka qurba joogta ssc, iyo isku duubnida garaadada ee Buura-wadal ayaad maanta waxaad moodaa inay noqotay xaalada shacabka iyo dhamaan wixii damiir leh, ay indhaha kuhayaan iyadoo laga eegayo dhinacyo badan maadaama ay maanta xaalada deegaanka ssc taagan tahay meeshii ugu nasiibka darneed abid aan soomarin laakiin aadmoodo inay wehel unoqotay shacabka Laascaanood.

Damiir la’aanta horgalayaasha SNM

Waxaad moodaa maanta mandaqada SSC xaalada ugu nasiibka daran ee kajirtaa inay tahay kuwa ku abtirsada deegaanka ssc ee kuhowlan sidii dhamaan dhulkii kumagac baxay ladagaalanka gumaysiga ee darawiisheed inay dhamaantii hanti iyo abaal gud ugga dhigaan ina Riyaale iyo xuluufadiisa, si ay ugga helaan magac iyo maamus laakiin aad moodo kuwa sidaa damiirkoodu siiyey inay kujiraan god aan meel banaan laheen,iyadii maalinba maalinta ka danbaysa soo baxaayo midkusoo shaac baxa bulshada laascaanood, magac aan meeldheer jirin dhaafsii saneena Laascaanood kagga hela SNM, madaxana loosalaaxo laguna booriyo inuu soo qabqabto dhamaan wixii damiir leh ee kadhiidhiya Soomaalidiidka..

Laakiin ma ogtahay DAMIIR LAAWOOW, inay tahay shacabka laascaanood oo loo gudbiyaa mandheere, (hoo oo ku go’) ma ogtahay inay kugu noqon taariikh aan lagaa hoos qaadin maalinta dhulkeena ssc kusoo laabato xoriyadii iyo calankii buluuga ahaa ee aan aduunka lagga helin laaakiin adiga kuu taal ilduuf iyo hurgumo sokeeyo iyo weliba denbi aad ka gashay dhulkaaga hooyo.

Dulqaaadka shacabka Laascaanood

Dulqaadka shacabka laascaanood waxaad moodaa inuu soo jiitamaayey ilaa 15/10/2007kii maalintii aad garanaysaan ee lasoo fadhiistay xargaga iyo duleedka laascaanood loona talaabay dhanka bari Laascaanood ee gooja_cadde.

Laakiin maanta waxaad moodaa inay tahay maalintii ay shacabku kamadhatay qaybta dulqaadka iyo aragga huunada waqooyi ee maraysa bartamaha Laascaanood, iyo wixii horgali jiray huunada oo maanta cabsi darteed aamini waayay wadooyinka iyo guryahooda waxayna gaadheen inay markay arkaan bac meel banaan maraysa ay xagga huunada u cararaan..

Dareeenka qurba joogta SSC

Dareenka qurba joogta SSC ayaa maanta waxay tahay maalintii ay filayeen dhamaan garaadada beesha DHULBAHANTE ee ku abtirsadaa mandaqada SSC inay calan iyo xoriyad ka qaateen lako qaybsanaantii mudada badan hadhaysay.

Qurba joogta ayaa waxay ka warsugayaan maalinta la dhahaayo dhulkii SSC huunadii laga kici ee qurba joogeey maadkusoo dhawataan.

Isku duubnida garaadada ee Buura-wadal

Iski duubnida garaadad ssc ee maanta jooga deegaanka Buura-waddal ee degmada boocame ayaa maanta waxay tahay guul iyo isku duubni usoo hoyatay dhamaan shacbigga ku abtirsada deegaanka sool,sanaag iyo cayn ee aan damiirkoodu siin inay usacabiyaan soomaalidiidka, garaadad ayaa maanta garowsaday inay dani ku jirin.

Maamulka waqooyi bari ee ina faroole inay tallo lawadaagaan kana sugaan xoraynta deegaanka ssc ee cadawgu ku gaamuray

Kana tashadaan dhamaan wixii horre ee maamulkani odhan jitay Laascaanood waxaan kusoo celinaynaa gacanta P/land laakiin maanta garaadadu u qalab qaateen ka maarmida ina faroole iyo inta daacada u ah.

Cabdirisaaq Ismaaciil (Jaah Adag)
Nairobi, Kenya.
cmarka77@hotmail.com